Kulmiye shir ma qabsan karaa? (W.Q. Axmed Xuseen Xasan)

Jawaabta su ‘aashani maaha mid cad ilaa hadda sababo badan awgeed. Marka aad dhagaysato am aragto fikirka inta badan ee u dhuun-daloosha arrimaha siyaasadda ama gaar ahaan xisbi-xaakimka, ma jirto wax lagu heshiis ku yahay balse qofba si ayey ula muuqataa.

Marka hore waa nasiib-darro iyo hoggaan-xumo in ay su’aashaasi meesha timaado oo la is weydiiyo in shir dhacayo iyo in kale. Waxay ahayd in dhicidda shirku ay ahaato mid cad oo la wada og yahay balse su’aashu ay ahaato ayaa ku soo baxi doona doorashada marka la qabto xisbiga.

Haddii aad dib u eegto marxaladihii uu xisbigu soo maray may ahayn laftoodu qaar su’aashan jawaabteeda kaa cawinaaya. Tusaale ahaan, intii shir soo dhacday ee xisbigu qabtay waxay u badnaayeen qaar khilaaf hadheeyey. Muran badan iyo khilaafyo ka dib shirar ayaa dhacay aan odhan karno inta badan waxay ahaayeem qaar kolba ninka gudoomiyaha u afduuban oo ayna ka soo bixin wax ka duwan waxa uu rabbo kolba qofka gudoomiyah ahi.

Arrimahaasi waxay dhaxal siiyeen in xisbigu marka magaca oo tilmaamayo in xisbi siyaasadeed yahay laga tago aanu lahayn haykal maamul. Lama yaqaan inta ku abtirsata xisbiga balse waxa jirta in tirada guud loo qaybsaday beelo oo la yidhaah beel heblaayo intaaso ayey leedahay. Marka la rabo in shir la qabtana beelihi la yidhaahdo soo xula ergadiini.

Madaama aanay jirin dad xisbiga ku abtirsada balse beelo jiraan waxa dhacda kolba inta maamulka joogtaa in ay soo xushaan dad aan xisbigaba ku jirin ee magac reer lagu keenay si ay fuliyaan danta gaaban ee codaynta. Taasi waxay ka mid tahay ilah khilaafka iyo murannada aan salka dhigin ee xisbiyada Somaliland guud ahaan hadheeyey.

Haddaba khilaafadkan imika jira maaha wax cusub ee waa qayb ka mid ah xisbiga laftiisa. Waxa soo dhacday waqtiyo ergadii shirka ka qayb galaysay sacadihii u danbeeyey la beddelay oo dad kale lagu beddelay. Balse waxay kuwaasi kan kaga duwanaayeen musharax madaxweyne ayaa la isku raacsanaa waxana la odhan karaa taas ayaa sababtay in xisbigu iska jiitamo mudadaasi.

Haddaba shirkan maantu muxuu kaga duwan yahay kuwii hore. Waa ta koobaade ma jiro ilaa hadda murshax la isku raacay. Sidii awlba dhici jirtay ma jiraan xubno la leeyahay waa golihii dhex oo la isku waa faqsan yahay..Tirada murshaxiinta ee doonaysa inay tartanto oo badan marka loo eeg sandii hore oo ahayd nin kaliyaale waana ta sii cakirtay amuurtan..

Maxaa xal ah si looga gudbo is mariwaagan?
1. In ka hore lagu heeshiyo cid ay yihiin golah dhex ee xisbigu. Markaa ta lagu heshiiyo waa on loo diyaar garooba qabashada shirka.

2. In hogaan cusub oo aanay ku jirin murshaxinta la doorto si murshaxiint ay u helaan cadaalad mark la qabanyo shirka murshax lagu dooranyo. Lana qabta shirkaasi lagu dooranayo hogaan xisbiga xili xaadirkan, ka murshaxana la danbaysiiyo waa haddii ay dhab taahy in Madexweynuhu ka tanaasulay in mar labaad isa soo taago.

3. In shirka murashaxa lagu dooranayo dib loo dhigo ilaa inta dawladdan waqtigeedu soo yaraanyo si aan dalka khalkhal siyaasadeed uga dhicin.

4. In murashaxiinta u tartamaya jagada madaxtinimada dalka ay xilalka ay hayaan dhammaantood iska soo casilaan inta ka horaysa shirka lagu dooranyo murashaxiinta.

Waxan is leeyahay saddexdaasi qodob waxa yarayn karaan khilaafka hadheeyey shirweynaha xisbiga ee xiligan.

Axmed Xuseen Xasan

London, UK