Korriinka ilmaha iyo qaybaha uu u kala baxo (WQ: Cabdifataax Rashiid)

Ilmaha waxaa muhiim ah in laga war hayo korriinkiisa, waxaa muhiim ah in si wanaagsan loo qorsheeyo loona maamulo koritaanka ilmaha, waxaa muhiim ah in si miisaaman dhinacyada kala duwan ee korriinka ilmaha loo ilaaliyo. Haddaba waa maxay dhinacyada kala duwan ee korriinka ilmuhu?

  1. Koriin Jidheed (Physical Development): dhinacani wuxuu la xidhiidhaa ilmaha cuntadiisa, nafaqadiisa, ciyaartiisa, caafimaadkiisa, IWM. Qaybtan dadka badankoodu wuu ka war hayaa oo koritaanka jidheed waa mid lagu baraarugsan yahay. Haddii ay ka soo bixi waayaan waalidka ilmaha dhalayna waxaa la wareega qoyska iyo qaraabada kale si ilmuhu u helo cunto iyo caafimaad joogto ah.
  1. Korriin Maskaxeed (Mental or Cognitive Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa koritaanka garaadka ilmaha waxaana uu khuseeyaa in ilmaha maskaxdiisa la koriyo, in wax la baro, tababar la siiyo, deegaanka ku xeeran la tuso, sheekooyin kala duwan looga sheekeeyo, sawirro iyo muuqaallo kala duwan la daawadsiiyo, IWM. Koritaanka garaadka ee ilmuhu kuma xidhna kaliya in la geeyo dugsi oo wax loo dhigo, waxaa garaadkiisa korinaya guriga uu ku nool yahay; deegaanka ku xeeran; bulshada uu ku dhex korayo; tiknoolajiyadda iyo waxay u soo gudbiso; dugsiga iyo sida wax loo baro iyo guud ahaan dalka iyo dadka uu ku dhex korayo. Bal ka waran ilmaha yare e miyiga ku dhasha iyo sida degdega ah ee maskaxdiisa iyo garaadkiisu u koro isaga oo aan dugsina galin iyo kaalinqaadkiisa uu ku yeesho qoyska!????.
  1. Korriinka Dareemada iyo Bulshaynta (Social Emotional Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa kobcinta iyo horumarinta dareemada ilmaha ee kala duwan iyo u diyaarinta ilmaha si uu ula dhaqmo bulshada uu la nool yahay. Waxaa ka mid ah in ilmaha lagu dhiirigaliyo in uu dareenkiisa soo gudbiyo, sida uu ilmuhu wax u arko ka hadlo, xidhiidhka dadka kale, kalsooni abuurka, dareen wadaagga; saaxiibtinimada, bila’aadannimada, la dhiirigaliyo, lala sheekaysto lalana farxo, IWM. Dhinacani wuxuu ka mid yahay meelaha Soomaalidu ay aadka ugu liidato!!!!!!.
  1. Korriin Luuqadeed (Language Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa barista ilmaha ee afkiisa hooyo iyada oo adduunka oo dhami isku raacsan yahay in barashada ilmaha ee afkiisa hooyo ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan xilliga caruurtu yaryar tahay. Korriinka ilmaha ee luuqadeedna wuxuu ku heli karaa marka waalidkii iyo waxbarashadiisaba luuqadda ay kula xidhiidhayaan tahay afkiisa hooyo. Soomaalidu Dhinacan caruurtooda muhiimadba kama siiyaan, waxaaba dhacda in badanka dadkii waxbartay ee ay ahayd in ay arrinkan ku baraarugsanaadaan ay caruurtooda geeyaan xarumaha barbaarinta caruurta ee luuqadaha qalaad lagu dhigto. Waxaa jirta iyaduna odhaah macnaheedu noqonayo qofku inta uu afkiisa ka yaqaanno ayuu afkalana ka baran karaa ama qofka afkiisa si wanaagsan u yaqaanna ayuunbaa afkalana si fiican u baran kara. Maxaa kuu baxay Boowe??????.
  1. Korriinka Ruuxda iyo Damiirka (Spiritual Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa kobcinta iyo horumarinta akhlaaqda, diinta iyo dhaqanka ilmaha. Waxaa muhiim ah in ilmaha si wanaagsan loo baro diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliga iyada oo loo kala cadaynayo wanaaga iyo xumaanta. Waxaa muhiim ah in ilmaha damiirkiisa iyo dadnimadiisu dhisan tahay leeyahayna qiyam iyo akhlaaq wanaagsan. Waxaa muhiim ah caruurta in looga sheekeeyo sheekooyin ku saabsan run sheegnimada; daacadnimada, fikirka wanaagsan; akhlaaqda wacan iyo dhaqankeenna Soomaalida. Si kasta oo ilmuhu uga koro dhinacyada kale oo dhan, haddaanu diin ahaan iyo dhaqan ahaan dhisnayn waxaa soo baxaya ilmo aan ahayn ka aynu bulsho ahaan u baahannahay.

Helidda Bulsho dhisan waxaynu ku heli karnaa dhisidda caruur dhinac kasta ka dhisan.

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdifataax Rashiid Maxamed

Hargeysa, Somalilad

cabdifataax.rashid@gmail.com