Khatarta ku tidhi-kuteenta Soomaalida: Dhaqan mudan in laaga dhoofo ”Sheeko run ah” (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Habeen habeennada ka mid ah, anoo Hindiya jooga waxaa isoo wacay, nin oday ah. Wuxuu ahaa Siyaasi wayn oo Soomaaliyeed oo intii aan halkaa joogay aanu isku baranay. Waa Amb. Cabdirashiid Duulane Rafle. Intiina aan garanayn — Waa Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ahaana Safiirka Dawladda Federaalka Ithiopia u fadhiya Dalka Japan markii Dambena UK.

Wuxuu ii sheegay xaaladda wiil dhalin yar ah oo Soomaali ah ay ku kulmeen Isbitaal ilkaha khaas u ah oo aanu saacado ka hor wada joognay. Wax yar ka dib markii aan ka soo tagay ayuu usoo galay. Halkii bay iisku barteen, kuna sheekaysteen. Markii uu sifihiisa iyo ciddiisa ii sheegayba waan aqoonsaday. Waa 22 jir Hooyadiis Hindiyad tahay. Waa wiil Dayro ku ah Hindiya.

Wiilku waa bilaa hoy hagaagsan. dadkiisaa is waydaaranaya ayuu maalinba mid isku sheegaa, oo uu wixii uu alle ka siiyo ka helaa. Waa wiil aad iskaga tabaalaysan. Balse daranyadu aanay korkiisa wax badan ka muuqan.

War farxad leh buu ii sheegay oo ahaa, in markii uu wiilka aad u waraystay, uu Mulkiilaha Isbitaalkii Ilkaha ee uu iska daawaynayay uu waydiistay in uu Shaqaaleeyo wiilkaa. Nasiib wanaag Ninkii wuu ka ogolaaday.

Markaa sababta uu iisoo wacay baa ahayd, in si aanu wiilkaa dhibaataysan aanu wax ula qabano aanu is qaybino; Isagu uu dhakhtarkaa uu cagta cagta ugu hayo, anna wiilka — maadaama aanu meel isku dhaw deggebayn, sida uu iga urinayayna degaan aan sii kala fogaynna aanu ka nimid — in aan wiilka iyo ciddii kale ee ehelkii ah ee aan helo aan soo karkabeeyo. Haye iyo hawraarsan.

Wiilku Wuxuu galbihii soo fadhiistaa Maqaayad Soomaalidu wax ka cunto. Waxaa la is maqashiiyay arimo ku saabsan dhibaatooyinka wiilka haysta. Wararkii ugu horeeyey ee aan maqlaa waxa ay ahaayeen, in wiilku Total iyo Shell ba uu kaga shubo! Oo wax kasta oo maanka dooriya mid uu cafiyaa aanu jirin.

Telefoonkiisa ayaan qortay. Waan la hadlay. Halkiibaan kula ballamay. Aad baanu u sheekaysanay. Maadaama isaga oo aad u yar Ingiriiska laga soo tuuray, waxa uu ku hadlayaa Ingiriisi faseex ah oo kii UK ah. Waligay qof ka caqli badan, intaan arkay way yar tahay. Suaashii iigu horaysay ee aan waydiiyo sidii uu uga jawaabay iyo siduu runta uga sheegay baan aad ula yaabay. Waxa ay ahayd “Aabahaa muxuu kuu dayriyay adiga oo yar?”

Imuu odhan nin xun buu ahaa, kan uu ahaa kaas uu ahaa. Wuxuu hadal iigu gaabiyay “Wax baan baran waayay!” Aad baan ula yaabay. Ilmaha 10 Sano ka hor isagoo toban jir ah qaladkuu sameeyay, qiraya kiiyoo qalad qof binu aadam ah lagu sameeyo kii u waynaa laga galay!

Halkaaba, Muuqaalkii la ii dhiibay iyo kii iiga soo baxay ayaa markiiba aad u kala fogaaday. Markii aanu cunadii dhamaysanay, ayaan ku idhi; “Sigaarka maad cabtaa?”

Qosol yar oo yaab ka muuqdo intuu ‘0gah’ ka siiyay ayuu ii sheegay in aanu waligii afkiisa galin. Wayna ka muuqatay in uu nadiif ka yahay.

Dhawr cisho oo dambe ayaanu kulannay. Aad baanu u sheekaysanay. Nin yar oo fariidnimo iyo caqli badan u dhashay, ayuu ahaa. Waxaan ogaaday in uu nadiif ka yahay wax kasta, sigaar baa u yare, oo maanka dooriya. Toban qof kama yarayn inta wiilkaa ila soo qaaday, ee ii sheehtay in uu balwaddo leeyahay. Waliba nooca waawaynka. Qidhim laidinkama siiyo!

Aduunka wuu la haystaa oo naalintii aad aragto jaraaidka maalintaas soo baxay ayuu sitaa.

Waxa ka muuqda astaan kasyta oonuu qof fiicani leeyahay. Kaftankiisa iyo furfurnaantiisa ayaaba iaad iisoo jiiatay. Ismaan lahayn waa qof caynkaas ah. Balse Baahida, dayaca, iyo darxumadda dad aan iyaguba isku nixin ku dhex heshay oo ay u sii dheer tahay dacaayadaha raqiiska ah ee Af-Dheerteenna Soomaaliyeed ay ka fidiyeen si uu ummadda uga dhex iimoobo oo uga fogaado, ayaa aamus tidhi.

Wacdi dheer ka dib,mustaqbalka iyo fursadda noloshiisa uu ku maarayn karo ee uu haystoWiilkii waxa aan waydiiyay in uu shaqaysan karo iyo in kale. Wuxuu i yidhi “Hadda Maskaxdaydu goaan haba yaraatee awood ay ku gaadhi karto maba laha”

Markii aan sii wadwaday waxaan u fahmay in uu wiilka isku-buuq fogaaday (Depression) uu ku dhuftay. Markaas uu u Baahan yahay isbitaal xagga maskaxda ah in loo diro si horta dib u dejin loogu sameeyo.

Nin oday ah, oo reer Hargeyadii bari hore ahaa, ayaan raadsaday. Nin aad waayo arag u ah, meeshanna tan iyo maalintaan dhashay joogay, bal si aan talo uga waydiiyo.

Tan iyo maalintii meel baastan lagu soo tuuray buu taagnaa. Aad buu u yaqaanna wuxuu ii sheegay in wiilku sidaa uu iigu waramay aanay midh qudha oo been ahi ku jirin. Wuu ii sii xaqiijiyayoo, waligii sigaar afka muu galin, wax kale hadakiisa daa. Wuxuu ii sheegay in belwadda qudha ee uu leeyahay ay tahay in uu Cuntada aad u jecel yahay. Waxaan ku idhi, wax wax cuna lacagna waa lagu la’yahay.

Waxa uu Xaajigu intaa iigu daray, in wiilkaasi uu hadda ka hor xoogsan jiray, tan iyo maalintii uu qaan gaadhay. Mid ka mid ah Maqayaadihii uu kaberyeeri ka ahaa, in xataa Maamulkii iyo Shaqaalihii ay Mr Robot ay ula bexeen, daal la’aantiisa iyo dhakhsihiisa uu hawsha u qabanayo. Wuu ila qaatay in uu wiilku dib u dejin (Rehab) uu u baahnaa (Inkasta oo uu isagu tii hore la haysto uu yidhi waddaadaa hayee ha laga cuudiyo).

Waxaanaxaan raadiyay cid u dhaw qoys ahaan. Nin oday ah baa la ii tilmaamay. Ninkaas odayga ahi waxa uu magaalada joogaa muddo kooban. Maqaayadda Soomaalida ayuu soo fadhiistaa. Nin reer magaal ah oo kaftan badan oo si sahal ah cid walba ay isula qaadaan buu ahaa. Haddiiba aan arinkii la soo qaaday, wuxuu igu soo qaddimay “Waar waxa dad kala batay aduu malaha sakhaariintana ma dhaaftid!” Dhawr goor baan isku dayay inaan ka dhaadhiciyo in uu warkaasi beeen yahay, wuxuuse ku dhego adaygay “Adeer annagaa kaa naqaan”. Ciil iyo caloolyowba markaas baa iigu horaysay.

Waakii dad buu ugu xigaa aan is lahaa! Toloow ma sharaftuu ka xumaynayay haddii noocaa lagu ag arko? Ma wax uu haysto ayuu kaga ceshanayay? Beenta anba markii hore waa la ii dhiibay, haddiise xaqiiqo timid waxa uu ceebta aanu wiilkaasi qabin in ay jirto uu kaga madax adaygayay mid aan ka yaabay bay ahayd. Hadda ninkaasu intaan ka aqaannay nin zun ma ahayn. Haddana dabci baa jira.

Waxaan xusuustay, habeenkaa uu Amb. Duullane ila soo hadlay, Isla.maalintii xigtay oo aanu Isbitaalkii ku kulanay la wadaagay wararkii yarka noloshiisa ku saabsanaa ee la ii sheegay. Sabab kale ulamaan wadaageene, Maadaama uu isba lexejeclo ka qabo, iyo meesha in uu ka shaqeeyo uu ka wastaynayay oo ahayd cusbitaal. Sida ay isku waafaqayaan haddiiba wiilkani uu Drug Addict (qof maandooriye laasimay yahay)

Hadal aad iiga yaabiyay buu ii sheegay. Gadaalkiina biyo kama dhibcaan noqday

“Adeer Hade, Soomaali baan kaa aqaanaa, yarkaasu uma eeka nin belwad leh, Haddii ay jirtoba ka soo qaad oo, miyaad intaas kaga hadhi lahayd? Dabeecad binu aadam oo aan la badali karin ma jirto. Ee Adeerow yarkaa wax ma la qabanaa wuu inoo baahan yahaye?”

Odaygaasi Maalintii uu ka soo baxayay Hindiya, wax kale igalamuu hadlin. “Adeer balan ii qaad in aad inankaa intaad joofto isku hawshi, qoladii isbitaalkuna waa u diyaar”

Waxaan aad iyo aad uga xumahay wiilkaas yar in anna markii aan ka soo baxayay dardaarankaa dardaarasnkiisa aan siiyay, cidihii kale ee markii dambe igula lug noqotay arintiisa.

Maalintii aan soo bixi doono ayuu isoo wacay. Wax kale ima odhanin. Aan ahayn “Thank you for everything. And safe trip”

Maalintaas baan xaqiiqsaday awoodda ay leedahay kutiri kuteenta Indha la’ ee Soomaalida, iyo sida fiican ee aynu ugu dhego nugul nahay maqalka xumaanaha — hadday doonaan beenta ah ee Umadda kale. Waa dabci inagu abuuran, sida qudha ee looga daawoobayo aan is idhi Waa adiga oo ka dhoofa. Si kale oo aan sidaa ahayn oo waddan ka kaa saari karta miyaad og tahay?

Tusaale waxaa kuuhu filan labadaa nin (Cabdirashiid Iyo ninkaa xigtadiisa ah) Midi maraykan buu buu noloshiisa waax dhan oo ka mid ah ku soo qaatay, Diblamaasi waddama badan ka soo shaqeeyayna wuu ah waakaa uu gubay xilkaa ilmahaa shisheeye ku dayacan. Midina waa kaa Shidanaaba Shidan! Mararka qaar baan is barbar dhigaa, noloshayda dhaniyo lixdii bilood ee aad India joogay midka waayo aragnimo badnaa! Taniba cashar aanan wakigay barteen bay ii ahayd.

Wiilkaas yar waxba umaan qaban. Balse, Ilaahoow waxaad iisoo taagtaa, markhaatina aan ka ahaa; Haddii uu waalan yahay ay yidhaadeenna in ay been sheegeen, Haddii Wax buu cabaa ay yidhaahdeenna been ka sheegeen!

 

Cabdirasaq Saalax

Muqdisho, Soomaaliya

Contact

+252 (0) 634466677

+252 (0) 619509863

Abdirasaksalah@gmail.com