Ku digashada iyo habaarka dad ay haleeshay musiibo, sida cudur ama musiibo kale (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Qoraalka ka horreeyey kan waxan ku baaqay “In aan lagu digan dad ay haleeshay musiibo dabiici ah ama cudur faafa”. Akhyaar faallooyin bixiyey ayaa arrintaas qoonsaday. Qaarkood si xanaaq ka muuqdo ayey u qoreen faalladooda.

Si aan loo qalad fahmin ujeedkayga waxan jeclaystay in aan faahfaahiyo qoraalkayga.

Sababta igu kalliftay in aan qoro badheedhaha waxay ahayd, markii aan arkay dad badan oo “habaar iyo digasho” kaga falceliyey cudurka ka dillaacay gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Waxa ay ku macneeyeen; in cudurkani yahay aargoosi rabbi oo la xidhiidha ciqaabta shiinuhu ku hayo muslimiinta dalkaas lagu gumaysto.

– Anigu sidee ayaan u arkaa mushkiladdaa….

1- Cudurkaa Coronavirus ee dalkaa ka dillaacay waa musiibo ay tahay in laga ducaysto
2- Qaddarka Alle ayuu ku dhacay, sababna waa uu yeelan karaa.
3- Wax kasta oo ka dhaca adduunka, wuxu Alle ka leeyahay ujeeddo
4- In Ilaahay uga jeeday “u aaridda muslimiintii Shiinuhu ciqaabay”, cid sheegi kartaa ma jirto. Marka ay ugu fududdahay waa male-awaal. Haddii kale waa “Ilaahay oo laga sheegay wax aan aqoon loo lahayn”, taas oo ka mid ah dembiyada waaweyn ee la inooga digay. ” وان تقولوا علي الله ما لا تعلمون” = “In aad Alle ka sheegtaan, wax aydaan cilmi u lahayn, ayaa la idinka xarrimay”

Ma lagu digan karaa/farxi karaa, dad shicib ah oo aan muslin ahayn oo musiibo dabiici ahi haleeshay?

Marka aan su’aashaa isweydiinayo:
– kama hadlayo xaalad dagaal, iyo khasaaraha la gaadhsiiyo cadowga.
– Kama hadlayo qallad iyo balaayo uu ku halaagsamay cadow dhibtiisa laga nasan waayey.
– Kama hadlayo Dad dhibaato u geystay mu´miniinta oo la cadho-habaaro.
– Kama hadlayo musiibo dhacday oo cadowga gaadhsiiyey khasaare iyo dhaawac maaddi ah.

Xaaladahaas in aad ku faraxdaa, waa dabiici inta aanayba noqon diini. In la habaaro iyo in hanuun loogu duceeyo dad noocaas ah, labaduba waa ay ka sugnaadeen nebiga scw. Qaar dhibaato badan gaadhsiiyey nebiga iyo asxaabtiisa waa uu habaaray marar badan. Qaar dhibaato badan gaadhsiiyeyna waa uu u duceeyey, in uu Alle soo hanuuniyo. Ta danbe ayaana u dhaw xaaladda caadiga ah ee ruuxda islaamka.

Kuwaa kama hadlayo!

Waxan ka hadlayaa waa: dad shicib ah oo musiibo ku soo degtey, gaalaba ha ahaadaane, ma lagu farxi karaa oo ma lagu digan karaa?

Anigu waxan leeyahay: maya, maya, maya
Sida layntooda loo diiday ayaan layntooda loogu farxi karin. Nebigu scw waxa uu xarrimay in la laayo: “Baaderiyada, dumarka, carruurta iyo duqeyda, yacnii shicibka”, marka dagaalka lagu jiro.
Mar uu Nebigu scw arkay qof dumar ah oo lagu dilay goob dagaalna; aad ayuu uga xumaaday oo wuxu yidhi “Iyadu ma aanay dagaallameyn”, yacnii, Maxaa loo diley?

Kol Haddii gaaladii lala dagaallamayey, la yidhi yaan shicibkooda la layn, kuwii la dileyna uu nebigu scw ka xumaaday; bal ka warran; magaalo dhan oo aan dagaal ka socon oo musiibada ku dhacda lagu farxo ama lagu tiiqtiiqsado?

– Qalad bay aniga iila muuqataa.
Dhaqanka noocaas ahina waxa uu Diinta islaamka ka bixinayaa suurad aan sax ahayn oo ah naxariis darro.

Asalka Islaamku waa naxariis iyo Ixsaan. Waa fududayn iyo bushaarayn. Haddii la arko daliillo sheegaya ad-adayg iyo jixinjix la´aan; waa qaar ku saabsan xaalado gaar ah oo kooban oo aan joogto ahayn.

Asalka farriinta islaamku waa in dadka oo dhan loo jiido xagga jannada udug ee ma aha in loo didiyo xagga cadaabta Jahannama.

Qofka aad ku tidhi; “baga ayuu cudurku kuugu dhacay”, adiga oo iska dhigaya in aad metelayso islaamka; miyaad u soo jiidday xaggii islaamka mise waad ka sii didisay?,
waa xaggee xagga aad u didsayna?