Korona Fayras halis kuma aha keliya nafaha bini’aadamka, waxa uu halis ku yahay jiritaanka dhismaha bulsho ama dawladeed (WQ: Sadaam Xuseen Carab))

Indhaha isku qabo, ka dib suureyso Koroona Fayras oo aynu dhab ahaan is haleelno. Malayso, bes.

Korona Fayras halis uun kuma aha keliya nafaha bini’aadamka, waxa uu halis ku yahay jiritaanka dhismaha bulsho ama dawladeed, gaar ahaan dalalka nidaamkoodu ulaha boocda ah ku tukubo, sideenna.

Ka warran malaayinka qof Somaliland ku dhaqan oo la sheegay in dad xanuunkaasi soo ritay jiraan. Kuwo u dhintaan iyaga oo la arko, daryeel la siiyo daaye, aan la garaynayn si laga yeelo maydadkooda.

Ka warran dad Korona haleelay oo garan la’ meel ay dawo u tegaan ama gargaar degdeg ah oo lagula tacaalo. Ka warran Malyan iyo dheeraadka Hargeysa oo xogtaas helay iyo malaayiinka kalee magaalooyinka kale ku nool ee Hargeysa tuhunsan oo ogaada in xataa mishiinno ogsajiin oollin oo tartarab loo daadanayo.

Ka warran iyada oo qof waliba magaalada ka cararayo oo miyiyada iyo qof waliba deegaanno ay reer ahaan sheegtaan dib ugu yaacayaan. Ka warran qiyaamahaas?

Ka warran iyada oo meheradihii la faaruqiyey, hudheelladii laga wada hulleelay, waddooyinka iyo suuqyadu haawanayaan oo magaalooyinkii cidlo noqdaan. Ka warran ciidanka oo qaarkood lagu sheego oo kuwii kale mid waliba naftiisa la cararo oo reerkiisa ku noqdo? Ka warran hubka oo cid ilaalisa la waayo, xeryaha oo ciidammadu faaruqiyaan, kuwa xilalka haya oo ilaalo waaya, dirayska oo la iska bixiyo qof, xafiisyada dawladda oo la wada faaruqiyo. Naftayda! ay ka dhacdo.

Ka warran iyada oo la waayo cid wax cashuurta iyo cid la cashuuro. Ka warran iyada oo cid la amro iyo cid wax amarta la waayo. Ka warran iyada oo madaxweynaha iyo kuwa ka hooseeya oo dhami shacab iska noqdaan oo sababaha iyo haykalka ay wax ku kala diraan oo dhan waayo? Ka warran xilalku maxay macno samaynayaa? Ka warran isdhexyaacaas iyo jahawareerkaas? Wali hadda cid xil haysa maba dhiman ayeynu ka soo qaadaynaa?

Ka warran iyada oo madaxweynaha, ku-xigeenka, shir-guddoonka, maxkamadda sare guddoonkeeda iyo taliyeyaasha uu dilo xanuunkani? Qiyaas wareerka dhici lahaa? Dunidu se waxay leedahay qorshe dawlad wadideed oo la yaqaanno sida lagaga falcelinayo. Waa caqli badnaan in balaayo aan dhici, se dhici karta, laga qorshe yeesho.

Alle innama gaadhsiiyo heerkaas, ma se ah wax la qariibsan karo marka la eego sida uu u gelayo dawladihii nidaamka xooggan ee caafimaad iyo maamul lahaa. Marka la eego sida aynu isaga fadhinno ee aan dedaal u qalma dhibaatadu u socon, waa ay dhici kartaa.
Ilaahoow ha nagu ciqaabin wax aannaan awood u lahayn.