Koboca Dhaqaale ee Jabuuti iyo Bisaylnimada Dawladnimo (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

 

Akhristoow Inta Aadan Dhex Muquuran Moolalka iyo Biyo-dhaca Maqaalka Ee Ay Dhex Ceegaagto Miidda Xog Miidaysan, Waxa Ila Qumanaatay Inaan Kugu Habo, Kuguna Gadh-qabto Ibo-fur taariikheedka Jamuuriyadda Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxa uu dhacaa Bariga Africa, tirada dadadka(Population Density) ku nool waxa lagu qiyaasaa 890,789 “HDI”Sida uu lagu qoray, Baaxada (Size) bedka uu ku fadhiyo Waa 23,200 Km** . Jabuuti waxa ay ka mid tahay dalalka Africa hadda dhaqaalahoodu sida xawliga ah u koroyo (Fast Economic Growth). Jabuuti waxa ay fahantay bogcada ay dhacdo, oo ah marin isku xidha isku socodka maraakiibta shixmada ganacsi sidda. goobtani ay dhaco waxa ay u tolotay weelkii ay kaga faaidaysan lahayd.
-Jamuuriyadda Jabuuti waxa ay ku taal (Geographical location) Meel istaraatijiyad ah oo dhacda khadadka maraakiibta caalamka ugu mashquulka badan. waxa ay maamushaa meesha ay iska galaan badda cas iyo bada indiynan “Baabul Mandab”. Bartani Juquraafi Ahaan ay dhacdo khubarada qaarkood waxayba Aagan ay ku taal ku tilmaameen inay tahay halbawlaha dhaqaalaha dunida.

-Marba marka ka sii danbaysa jamuuriyadda waxaa xawli ku socda horumarka ay ka handbags dhinacyada kala duwan (Different Sectors) ee koboca dalka “National Growth” iyo kor u kaca addeegyada kala duwan ee arrimaha bulshada “Social Services”, sidoo kale siyaasadda dabacsan “Flexible Policy” iyo arragtida furfuran ee madaxda jabuuti waxa suurto gelisay inay kulmiso waddamada dunida ugu xooga wayn “Veto Power Nations”. Jabuuti waxa ay samaysay Siyaasad Qaran “National Policy” oo ay dal walba wixii dano ah ka wada shaqeeyaan si macaamil saaxiibtinimo iyo mid iskaashi ahba.
-Jabuuti waxaa saldhigo ciidan kuleh “Military Base” ku leh waddamada Maraykanka, Shiinaha, Jaban, Faransiis, Talyaani iyo Dalal Kale. Saldhig Kasta waxa ay ku kiraysay xadi lacag ah oo sanadle ah Tusaale Saldhiga Leminnier ee dalka maraylkana Waxa ay kirada dhulka”Military Rent Land” kaga kiraysay sanadkiiba 63Milyan oo doolar, sidoo kale saldhiga faransiiska waxa ay kaga kiraysay 34 Milyan Oo Dollar.

-Dakhliga Dhaqaale iyo illaha nololeed ee ay ku tiirsan tahay Jabuuti Waa Badda. Xukuumada Talada haysa Ee Ismaaciil Cumar Geelle Hogaamiyo waxa ay xadhiga ka jartay Saddex Dekedood oo caalami ah Cusubna si dalku ula tartamo isuguna diyaariyo tartanka ganacsi ee Afrika loogu jiro sidoo kale waxa ay samasay Tareen cusub iyo jid tareenadu ku doorman si ay si toosa badeecada u gaynaysa dalka Itoobiya. Bishan Horaanteedii Jamuuriyadda Jabuuti waxa ay daahfurtay Aag Ka Caagan Cashuraha “Djibouti Free Trade Zone” Mashuucan Suuqae xorta ah waxa maalgaliyay saddex shirkadood oo Shiino ah, waxa ayn ku maalgaliyeen kharash dhan $3.5 Bilyan, Baaxadda dhulk uu aagani ku fadhiyo waa 4800 Hectares, wuuxna noqonayaa suuqa ugu weyn Africa.

Maalgalinta Tooska Ah (Foreign Direct investment) iyo Maalgalinta Wadaaga Ah (Portfolio Investment) ee ay shiinaha ka heshay Jabuuti waxa ay ka saaciday inay samaysato Jidka Tareenka Casriga ah ee xawaarihiisu dheereeyo ee isku xidha Itobiya iyo Jabuuti Bisaylnimada Dawladnimada Jabuuti Waxa ay soo jiidatay maalqabeenada iyo dalalka Caalamka ee diyaarka u ah inay maalgashadaan warfarin dihan ee Africa. Jabuuti waxa ay xusul duubatay inay noqoto marinka Africa laga galo.

Bashir Maxamed Bashir
Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Geeska Afrika.

Bashirmaxamed653@gmail.com