Ku: Habar Awal: Kurisga Ayaa Wata Cayda iyo Cambaareynta W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Laga soo bilaabo 1991 markii ay dhalatay xukuumaddii ugu horraysay ee Soomaalilaan, siyaasiyiinta iyo beesha hadba kursiga u ordaysay waa ay adkayd inay kala saaraan shakhsiga kursiga ku fadhiya iyo beeshiisa. Madaxweyne Riyaale waxa loo soo gaadhay in xaaskiisa jidhkeeda qayb ka mid ah lagu yidhii qaliin ayey ku samaysay oo lacagtii dalka ayey isticmaashay. Waa sunne fool xun oo jidaysmay.

= Wakhtigii uu xilka la wareegayey madaxweyne Siillaanyo, xafladdii xil-wareejinta ayuu dadkii ka dhex-kacay mid ka mid ah hogaanka dhaqanka ee Boorama, waxaanu si cad u yidhi hadal kaftan iyo murti xambaarsan oo u dhignaa sidan” Isaaqow laba ogaada, kow horta kursigii waanagaa wareejinay, laba caydiina waanu wareejinay, ee cayda ha u dulqaataan beesha kursiga fuushay.”  Sidaasi oo kale Habar Awal ha u dulqaato cayda iyo canaanta kursigu leeyahay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com