Kootada Korontada Hargeysa: Koolkoolinta SOMPOWER iyo Katiinadaynta TELESOM (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Korontada Hargeysana

Maxaa keenay kootada,

Iyo koox in loo xidho?

Kutaantiyo qaniinkii

“Keli naaxa” yaa yidhi?

Kiishlayda dheregtaan

Koriyaan haddeertee

Haddii loo kitaab dayo

Kiiskani ma daw baa?

Shakhsigii kaleetee

Kaalintiyo halkaas raba

Maxaa keebka daba-dhigay?

Dableyahaw kallahayaa

Kibir weeye qaabkani

Kaan doono mooyee

Kumannaanka shacabkaa

Ma katiinadee baa?

Abbaaro 11:00 aroornimo ee saaka ayaannu ku soo baxnay buuq dad ah oo meel ka aloosan, xaafadda Xiddigta/Maxamuud Haybe, waxa ay ahaayeen askar, shacab iyo shaqaaleha korontada Telesom. Hawl-wadeen jiidaya xadhig koronto ayay laba askari ugu yeedheen shirkadda SOMPOWER, waxaana lagu dirqiyay in uu shaqadaas faraha ka qaado. Waxa lagu dooday in bartaas/xaafaddaasi ay kooto ugu xidhan tahay SOMPOWER isla markaasna aan la marin karin dab/koronto kale. Waxa ay gaadhay in ninkii shaqaalaha ahaa ay askartu gacan u qaaddo oo la dagaallanto.

Iyada oo sidaas xaalku yahay ayaan ku soo baxay, waxa aan askartii ku idhi “Ganacsigu waa xor. Shirkadda TELESOMna waxa ay haysataa oggolaansho ay ku fidiso korontadeeda, maxaa lagu haystaa?”. Cabbaar ayaa halkii doodi ka dhalatay, waxaanay ku hanjabeen in ay i laallaadin doonaan, waxa aan u sheegay in aanay taas ku dhicin, ee ay meesha iskaga tagaan, maadaama oo aan qas iyo qalalaase jirin.

Kaddib markii ay hadallo taagtaagani na dhex mareen ayay gaadhigoodii iska fuuleen, waxa aan arkay masuul ka tirsan SOMPWER oo waday gaadhiga askartu saarnaayeen.. Is-aqoon muddo ah ayaan noo dhexaysay, waanu is bariidinnay. Isaga ayaa ciidanka u sheegay in aanay wax xumaan ahi jirin, isla markaasna aanu kala gaabsanno.

“TELESOM iyo SOMPOWER labaduba waa shirkado shacabku leeyihiin, waanay ii siman yihiin. Ma aha in awoodda dawliga ah la isu adeegsado” ayaan idhi. Waxa ay yidhaahdeen “Nin jaray xadhig ayaannu raadinaynnay, waanay dhammaatay”. Waa ay hulleeleen annaga oo isu niyads-san. Hawl-wadeenkii Korontada TELESOM waxa uu sii watay shaqadiisii, markii ay boolisku dhaqaajiyeen.

TELESOM waxa ay ahayd shirkadda kowaad ee bixisa koronta 24ka saacadood ah, waxa ay se agabkeedu ahaayeen kuwo loo qoondeeyay inay shidaan mashiinnada iyo xarumaha shirkadda oo keliya. Haddii laga tegi waayo waxa loo xidhi jiray masaajiddada iyo xarumo gaar ah. Waayadaas waxa waayir laga soo jiiday xarunta dhexe ee land-line-ka Telesom, oo loo xidhayay guryo New Hargeysa ah oo ay degganaayeen madaxda TELESOM qaar ka mid ahi, gurigayaga iyo mid kale ayaa loo oggolaaday in korontada loo xidho.

Illaa markaas waxa aannu adeegsanaynnay koronto aan hadh iyo habeen kala goin. Waxa ay se TELESOM adeegga korontada ballaadhisay 2014kii oo shirkado uu tartan ka dhexeeyay ay saamiga ugu badan ku yeesheen SOMPOWER, illaa markaasna waxa loo dhigaa jallaafo iyo caqabad, waxaana xabsiga lagu guraa hawl-wadeennada korontada ee TELESOM.

Marar badan ayaan falalkan ka maqlay shaqaalaha iyo madaxda TELESOM, waxa ay ahayd markii kowaad ee aan indhahayga ku arko. Tartanka shirkaduhu waxa uu u fiican yahay bulshada, ma aha in kooto cid gaar ah loogu xidho korontada Hargeysa. Haddii mid keli ahi soo hadho saw qiimaha ay doonto innagu xukumi mayso? Saw dhiig-miirato ma noqonayso dheecaanka shacabka dhuuqda?

 

Waa aragtidayda qof ahaaneed…