Ku digasho “dhoowr Sheeko”! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Ku digasho, waa kelmad kakkan dhawaaq ahaan iyo dareen ahaan ba, waa dhibaato aan loo baahnaayn inaad la timaado ficil ahaan, qof ahaan iyo dbulsho ahaan ba. Haddii lagugu manaysto wanaag, badhaadho iyo barwaaqo nololeed oo kaaga timid gallad Alle, waa inaad is-dhoowrto oo xusto shugriga Rabbi iyo mahadnaqa dadka kale.

Halkan dhoowr sheeko oo ku digasho ah, kuwaas oo dhoowr jeer maqlay, ayaan kusoo koobay nuxur ahaan:
1. Waa qof fursad shaqo helay: “War hebel bal warram” “nabbad walaal” “iyo wanaaga dalka iyo shaqada kawaram”. Kadib waxaa waaydiisay dhoowr qof oo aad saaxiibo ahaan jirteen ama istaqaanay waqtigii dhalinyarnimada ama ciyaalnimada ama berigii hore aad jaar ahaan jirteen: “hebel iyo hebel kawarram” jawaab “ waar waa-wax-matarayaal, waa ma-shaqaays-tayaal aan hurdada ka soo kicin, oo weli xaafadda bariiska la cuna”.

Maandhoow haddaba, qofkasta waa inuu ogaadaa, inaan qofka ugu kartida iyo aqoonta badani keligiis shaqo helin, dadku aanu kala aqoon badnaayd ee laakiin noocyada cilmiga lagu kala wanaag-sanyahay. Addoon Alle, mar hadii Ebbe ku sharfay oo dadka kaa dhexsaaray, waxa wanaagsan inaad u mahad-naqdo rabbi na waaydiisato inuu inta kale dhoowro oo fursad wanaagsan siiyo iyo nolol qiimaaysan oo kula mid ah, ee jooji ku digashada iyo kelmadaha dulmiga ah.

2. Fursad ganacsi yar ba u hagaagtay: waa la waraaysanaya saxaafad ama saaxiibo, waxa u ku jawaabaya “ Dalka shaqo la’aan ma taalo kama na jirto, laakin waxaan jirin oo joogin dadkii ka faa’idaysan lahaa nimcada fadhida ee ceegaagta dhinacyada dalka, oo intaad shaqaale noqon lahaayd shaqo abuur oo fursad sameey”. Waa ku digasho kale waayo? waxa laga yaabaa in waalidkaa xoogaa dhaqaale ah inta uu isugu biiriyay aad ganacsi yar ku furatay, kadib na rabbi kuu qarxiyay ama fursad taageero oo kale aad ka heshay taageero ganacsi.

Waa inaad Allaha ugu mahadnaq-daa, ogaataa inaan dadku wada helin kaabis-taas dhaqaale iyo fursaddan aad heshay, sidoo kale dadka kama fariidsanid kamana wanaagsanid ee gallad eebbe ayad kaga duwantahay. Fursaddan aad ku faanayso, buuro maad jeexin oo macdan kamaad soo-saarin (extraction), fikrad cusub maad-keenin (innovations), ee waxaad furatay ama la timid fikrad hore u jirtay oo baahida dadka u banaanayd oo aad buuxisay, ku mahadsanid inaad buuxiso oo aad fikirtay, laakiin yaanay ku digasho, kugu keenin ee dadka waxaad talo siin-kartid la wadaag adoo isu dhigaya mutawaadac aan kibroonayn.

3. Waxbarasho dibbadeed ayuu helay: “ war hebel balwarram”, waxa uu ku ajwaabay “nabbad” iyo “kawarram dalka sidaad u aragta marhaddaad muddoo ka maqnaayd”, jawaab “war dalku waa baa’ba, wax lama barto dadku na waxba ma yaqaanaan, intaas oo jaamacadood waxay dhigaan waa iska-hadal iyo tororog” haddaba, Waa inaad ogaataa in adigu fursadda aad heshay aanay dadku wada haysan, lana awoodin in wax lagu wada barto dibbada iyo waxbarasho la nidaamiyay, isku day inaad jaamacadaha tagto waxaad dhigi-karitd gudbiso. Ku darso jaamacadaha waqtigan qof dhaqaale leh, baa waxbarta waqtigan xitaayn dalka gudihiisa.

4. Madax ayuu noqday: waxaad waaydiinaysa “bal xaalada dalka kawaram dalka iyo dadka intaad ka warhayso ama maamusho” waxa kuugu jawaabay “war dadku maaha dad wax loo qabankaro, waay baahanyihiin, waay qaayb-san-yihiin iyo waxkale”. Ku digasho ka wayni ma jirto inaad wixii lagu doortay dhaliil uga dhigto, adaa madax ugu noqday qaayb-sanaan-ta iyo baahida ee u diyaar ahoow taakulaynta, isku na day inaad qariso ceebaha kaaga imankara dadkaaga, oo aad ugu bedesho waxtar. Waa inaad ogaataa Allihii ku asturay, ee kuu fududeeyay inaad intaasoo qof madax u noqoto, kugu na sharfay, lagugu eegayo ee aanay dadku u baahnaayn ku digasho iyo muujinta ceeba-hooda.

5. Qurbo jooog soo yara xamaashay “ Kusoo dhowoow dalkaaga hooyo” “waan dhowaahay, laakiin boodh, wadooyin jajaban, baahi badan iyo dad ku liita daawladnimada ayaa meelkasta taagan ee sidaad u nooshihiin, war waa maxay dadka sida xoolaa waddooyinka taagan?. Jawaab-tayda inta badan “Miyaanu garanynaa sidaan u noolnahay, waanu la qabsannay habkan”.

Haddaba qurbo joog, dalku waa baaba’ay, waa dumay dad ahaan, daawlad ahaan iyo dhisme ahaa (dhaqaale iyo siyaasad ahaan ba), dadku waa tabaalay-san-yihiin mana helin hogaamiyaha aad heshay oo kale, halkan ayaan dhamaanteen ku abtirsannaa ee soo dhowoow oo Allaha ugu mahadnaq inaad cagaha dhulka soo dhigtay, kana soo baxday hummaaggii qarsoonaa ee qurbaha. Qurbo joog ixtiraam qaran joog, oo mahadnaq sameey kuu fududeeyay inaad ka baxsato dhibaatada baah-sanaayd ee aay keentay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihiii baahsanaa ee laysku wiirsday gudaha, intaad maqnaayd.

6. Waa dhulka nabadda ah oo ku wiirsanaya meelaha dhibaatadu ka jirto: “ Halkani waa nabbad, waxa jirta kala dambaayn iyo badhaadho, waxa jira kuwo aan nabbad ahaayn oo dab iyo olol dagaal iyo dhibaato ka dhex jirto, kuwaasi waa dad xoolo ah, madaama nabbadoodii waxba ka qaban-kari waayeen, war miyaanay horta dad ahaayn?” “Meeshaas waa meel ololaysa weligeed na degi maayso”!

Nabaddu Alla ayaa keena, dadku na waxay qaataan ficil ahaan iyo fulin ahaan, ciddii markaas Raxmaanku u qoondeeyay nabbad iyo badhaadho inaay helaan, waa inaay dhawartaystaan oo dhitaystaan. Haddaad nabbad hesho wa inaad tartan la gashaa kuwa nabbada haysta ee horumaray kana faa’iideyay halbeega nidaamka nabbada, laakiin maaha inaad ku digato isna barbar-dhigto meel dhibaato ka jirto, sidoo kale aad qalbiyan ku raaxaysato dhibaatada guryaha kale ka jirta ama aad ku caaydo nabbad-darrida qofkaas, meeshaas iyo gurigaas habeenkaas aay dul-yuururto. Ugu dambaayna waa inaad nabbad u fishaa ugu na ducaysa cidkasta oo tabaalaysan, oo tabaysa nabbad iyo badhaadhaha.

Gebo-gebadii. Allaha ugu shugri, wixii gallad ah!

WQ: Xasan Cabdi Shire