Koroonafayrus iyo Gadaashii (WQ: Axmed Ibraahima Cawaale)

Sida ay culimada jiyoolajigu sheegaan, arladu waxa ay soo martay geeddi-socodyo (marxalado) ay xilliyo aad u dheeri u dhexeeyaan. Casriga hadda lagu jiro oo raadaynta iyo dhaqdhaqaaqa bani-aadanku ku hayo arlada uu ugu badan yahay, waxa loo bixiyay “Anthropoceane epoch”. Bani-aadanku waxa uu taagan yahay figtii koritaankiisa maaddii – sababo la xidhiidha garaadkiisa iyo tiknoolajiyada, waxana uu isu maleeyay mid aan cidi loodin karin ! Runtu se waxa ay tahay in, sidan aynnu maalmahan arkaynno, uu xoog ugu nugul yahay nooleyaal ili-ma-aragtay ah.

Werwerka ugu weyn ee dad badani casrigan qabeen waxa uu ahaa (welina yahay) tirtiranka ama dabargo’a nooleyaal iyo dhiroon ciiddaas iyo cammaarkaas ka badan, oo si maalinle ah u sii libdhaya (iyada oo aan weli xitaa qaarkood la daahfurin ama la ogaan). Noleyaashaasi waa kuwa Eebbe (sarree oo koreeye) innoogu sheegay in ay sideenna oo kale “bulshooyin yihiin”.

“Ma uu jiro xayawaan arlada korkeeda ku nool, ama noole ku haada (duula) baalashiisa, oo aan qayb ka ahayn bulshooyin sidiinna oo kale ah” (Suurat Al-Ancaam: 38)
Maanta se, bani-aadankii ayaa naftiisa u werwersan, oo karbaashkii baa isagii ku soo rogaal celiyay. Dadyowga dhabarka u jeediyay rumayntii samaawiga ahayd waxa ay u arkaan cudurkan Koroonafayrus in uu tilmaan u yahay “aargoosigii dabiicadda”, halka dadyow badan oo ka tirsan kuwa rumaysan jiritaanka Eebbe ay u arkaan ciqaab xagga Alle ka timid. Xitaa dalalkii reer Galbeedka ahaa ee bulshooyinkooda intoodii badnayd diimihii dhabarka u jeediyeen, waxa muuqata in ay bogagga kutubtoodii (sida Baybalka iyo Torah) rogrogayaan, si ay markhaati uga raadsadaan.

Xanuunka, kala-qaaranka kuwa isjecel, iyo dhimashada, intuba waa qaar ay noleyaashaas tirada badan ee tirtirankoodu soo socday amminta aadka u dheer innagala saman yihiin, se in yar oo innaga mid ahi ku baraarugsan yihiin.
Haddaba, intii Eebbe u qoray way ku bixi cudurkan, aadamuhuna wuu ka soo kaban, ha yeeshee waxa ay ii la muuqataa in uu ka dhaxli doono (marka laga tago burburka dhaqaale) isbeddel fikir iyo dhaqan oo ka saabsan sida dad badani u arkaan jiraalka, rumaynta, qaabnololeedka (oo ay ku jirto qofku waxa uu cunayo iyo la macaamilka nooleyaasha kale), tirooyinka dadka, arrimaha deegaanka iyo kaladuwanaanshaha noolaha. Qabjebinta ugu weyn ee banii-aadanka ku dhici doontaa waxa ay noqon doontaa in aynnu xusuusnaanno inaynaan ka roonayn, kana roonaan karin abuur Eebbe oo ili-ma-aragtay ah (weliba boqollaal jeer u baahan in weynayso lagu eego si loo arko).