Jean piaget afartaa marxalladood ee koritaanka garaadka ilmahu maro midd walba waxa uu u asteeyay da go’an, waxa kale oo uu faahfaahiyay noocyada awoodaha maskaxeed ee ilmuhu kasbado muddada uu ku jiro da’ kasta.
Afartaa marxalladood waxa uu ku kala magacaabay sidan:
1. Marxallada adeegsiga dhaq-dhaqaaqa iyo dareennada (sensorimotor stage) oo u dhaxaysa dhalashada iyo laba sanadood.
2. Marxallada hor-dhaca u ah howl-galka (Preoperational stage) oo u dhaxaysa laba sano ilaa todoba sano
3. Marxallada ku howl-gelidda garaadka (Concrete operational stage) oo u dhaxaysa todoba sano ilaa kow iyo toban sano.
4. Marxallada garaad-adeegsiga rasmiga ah (Formal operational stage) oo u dhaxaysa kow iyo toban sano iyo wixii ka sareeya.
Hadii aynu marxallad kasta gaar isu dul taagno oo aynu tilmaano sida garaadka ilmuhu u koro iyo xirfadaha maskaxeed ee uu marxallad kasta korodhsado waxaynu ku bilaabi marxallada ugu horaysa.
Marxallada koobaad: Sensorimotor stage:
Ereyga Sonsorimotor wuxuu tilmaamayaa in ilmuhu aduunka ku xeeran ku fahmo dareemayaasha shanta ah oo keli ah, labada sano ee ugu horeeya noloshiisa. Saddexda bilood ee hore, ilmuhu waxa uu adeegsadaa “Reflexes” dabiici ah oo uu kusoo dhashay, sida jaqidda, tiigsashada, iyo qabsashada. Marka da’diisu sii durugto waxa uu in isaga iyo shay-yada ku xeerani ay laba wax kala yihiin“children are separate beings from their surroundings”.
Da’dan caruurtu waxay bartaan in ficilkoodu uu natiijo dhalin karo (cause and effect), tusaale waxay fahmaan in hadii ay ciyaar (toy) sawaxan samaysa tuujiyaan in uu ciyi doono taasina ay ka dhalatay tuujintii uu sameeyay. Ilmaha laba sanadood ka yar waxa uu fahmaa in shay-yadu sii jiraan xataa hadii aanu arki karin. Tusaale hadii ilmaha lasiiyo wax lagu ciyaaro kadibna muddo dabadeed laga qaado, waxa uu ogayahay in shaygii laga qaaday uu qarsoomay laakiin wali sii jiro. xirfadan waxa Jean Piaget uu u bixiyay “object permenance”.
Koritaanka garaadka ilmaha ee marxallada koobaad waa ka ugu degdeg badan. Ilmuhu waxa uu fahmaa sida adduunkan ku xeerani u shaqeeyo isagoo adeegsanaya dareemayaasha bidaa’iga ah. Ilmuhu wuxuu bartaa sida la isu rogo, jiifka looga soo tooso, loo gurguurto, loo istaago, loo tallaabsado, loo socdo. Waxa uu bartaa tiro aad u badan oo ereyo ah, tilmaamo, cabiraadaha jidhka, midabada iyo qaababka walxaha. Ilmuhu waxa uu fahmaa falcelinta ku haboon ama ugu dhow ee fariimaha jidhka (body language).
Da’dan waxa muhiim ah in ilmaha laga dhowro wax kasta oo daranyo ah. waxa maskaxdiisa lagu kobcinkaraa in la cariyo dareemayaashiisa iyadoo la adeegsanayo codad kala duwan iyo midabo widhwidh badan.
Marxallada labaad- Preoperational stage:
Da’da u dhaxaysa laba sano ilaa todoba sanno waxa Jean Piaget u bixiyay “Preoperational stage” oo noqonaysa marxalladii ka horaysay ama hor-dhaca u ahayd marxallada howl-galka maskaxda ee operational stage. Marxalladan ilmuhu waxa uu u fikiraa si sumadayn ah. Ilmuhu waxa uu erey-yada iyo sawirada u adeegsadaa sumado u taagan arkaartiisa.
Caruurtu inta ay marxalladan ku jiraan waxa keli ah ee ay garawsadaan sida ay iyagu wax u arkaan, waxaana ku adag in ay ku xisaabtamaan aragtida qofka kale, ama ilmo kale ha ahaado ama qof wayne; xaaladan waxa layidhaa “egocentrism”. Siyaalaha ilmaha looga caawin karo in uu ka gudbo egocentrism waxa ka midd ah in ilmaha loo fududeeyo in uu doorka iyo aragtida qofka kale, sida iyagoo loo diyaariyo in ay ka qayb-qaataan riwaayado ay metelayaan ashkhaas kala duwan (role play perfomance).
Horumarka ugu wayn waxay ka sameeyaan dhinaca afka, waxay xariif kunoqdaan habka metelaada “pretend play method laakin fikirkoodu waxa uu ku salaysan yahay ku kooban yahay waxa ay taaban karan uun.
Caruurta da’dan ku jirta (2-7 sanadood) habka ay u fikiraan waxa layidhaa “transductive reasoning”. Transductive reasoning waa hab-fikir ilmuhu uu xidhiidh kaga dhexaysiiyo laba dhacdo ama laba xaaladood oo aan xidhiidh ka dhaxayn karin. Tusaale ahaan ilmo yar oo ay caado u tahay in uu gelinka danbe seexdo, hadii uu maalin hurdadii seego, waxa dhici karta in uu ku sababeeyo “ maanta maan seexan, markaa wali gelinkii danbe may gaadhin”. In la fahmo sida caruurtu u fikirtaa waxa aynu ka faa’iidaynaa in aynaan caruurta ku qasbin hab-fikir aanay qaadi karin, iyo in aynu u dirto laylis ama shaqo guri oo aan la socon karin habka ay u fikiraan.
Da’dan waxa ku adag in ay fahmaan xidhiidhka u dhexeeya muuqaalka shayga iyo miisaankiisa (conservation); taasi oo keenta in ilmuhu kala dooran kari waayo marka shay laba isleeg loo qaybiyay ee qayb-ba muuqaal gaar ah loo yeelo, isagoo moodaya in ay kala badan yihiin. Si ilmaha loo fahamsiiyo fikrada “conservation” waa in loo suuro geliyo in ay ku ciyaaraan walxo qaabab badan qaadan kara, sida caag ama dhoobo loo qaabayn karo siyaabo kala duwan.
Waxa kale oo la adeegsan karaa walxo marka lagu shubo weelal muggoodu kala duwan yahay qaadan kara muuqaalo kala duwan, sida niista, daqiiqda, ama dareereyaasha. Layliskan la taaban karaa waxa uu ilmaha fahamsiinaysaa fikrado ku dhisan humaag iyo masanuunin oo ku adag in garaadkoodu suureeyo. Way adagtahay in ilmuhu fahmo cashar buug ku qoran oo ka hadlaya mugga, bedka, isbedelka qaababka, laakiin hadii loogu dhigo hab ciyaareed uu taaban karo way u dhowdahay garaadkiisa.
Da’dan waa in wax lagu baro tijaabooyin ay arki karaan kana qayb qaataan. Sawirada, midabada, metelaada, cashar-ciyaareedka waa in wax loogu dugbiyo, waana in laga ilaaliyo casharada qoraalka uun ah iyo saacadaha badan ee lagu qaato fasallada gudahooda uun. Da’dani waxay wax ku barataa dhugasho iyo taabasho. Hadii ilmaha la barayo xarfaha iyo tirada ha ugu qorin buug oo ha odhan akhri, uga dhig wax la taaban karo.
Raadi waraaq ama caag loo jarjaray sida xarfaha iyo tirada kadibna ha ku ciyaaro, hadii aad waydo, waraaqo u googoo oo u dhiib. Haku qasbin in ilmuhu qasab wax ku qoro inta uu da’dan kujiro, una ogolow in uu waxa maskaxdiisa ku jira sawiro ama qor; waxa laga yaabaa in ay kuula muuqato buug khasaarin, laakin sawiradiisu ilmaha macne wayn ayay u samaynaysaa, waana fikirkiisu halka uu marayo.
Lasoco qaybta danbe oo aan kaga hadli doono marxalladaha sadexaad iyo afraad ee koritaanka garaadka qofka.