Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye! Qaybta 1aad ee gabayga Af-hayeenka Sompower Tiriyay (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye!

Qaybta 1aad ee gabayga Af-hayeenka Sompower Tiriyay

 

Shirkadda SOMPWER oo ka warcelinaysa cabashada qiimaha korontadeeda, dadkana la hadlaysa ayaa tirisay gabay nuxurkiisu yahay “HECO oo wax fudud ahayd baad jebiseen, haddii qiimaha hadalka la idiin jebiyay maxaad iigu buuqaysaan, inaan kordhiyo mooyee, halkaas ka dejin maayo qiimaha. Kootada hayaan dheer baan u galay, waana la ii saxeexay. Haddii aanan dan lahayn maxaan u midaynayay shirkadihii korontada Hargeysa? Kootayste keli-noole ah baan ahay.

 

Miyaad aragteen dulin iyo ayax dherga? Illaa aan karuurka dhamo, kafadaha buuxsado, koombadu tif noqoto, kayd yeesho, kumbuskaygu tiro-beelo, cid kale korontada shaarubaha gelin mayso. Shirkadahan kale ha igu soo daba faylaan”. Intan waxa ka daran qaybta 2aad ee gabayga oo ay berri soo gudbinayso. Waa qorshaheedii oo qalbiga laga akhriyay.

 

Waxa ay tidhi:

Kaaflayda quus-goyn muglaa, lagu kaxeeyaaye

Kamasariyo HEEKAA ahayd, kaabashkaa nuguliye

Anna kaare bira baan ihiyo, keebka taangiga’e

Keli-telisku uma joojiyeen, baaqa dhawr kuray’e

Soombaawar uma soo kishteen, kooxda cadawgaaye

 

Haddii koolka loo jebiyay iyo, kaadhka lacagtiisa

Korreeyaha intay mahadiyeen, ‘kaamil’ may odhane

Korontaduna waa qaali bay, qaar kaftameyeeye

Kurdigood hadday qayliyaan, kawnka Herer caawa

Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye

 

Kellifaadda yuuskaa dadyohow, buuqa igu kiilay

Keerkeeri maayee adaa, kaadsan oo tegiye

Kalkan Aadan Gabayguu tirshaa, ugu kalaamaaye

“Ha karaamo seegina habaar, laygu kari waaye”

 

Kootada dedaalkaan u galay, koobi waa gabaye

Kulligood mishiinnada inaan, goobta wada keeno

Kumannaan adduun baan u huray, kiishash lacageede

Kasbashada markaasaan dalbaday, kaalin aan geyo’e

“Keligay anaa bixin nalkaan”, keefiddii idhiye

Kulligood saxeex bay markaa, iga kireeyeene

 

Ayaxuba kashbici waa hadduu, laasto kaymaha’e

Inkastooy korkaagaa muddooy, dhiigna naga keento

Lama arag kutaan haagta abid, koonka jeernaba’e

Karaarkiyo qaniinyada intaa, way kormarisaaye

Kafaddaan tif noqon oo waxbaa, koombadii dhiman’e

Waagaannu kaaftoomaynnaan, loo kas garanaynne

Illaa koobku ii buuxsamoon, kaydad badan yeesho

Oo aan karuurkaa hirqado, layma kiciyeene!

 

Kudladdaydu jeerooy dhergaan, keefka noloshooda

Kumbuskaygu jeerooy noqdaan, dhawr leg iyo kaakac

Kaarakoone dhawr guri ah baan, laygu kicinaynne

Kabbo looma dari karo shirkado, keeska waayadane

Kuyuugayga may soo galaan, way kardhanayaane

 

Waxa soo socdaa yaab leh: la soco qaybta labaad IA