Ku Dayashada Dhaqan Shisheeye Waa Lagu Duloobaa (WQ: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye)

Saamayn bulsheed oo dhaqan-beddel ah ayaa bulshooyinka Soomaalida loogu soo waaridaa ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro.

Tan iyo markii waddankeena ay ku soo bateen tiknoolajiyada casriga ahi, waxaa kor u kacday wax ka ogaanshaha dadyowga ku caan-baxay ciyaaraha, aflaanta iyo heesaha ka socda dunida,

arrimahaasina waxay si fudud inoogu habeen in la inoo qurxiyo dhaqano salka ku hayo dhaqmo iyo diimo kale, ficiladaas la soo waaridayo waxaa ugu badan kuwa inagagga socda ciyaaryahannada iyo fannaaniinta.

Tartanada Ciyaaraha Somaliland ka socda ee Gobollada, ciyaaryahannada qaarkood waxa aad ka dheehan kartaa isu eekaysiin dhinacyada timaha, dharka iyo xarakaadyada la sameeyo haddii gool la dhaliyo ama la guulaysto, waxa ay ku dayanayaan ciyaaryahannada aan muslimka ahayn ee dalalka caalamka ee ay ka daawadaan telefiishannada. Xarakaadyadaas dhammaantood ama magacyadaasi waxaa markhaati ma doon ah in ay dadyowgaas shisheeye ugu fadhiyaan macne ay aad u garanayaan.

 

Qaramada addunyaddu waxay ku faan-faanaan oo muuneeyaan’ isla markaana quluubta ubadkooda iyo kaydadka dhiganayaashooda ku xardhaan magacyo laga soo min guuriyay caqiidada ay aaminsanyihiin oo ay ugu weyntahay diintoodu.

Diinta Islaamka oo dadkeenu boqolkiiba boqol ay haystaan, magacyada ugu badan ee ummaddeenu la baxaan waa Muxamed oo ah magacii Nabigeenii udgoonaa ee Allaah dunida u soo direy NNKHA, waana magac aynu ku weynaynayno diinteena, kuna hiigsanayno wanaagyadii badnaa ee uu ku sifoobay Nabigeenu NNKHA. Magacyada kale ee aynu la baxno waxaa ka mid ah magacyadii badnaa ee tilmaamayay sifooyinkii suubanaheena NNKHA oo aad u badnaa iyo magacyo kale oo Qur’aanka Kariimka ah Allaah koreeye e uu ku sheegay Anbiyadiisii iyo shaqsiyaad ku sifoobay wanaag.

Magacyada ay Soomaalidu ku muuneeyaan sifooyinkooda wanaagsan ee dhaqan ama Agab iyo Hidde badankoodu waxay xambaarsan yihiin tilmaamo qeexaya qurux, nabad-doon, xoolo ogaan, deeqsinimo, magan, ragganimo ama xilliyo soo maray oo barwaaqo iyo badhaadhe lagu xusuusto, sidoo kale Deegaannada iyo Nimcooyinka Allaah ku galladay ayay ugu labeeyaan

magacyadaas.

Haddii aan qaar ka mid ah soo qaadno waxaa ka mid ah Warsame, Haybe, Ceebla, Suuban, Liibaan, Samaale iyo qaar kale oo badan.

Ummaddeenu waa dad soo jireen ah oo ku soo caano maalay dhaqan quruxsan oo isaga soo gudbay Ab ilaa ab, kaas oo diinteena Islaamka inoo kala saartay waddada lagu liibaanaayo iyo wadiiqada lagu hoogayo.

Bulshadeenu waxay u baahantahay in laga diyaar garoobo isbeddellada ummadeed ee xawaaraha ku socda, kaas oo haddii aan la daraasayn ama da’yarteena aan loo kaydin dhiganayaal lagu jeclaysiiyo hor-moodkoodii ku suntanaa wanaagyada, hibooyinka iyo wixii ummadeenu qiimayn jireen ina dhaxal siin doona umad asal ahayn

 

Aqooyahanadeena waxaa looga fadhiyaa in ay dhallinyarteena aanay ka aamusin ee ay naqdiyaan marxaladahan ina soo wajahay iyo dhaqamadan loo hanqal taagayo si aynu u noqono umad ilaashata diintooda iyo dhaqankoodii aynu ku soo caano maalay.

 

WQ: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye