Khudbaddii Madaxwayne Muuse ee Jaamacadda Barwaaqo u eekaa dardaarankii Nabi Muxumed SCW ee Xajatul Widaac (WQ: Mustafe M. Cadde)

Madaxwayne Muuse Biixi wuxuu si qurux badan u sheegay in loo baahan yahay dad diinteenna islaamka  bara dadka aan muslimka  ahayn. Rasuulku SCW wuxuu yidhi ” Baliquu canii walow aayah”. Waa in la helaa dad gudbiya risaaladii  islaamka oo barta afafka qalaad iyo diintaba.

Wuxuu yidhi madaxwaynuhu ““Diinta annigaa la ii dhaariyey oo ilaalinaya, Madaxweynihii Qaranka JSL ayaan ahay, mas’uuliyad baa iga saaran, laakiin marnaba ma aqbalayo dad dano gaar leh oo Diinta ku dhuumanayaa innay dacaayaddeeyaan goobaha waxbarashada tayada leh bixinaya iyo goobaha aqoonta.

Baqdinta la qabo haddii gaal waddanka yimaado waa maxay? Culimadu dalku maxay uga fikiri laayihiin siddii aan diinteenna islaamka ugu bandhigi lahayn gaalada soo booqanaysa dalka ee loo islaamin lahaa. Culimadeenna wanaagsan maxay u deegaamayn laayihiin diinteenna islaamka ee afka qalaad ku qoran si cid walba si fudud ugu barato oo ugu gudbiso. Culimada shaqo culus baa u taal oo dadkayagani ka sugayaan.

Dadka soo islaama ee dunida ku nooli waxay ku soo islaamaa dhaqanka wanaagsan ee ka muuqda dadka islaamka ah iyo sida wanaagsan ee ay isku ixtiraamaan. Soomaaliland laba sheekh oo laba masaajid oo isku dhow imaam ka ah ayaan isla hadlayn oo isradinaya. Waxaan aad u xasuustaa sheekh weyn oo caan ah oo imika  khudbadda ka akhriya masaajid Hargaysa ku yaal oo macalin ii ahaa oo nagu leh masaajidkaa ha ku tukaninna ee kaa kale taga.  Markaa culimada shaqo weyn ayaa u taal markale oo ay u horayso midayntoodda iyo baabiinta firqooyinka beenta ah ee qalbigooda ku haystaan.