Marxallada afraad uguna danbaysa marxalladaha koritaanka garaadka qofka waa marxallada uu Jean Piaget u bixiyay Formal Operational stage. Marxalladani waxay ka bilaabantaa, ayuu ku dooday, da’da 12 sano, waxaanay socotaa inta cimriga qofka ka hadhay.
Kartida ugu muhiimsan ee astaanta u ah marxalladan ee da’yartu kasbataa waa in ilmuhu u fikiro si mala-awaal ah oo u baahan suuraynta humaagyada aragtiyaha “ Abstract and hypothetical thinking”. Hab-fikirka noocan ahi waa ka qofku adeegsado marka uu dhadhaminayo quruxda iyo farshaxannimada suugaanta; furfurida xisaabaha u baahan sababayn iyo suurayn sida aljabra iyo calculas. Waa awood maskaxeedka tahalsiiya in uu ka fikiro waxyaabo aanuu arkin oo aan khibradeedu soo marin, kadibna uu ka soo dheegto fahan iyo xog ay ku xaliyaan mushkiladaha ay la kulmaan.
Marxalladan da’yartu waxay bilowdaa in ay fahanto waxa aynu kusoo tilmaanay “Deductive reasoning” oo asal u ah currinta aragti-cilmiyeedka “scientific theory” dood-jebinta, iyo naqdiga “counterurgument and critique”. Marka da’doodu kor usii kacdo, da’yartu waxay bilaabaan in ay daneeyaan doodaha bulshada ka dhex socda, waxay si maangal ah oo sababaysan uga qayb qaadan karaan gorfaynta mowduucyada u baahan maskax tuujin, tixraac, sarbeebasho, maldahaado, duurxul, iyo docwareen dahsoon.
Isbedellada jidheed (physiological changes) ee koritaanku keeno ayaa da’yarta ka dhiga kuwa iyagu naftooda ku foogan oo fiiro gaar ah isuleh (self-conscious). Da’dani waxay aaminnaan in dadka kalena, sida waalidka iyo qaraabada, ay si joogto ah u fiirsanayaan dhaqankooda iyo muuqoodaba (imaginary audience). Tani waa ta keentay in da’yartani noqoto mid isku kooban, aan afkaartooda dadka ay la nool yihiin la wadaagin, iyo inay doorbidaan asxaabtooda.
Da’dan (12 ilaa 18) waxay u nugul yihiin culayska iyo liidida jeelkooda kaga yimaada (peer presure) waxaanay jecel yihiin in ay noqdaan qaar asxaabtoodu jecel yihiin, sidaa darteed waxay ku dedaalaan raali gelinta asxaabta. Isku-foognaanta iyo culayska qayrku waxay keeni karaan kalsooni daro, keli-ahaansho, waxbarashada oo ilmuhu hoos uga dhaco, iyo xataa in uu is qoomo (low self-esteem or even self-harm).
Koritaanka garaadka da’yarta ee marxalladan waxa uu si adag ugu xidhan yahay sida loo kobciyay marxalladihii koobaad, labaad iyo saddexaad. Culimada aqoonta Saykoolajiga koritaantu waxay xaqiijiyeen in inta badan da’yartu aanay
marxallada afraad si fiican u wada gaadhin oo garaadkoodu aanu wada bislaan si uu u hanto astaamahan aynu soo taxnay.
Da’yarta waxa saamayn wayn ku leh koritaanka garaadkooda arimo badan oo la xidhiidha nolosha qoyska; sida aqoonta labada waalid, shaqadooda, hantida ay haystaan iyo dabaqada ay bulshada kaga jiraan. Waxa hubaal ah in caruurta waalidiintoodu ay haystaan ugu yaraan shahaadada dugsiga sare ay ka koritaan fiican yihiin kuwa waalidku aanay heerkaas gaadhin. Caruurta ku kora qoys aqoon iyo aduun ku kulmeen way ka fursad badan yihiin kuwa kale.
Waxa kale oo caruurta saameeya nooca waxbarasho ee ay helaan iyo deegaanka ay ku barbaaraan (educational and environemental background). Cilmi-badhis ay sameeyeen Huitt and Hummel (1998) ayay ku sheegeen in 35% ardayda dugsiyada sare ka baxday ee wadamada warshadaha kahorumaray ay si fiican u gaadhay marxallada afraad ee Jean Piaget. Waxa jira dad badan oo da’ahaan koray laakin ay ku adagtahay in ay adeegsadaan amaba xataa fahmaan waxa aynu u bixinay Abstract thinking.
Inkasta oo ay jirto kala duwanaansho ku saabsan abuurta dadka, isla markaana garaadka laftiisa qayb loo kala helo, haddana waxaa dhab ah in korinta, waxbarashada iyo deegaankuba ka qayb-qaataan korodhka garashada qofka.
Bal aynu jaleecno sida aynu u kaabi karno da’yarta si ayu noqdaan dad garaadkoodu miigan yahay oo kaalin wacan ka gala bulshada. Caruurta da’dan (12-17) ku jirta waa in lagu dhiiri geliyo ay kooxo yaryar uga wada shaqeeyaan mashruuc aqoonneed loo dejiyay iyadoo laga hortegayo keli socodnimada iyo in ardaygu keligii isku koobnaado.
Waa in loo qabto doodo ay ku gorfaynayaan mowduucyada hadba ugu kulkulul ee bulshada ka jira, laguna dhiiri geliyaa in ay sameeyaan “Brainstorming” kadibna ay gunaanad ka sameeyaan doodii ay qabteen. Da’yarta waa in lagu dhiiri geliyo in ay sharaxa habka ay masalooyinka u xaliyeen, ee aan lagu qiimayn uun jawaabta ay soo saareen in ay sax tahay iyo in kale. Hadii ardaygu ama ilmahaagu kuula yimaad mushkilad waxa fiican in aan loo xallin mushkilada, laakiin waa in lagala shaqeeyo hab uu isagu ku keeno xalka.
Macalimiintu waa in ay ku dhiiri geliyaan da’yarta in ay faaqidaan suugaanta; sida gabayada, maahmaahaha iyo heesaha. Iyagoo falan-qaynaya afkaarta suugaantu ka hadlayso, isbarbar-dhigaya suugaanta isku jaadka ah ee mowduucyo isku dhow ka hadlaysa, iyagoo isu eegaya quruxda, farshaxannimada iyo xeel-dheerida xikmada ay kala xambaarsan yihiin iyo dhumucda ereyada ay adeegsanayaan.
Falanqaynta noocan ahi waxay kobcisaa dookha suugaanneed ee da’yarta, waxay balaadhisaa hirarka fikirkooda (broadens their thought horizons).
Ugu danbayn, waxa fiican in da’yarta lagu tababaro gole-ka hadalka iyo khudnadaynta. Taas oo ah xirfad muhiim ah oo dhista kalsoonidooda, iyo mustaqbalkooda shaqoba.
Waxa kale oo lagama maarmaan ah in ilmaha la baro xirfadaha ay ka midd ka tahay dabaasha, farshaxanka qalinka, fardo fuulka, shiishka maa dugta, iyo kuwa kale ee dhisi kara jidhkiisa iyo garadkiisaba.
Lasoco qaybta danbe siina faafi qaybtan