Khatar cusub (WQ: Mukhtaar Cigaal)

Ka ganacsiga binu aadamka (human trafficking ) gaar ahaan ka ganacsiga caruurta (child trafficking ) waa ganacsi aduunka ka jira ,siyaabo badan ayaa looga faa’idaystaa caruurta laga ganacsado qaar kamida askar ayaa la qorayaa ,qaar shaqaale ahaan ayaa loo kala iibsadaa ,qaar jidhkooda ayaa laga ganacsadaa qaarna waxa lagu tababarayaa ka ganacsiga daroogooyinka halka qaarna xubnaha lagala baxo .

waa mid kamida ganacsiyada ugu lacagaha badan aduunyada ,wadamada aduunka oo dhammi waxa ay ka midaysan yihiin in ay ladagalamaan ganacsiga caruurta .wadamada reer galbeed ku way u taag waayeen in ay xal u helaan caruurta la kufsado ama la xado sidaa darteed ayaa masuuliyada caruurta waalidka loo saaray ,dhammaan wadamada reer Yurub waalidka ayaa ka masuula in ay caruurtooda dugsiga geeyaan kana celiyaan iyaga oo ka cabsi qaba in la afduubto caruurtooda .
10 dal ee ka ganacsida binu aadanka caanka ku ah waxaa ka mida
1.
Bangladesh 2. Brazil 3. Slovenia 4. Sri Lanka 5. Pakistan 6. Nepal 7. China 8. Ghana 9. Russia 10. INDIA

Wadamada muslimka ah way ku yartahay ka ganacsiga aadamuhu ,laakiin haddana way jiraan Somaliland baryahan dambe way ku soo badanaysaa  ka gacansiga caruurta ama caruurta la afduubanayo 24/02/2017 shalay jimcihii ayaa u dambaysay oo dhacdadani dhacday.
Raxma cabdi muxumed oo arintasi ku dhacday ayaa waraysi sisay Muuqbahiya

Star Tv “ aniigoo dhar maydhaya ayay ii soo gashay ka dibna waxay tidhi habaryar maskin ban ahaye maxaad igu cawin kartaa ka bacdi waxaan ku idhi cid waalid ihi  majoogto  wax cunto oo guriga talo loo la cuno matalo ayan ku idhi ku manan samaysan saaka qureec guriga ka dib waxaan ku idhi hadaan bariis qaydhiin ku siiy ka waran waa caadi bay igu tidhi sufurban ugu soo shubay wanan siyay ka dib  waxaan garan wayey goor alle iyo goor aan badalmay dharkii anigoo aan siyay jawana ugu guray ayaan is arkay aniguna aan xidhay xijaab qoyan anan racay ka dib nooho taagnayd ayan wada raacnay aniga. Iyadii, 4 nin iyo inan kale ka dib guri bay I geeyeen ka dib qol kamida ayay nafadhisiyeen qolkana waxaa jooga laba hablood oo kanool ku xidhanyay ka dib aniga way Ifadhiisiyeen dhiigana way iga qadeen irbadna way igu mudeen ka dibna waanu tagnay ka kalinta ina gafane ee galbedka ayay nagu dajineen aniga iyo gabadhiiba intaa soo lugeeyana waynagu yidhaahdeen intii anan gadhin halkii lagu balansanaa ayuu miyirkaygii soo noqday ka bacdi waan ka baxsaday xafadna waan ka galay xafadii ayan is ku sheegay xafadiina dadkaygii bay ila soo xidhidheen aniga iyo gabadhiiba sidaas ayaa naloogu yimid.

Isla dhacdadanoo kale ayaa iyaduna dhacday 12/02/2017 ayaa gabadh yar la wayay marki ay schoolka aya tagtay aroornimadii sabtidii idil Cabdilahi 12 sano jir waxay dhiganaysay fasalka 6aad School of Today
ka dib markii lawayay yaa badhitaano iyo dabagal hor leh lasameyey waxaa wax sheega ugu wardambaysay markii schoolka ay xiisaduhu dhamadeen lagana rawaxay gabadhanyar waxaa laga bafiyay meelkasta baraha bulshada,idacadaha,website,kantarolada iyo dhaman xuduudaha Somaliland xuduuha
waxay magnay 6 habeen iyo malmahoodii ayaa lala’a waxaa la helay 16/02/2017 waxaana laga helay macalada Burco
waxay sheegtay in guri lagu hayay irbadna lagu muday.
dadkii ku luglahana lahayo xidhanyihiina

Sannadkii ugu dambeeyay waxaa la ogaaday kiisas caruur la xaday ,waxaa ugu dambeeyay wiil yar oo talefiishanka hoon kaybal(HCTV) sii daayay ,wiilkaa yar waa la afduubay waxaana la mariyay caafimaadka nasiib wanaag muu noqon qofkii ay u baahnaayeen oo dib ayay usoo celiyeen .

Haddaba Bulshada Somaliland maxaa la gudboon ileen waxaa soo dhanba way ka war ladaye waxaan maqli jiray “Baadida ninbaa kula daydaya  daalna kaabadine oon doonaheyn in aad heshona dayin abidkaa”

Hargaysa waxaa ku yaalaan guryo caruurta lagu qariyo sida dhacdoyinka kor ku xusanba lagu sheegay laguna baadho,dhigagana lagaga qado caruuraha la soo xado  lagamana war qabo ,waa wax laga xumaado in ay dad inaga  ahi la shaqeeyaan dadkaa ,waxaa kasii daran in aynaan ku baraarugsanayn ka ganacsiga caruurta .waxaa jira guryo badan oo magaalada la kiraysto masuuliyada dawlada ayay tahay in laga warhayo cida ku jirta iyo waxyaalaha lagu qabto tasina ma jirto bulshada laftoodu way seexdeen oo jarku jarkisa ama cida ku soo biirtay xafada u daganyahey kama war hayo.

Xuduudaha wadanka kantaroolada magaloyinka waxaa kasoo gala dad badan oo siyaabo kala duwan u yimaada  wadanka waxaana fudud sida biyaha loocabo in aayar lagalabaxo caruurta dalka tusaale ahaan waxaa fudud in ilmo aya oo caruuro iskaga gudbi karo magaloyinka Somaliland maxaa fudaydinaya in lagu dhiirado in caruur badan lawayo .

Waxyaabaha iga ayabiyay ee laga warlayay waxaa ka mida sharkadaha ama baburta dadka qada oon masuliyad iska sarin cida ay qadayan, tixraac aan ka rebeyn.igu yaran magaca qofka ay qadan qaarban ka reebinba qoonsina is kabada hadalkiisaba cidamadeena kantaroladu uma tobobarna ama hubiyaan dadka gawadidu sido sidii la donayay ka u gu roon waa ka madaxa soo yara galiya buska.aqoonsi weydiintisana is ka badaa
dawladda iyo sirdoonka waxaan ka codsan lahaa in ay kordhiyaan shaqadooda si aynu u badbaadino caruurteena iyo wadankeena ,ururada bulshada waxaa ku waajib ah in ay wacyigaliyaan oo ay ka jawaabaan tacadiyada ka dhanka ah caruurta ,jaararka iyo xaafaduhu waa in ay ka warhayaan cida ku jirta jaar kooda .Somaliland waxa kaliya ee amaankeeda ilaaliyaa waa bulshada oo aan qarin aqoon dadka  xumaanta ka dhex wada ,bulshada ayaa soo sheegta waxa ay ka shakiyaan tusaaale ahaan  waxaad aragtay ama ka shakiday gabadh ama nin caruur wata wanad ka shakiday hubso oo hubi waxaa laga yabaa in hadalkaguba  faraj u noqdee kuna xidhnow lamaha amniga dalka
dadweynuhu wax badan ayay ogyihiin waxbadana way soo qaban karaan haday ku baraarugsan yihiin xaalada jirta. ugu dambayntii waxaan codsi dheer u dirayaa dawlada iyo dhammaan bulshadu in ay ku baraarugsanaadaan waxyaalaha ka jira magaalooyinkeena .

 

Mukhtar Egal
Gmail: Mukhtaryusuf@gmail.com