Koobis dhiganaha-Africa Constitutionalism and role of Islma ‘An-Na’im’…W/Q: Xasan C Shire

Koobis dhiganaha-Africa Constitutionalism and role of Islma ‘An-Na’im’
(Q:2aad)
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

4. Cutubka4aad: Doorka Ka Qaybgalka Islaamka(bogga 84-132)

Cutubkan koobsaday taariikh badan oo Islaamku dunida keenay dhanka shuruucda iyo maamulka, sidoo kale wadamo badan oo qaayb kasoo ahaa taariikhda Islaamka e Afrika. Waxa qoraagu xusay tusaalayaal isbarbaryaala; guul ama guuldarro wadamo isticmaalay dastuur isku-dhaf ah ama dastuur dusha lagaga keenay. Haddaba, nuxurka cutubkani waa sidan:-

Masalaha Islaamka, dhaqanka bulsho ee wadamada Afrika, caadooyinka la majiirtay waqtiga dheer iyo nidaamka casriga ah waa in laysku dhafaa kaddibna lagu ladhaa dastuurka dalka intaas kadidb, dadka, dawladnimada iyo horumarka halmar korrimaad uwada sameeyaan, dawladduna wa in ay fuliso dastuur la wada leeyahay, waa in ay isbabar socdaan dhammaan danaha ka dhaxeeya daneeyayaasha dastuurka iyadoo cadaadis jirin ka baxsan gudaha qaarada, sidoo kale wa in laga fogaado aqoonta ku dhisan dhabla’aanta, waxa dhicikarta hadii dastuurka iska hor imanayo ama cadaadis kaga furanyahay dhaqamada soo jireenka ah iyadoo an la tixgalin jiritaanka dhammaan qodobada kor kusoo xusnay inay galaafato dastuurka ama bulshadaas ka hortimaado nidaamka maamul iyo shuruuc, maadaama ay u arkaan dastuur aan waafaqsanayn noloshodii hore.

Qoraaga dhigahani waxa isku dayay inuu caddeyo fikirka ka hor imanaya iyada oo ah qaab suurta gal ah oo lagu dhexdhexaadin karo xiisadaha u dhexeeya fahamka dhaqanka Islaamka, dhinacyada kale, iyo mabaadi’da casriga ah ee dastuurka.

Qaabdhismeedkani wuxuu gacan ka geysan karaa fududeynta horumarinta dastuurka iyadoo la xoojinayo sharciyadeeda dhaqan iyo diin ee bulshooyinka Islaamiga ah ee Afrika.

Qoraagu waxa u rabaa inuu ka codsado mujtamaca islaamiga ah in ay mowqifkii asaasiga ahaa ee horay looga wada hadlay, kaas oo ah, in horumarka waara ee dastuurku u baahan yahay in la waafajiyo qiyamka wadaniga ah iyo hay’adaha bulshadaas.

Ugu dambayn wa in dhab loo fahmo khilaafka mabaa’dida manhajyada iyo kooxaha, lana daraasadeeyo khilaafkooda, gunta iyo ubucda kala duwanaanta iyo miisaanka fikir kala duwanaanta, sidoo kale waa in la gorfeeyo dhacdooyinka Islaamka ee taariikhiga ee dhanka maamulka kadib na lagu saleeyaa dastuurka si’aanay u dhicin hirdann siyaasadeed iyo dhibaato soo gaadha shacabka.

5. Cutubka 5aad: Islaamka iyo Dastuurka ee Suudaan, Nigeria, iyo Senegal
(bogga 132-159)

Cutubkaan, waxaan isku dayaya inuu ku muujiyo sida ay ugu kala duwan yihiin doorka Islaamka iyadoo la tixraacayo dhinacyo ka mid ah waaya aragnimada dastuuriga ah ee dhawaanta ee Suudaan, Nigeria, iyo Senegal. In kasta oo qoraagu ku dooday in qiimeynta khibradaha dastuuriga ay tahay in had iyo jeer ay ahaato mid gaar ah, haddana sidoo kale waa qayb ka mid ah aragtidiisa ah in waddamada Afrika ay ka baran karaan khibradaha kuwa kale ee ka jira qaaradda iyo wixii ka dambeeya. Falanqaynta isbarbardhiga ayaa si gaar ah waxtar ugu yeelan doonta arrimo la wadaago ama doorsoome, sida islaamka, si loo arko sida ay u shaqeyso meelo kaladuwan. Qoraagu marlabaad waxa u ku celiyay, ma dhahayo in Islaamku doorkiisii maqanyahay laakiin dadka Islaamka ah ayaa u baahan in su’aal layska waaydiiyo.

Waxa qoraagu ku andacooday in inta badan wadamadii qaatay dastuurkii Islaamiga ahaa ay ka horyimaadeen dagaalo sokeeye sida; waddanka Sudan oo Turaabi iyo Bashiir ka dhexeeyay khilaaf dhanka afkaarta iyo hab-maamulka kadib markii nidaamka dastuurka ah la waafajiyay Islaamka, sidoo kale dagaalo u dhexeeya dadka aan Islaamka ahayn iyo daawladda oo sii xoogaystay. Waxaa sidoo kale dhammaan wadamada badankoodu afduub ku sameeyeen hogaanka dalka, keligii-talisnimo iyo cimri-korodhsi taliska iyyagoo adeegsanaya dastuurkii, mararaka qaarkoodna dastuurkii ku tolay cabbir iyyaga kali ah kufilan, waa sababata abuuraysa marka mabaa’dida laga hadlayo in laga cabsado gaar ahaan dastuur Afrika leedahay ama wadamada Islaamka, halka hogaamiye iyo mabaa’dida kala duwanyihiin.

La soco 3aad…….

W/Q: Xasan C Shire

Bandhige@gmail.com