Khayrat Shaadir oo Kale! W/Q: (sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Khayrat Shaadir kolkaad daraasayso sooyaalkiisa waxaad ogaanaysa dunida in ay soo mareen dad surmiga nololeed aanay loodin mabda’ooda. Shaadir waa injineer iyo ganacsade reer Masar ah, wuxu mar noqday guddoomiye ku-xigeenka ururka Ikhwaanul-Muslimiin, sida oo kale wuxu u tartamay jagada musharrax madaxweyne ee Masar, laakiin in uu jeel galay ayaa loogu diiday.

Shaadir waxa lagu tixgeliyaa dunida reer galbeed inuu u soo bandhigay aragtida dhabta ah ee Ikhwaanka, isaga oo aasaasay mareegihii ugu horreeyey ee ururkiisu yeesho ee luuqadda Ingiriisiga lagu qoro.

Maqaalkiisa-(Hanaga baqanina)-wuxu ahaa maqaal caan noqday oo dunida reer galbeed ku baraarujiyey daraasaynta iyo ugu yaraan barashada ururka Ikhwaanka iyo afkaartiisa, sida oo kale maqaalkan jaraa’id badan ayaa lagu daabacay sida The Guardian.

Maqaalkan wuxu qoray ka dib guushii Ikhwaanku ka soo hooyeen doorashadii baarlamaanka Masar 2005tii. guushaasii reer galbeedka waxay ka dhex aloostay guux iyo dareen baqasho oo Ikhwaanka ku wajahan, taas oo xarumaha aqooneed faafiyeen saamaynta Ikhwaanku ku yeelan karo bariga-dhexe, laakiin maqaalkiisa (Hanaga Baqanina)-ayaa furay albaab kale oo garnaqsi oo aan la dhaadanayn.

Shaadir wuxu u dhashay geesinnimo iyo hal’adayg aan cabashada iyo catowga aqoon, maanta jeel ayuu ku jiraa wuxu jeelgelidda la kowsaday wakhtigiisii waxbarasho isaga oo taliskii Jamaal ku muddaharaaday. Dhacadadii Salsabiil ayuu mar labaad sannad u xidhnaa, shan sannadood oo dambe ayuu haddana mar saddexaad jeel ku jiray eed looga dhigayey in uu Ikhwaanka xubin ka yahay, mar afaraad ayaa isaga iyo afartan hoggaamiye oo Ikhwaanka ah la xidhay.

Maxamed Khayrat Shaadir marka laga yimaaddo aragtiyahan iyo siyaasi Islaamdoon ah in uu yahay wuxu ahaanjiray ganacsade caan ku ah dhismaha, xadhigiisa waxa hareer socday dhac hantidiisa u geysanayeen talisyadii Masar isaga dambeeyey, aakhirkiina maxkamadi xukuntay dhammaan hantidiisa in dawladdu la wareegto.

Shaadir wuxu xidhan yahay tan iyo afgambigii xukunka lagaga tuuray Maxamed Mursi, waxa la xidhan qaar ka mid ah qoyskiisa, eedaha samayska ah ee lagu haystaa waa kicin dadweyne.
Maalinta ay timaaddo dhexdhexaadnimo in loo qeexo qof ku astaysan hal’adayg iyo mabda Khayrat Shaadir wuxu noqon doonaa qofka astantaa lagu suureeyo hubaal, sababtoo ah saddex iyo konton sannadood ayuu jeel iyo dhac ugu adkaysanayey ku taagnaanta mabda’iisa. Khayrat wuxu qaatay in uu godka galo isaga oo fikirkiisa ku taagan ama uu helo guushu dhibtaa u soomaray.

Mar kasta oo maxkamadda la geeyo lagama dareemo dabacsanaan iyo niyadjab midna, laakiin waxa la arkaa nin faraxsan, adkaysi badan oo aan marna jixaanjixayn, taas oo dadka jeelasha kula jira u ah sahay adkaysi iyo mabda ku taagnaan. Ilaahay waxa aan uga baryayaa isaga, qoyskiisa iyo muslimiinta jeelasha dulmiga ugu jira in uu ka soo furo.

Khayrat Shaadir

Bandhige@gmail.com