La kulankeygii curadda dabiicadda (WQ: Cabdiraxmaan Cumar)

Galab kamid ah, tobonkii dhaxee bishii ugu horeysay 2020, aniga oo guriga jooga ayaan arkay wargalin ku saabsan barnaamij tartan faneed oo caawa­(habeenkaas) ka dhacaya hotel xeebta liido ee muqdisho ku yaal. Xiliga aan joogo iyo waqtiga barnaamijka wax saacad iyo bar kayar, ayaa u dhaxeeyay, kama labalabeen inaan u howlgalo sidaan madashaa u tagi lahaa, waana tagay aniga oo xitaa ka hormaray tartamaayaashii. Inyar kadib barnaamijkii ayaa bilawday, waxaan horfariisanay masrax ay marti ku yihiin ergo aan la soo wakiilan laakiin dadaalkodi iyo jaceylka ay u qabeen in ay na xasuusiyaan fanaaniid heersare kaga jira fanka soomaalida, ayaa noo muujiyay in ay yihiin kuwa mudan in aan aqbalno ergeeyntooda.  Waa cod wanaagsanayeen, dadaalna uma yareen. laakiin aniga waxaas o dhan waxaa igala qiimo badnaa in aan music iyo neecawda badda aan isku helo, maxaa yeelay labaduba waan jeclahay, sida ay uga mideysanyihiin jaceelka aan u qabo ayeey wax kalana ugu kal duwanyihiin. Mid(badda) waa dabiici midna(musiga) waa gacan ku rimis. intaa aan garashada leeyahay waan maqlayay musiga, ma dhihi karo waan jeclaa sabata oo ah waxaa jira wax ka horeeya  jaceyl iyo naceeb o ah barasho, waan aqaanay in musig yahay waxaas aan maqlo intii aanan jeclaan ka hor, mar danbe ayaan ogaaday in ay bad jirto laakiin ma garaneyn sida ay bad u taal iyo waxa ay ka dhigantahay ilaa iyo mar dhaw aan bartay .

Habeen barkii ayuu dhamaaday barnaamijkii, toos waxaan u qabtay dhinaca badda, waan ku socday aniga o cagta la eeganaya qarka biyaha badda, maxaa yeelay waxaan rabay in aan si dhab ah ugu dhawaado badda, oo aan u boggayay shanqarta ay sameenayeen hirarka aanan xooga badneen ee ismarxabeenayay, dabeysha aan qaboobka yareen ee idin la’aan usoo gudbeysa bartanka bogga iyo baalka wadnaha ayado oon ka gaabineen in ay gaarto booska sanbabaha xiga ee uu beerku fadhiyo, sida in ay leedahay qaboobso waa adiga halka qaboobku soo gaaro kasoo durugsanee.

Sidii aan u eegayay daadka hirarka ee cagteeda qooynaya hadan dib u laabanay sida in ay raadsanayaa masaaxo ay ku soo ordaan si ay cagteeda mar kale si fiican uga sooo gaaraan, ayaan kor indhaha u qaaday oon fiiriyay koonfur mise waa mugdi aad ka naxeeyso, aniga oo xasuustay gabaygii imru’l qeys markii u lahaa “waleylun kamoojil baxri arqaa suduulahu…”  iftiin oo dhan, nalal midab leh o ka so baxaya doomo xeebta ku xiran ayaa ka jira, socodkeega ayaan si watay, wan socday oon socday ilaa ay  jidkii isku gooyaan  jaballo iyo biyaha badda oo is gaashanaya. waan dhibsaday in jidkii iga go’ay, laakiin waxaa ii furneed in aan jaballada koro oon ku dul socdo si aan socodkeyga usii wato, waxaa igu so dhacday in aan ku qasbaneen taas o marar kale oo badan aan kulmi karno aniga iyo badda.

Inta aan istaagay oo gacanteedii bidix jeebka bidix galiyay tii midigna xabdkeyga aan ku salaaxayo aayaan baddii kaga cudur taartay in aan ka soo dib dhacay barashadeeda. si canaan ay ku jirto ayeey ila hadashay oo i tiri hadaad soo daahday adaa so daahay! waxeey iidaba dhigtay  waxaad ka fiicantahay kuwa wali ka qatan in ay isoo gaaraan, malaha wey iigu  laabqaboojineeysay warkaas danbe.

Aniga: Mahadsanid. ii ogoloow in aniga oo ka faa’ideysanay isku kaliyeeysigeenaan naadirka ah, in aan sheegeeysano.

Badda: So dhawaaw.

aniga: Jaceylka xad-dhaafka ah ee aan dabiicadda u qabo, dheefta raandhiiska leh ee aan kaahelo, dareenka reynreynta leh ee aad i dhaxalsiiso, ayaa i gayeeysiisay in marar badan aan doorbido waqti ku qaadashada agtaada.

Badda: Mahadsanid.

Aniga: hadii aan ahay mid waxbadan ama waxba aanan kaa ogeen, sidee isugu keey sheegi laheed?

Badda: 97% baan ka ahay biyaha dhulka oo dhan, in aad garaneyso in biyuhu 70% kabadan ay dhulka ka yihiin ayaan filayaa

Aniga: Haa, haa waan garanayaa.

Badda: Waxaan qeybtaas dhulka ugu balaaran ku marti galiyaa  noole aad u badan. Noole aan inta badan laga helin inta iga soo hartay  ee kownka. Qaar uu muuqooda iyo xajmigooda aadanahu maleyn Karin ayaa kamid ah, Qatar badan ayuu aadanuhu ka fishaa  noolahaas ii martida ah, waana dhab filashadaas, oo halka aan ku martigaliyo  noolahaas kuma soo dhaweeyaan noolaha kale, gaar ahaan aadanaha.

Qaar aan badneen oo noolahaas kamid ah ayaa dood aan looga garaabin ka keenay go’aankaas lagu Qatar galinayo  noolaha qeyrkood ah, gaar ahaan aadanaha.

Inkastoo aan looga garaabin dooddoodaas, waxeey go,aan iskood ah ku gaareen, soo dhaweynta iyo u gargaarida aadanaha  ee kusoo hungoobay booqoshadooda meel aaneey mudneen in ay soo booqdaan, dabcan Qatar ay tahay in ay soo booqdaan, sida gododka waawey ee gudaheyga ku yaal iyo meelaha ka fog bariga.

Aniga: Waxaan ku qasbannahay in aan u mahadcelino  qaarkaas badbadinteena iska xil saaray, weey mahadsanyihiin, fadlan gaarsii mahadnaqaas.

Badda: waayahay, laakiin Ha u maleenin kaliya in aan martigaliyo noole qatargaliya noolaha kale ee sidoo kale waxaan martigaliyaa quudka aadanaha oo si xoog leh ugu tiirsan martideyda.

Waxaan xili walba, gaar ahaan aroorta hore ku soo dhaweeyaa  deerka hore  ee aan ku qaabilo kuwa iisoo martiya, aadane badan oo usoo qalab qaatay qatargalinta kuwa ii martida ah, si aay kaga badabaadan Qatar kale. Haah, waay Qatar galiyaan, walibana way ka taqlusaan martideyda si ay kaga gaashaantaan Qatar kale, waana gar in ay qatargaliyaan si ay qatarta kale ee arxanka daran(gaajo)  kaga badbaadaan.

Yaanan kugu daalin isbaacsiga kuwa qatarta isku hayo ee waxaan marin u ahay ganacsiga aduunka…

Aniga: Sug sug, iigu gaadi taasee, kaliya sooma dhaweysid kuwa kuu soo qaraab tagga, oo aniga waxaan xasuustaa markii aad sida diiran iigu soo dhaweysay aroor hore halkaan, Waxeey aheed xili dhulka oo dhan mugdi ahaa, qaboob ayaa jiray, dadka intiisa bandanna waay hurdeen, waxaan heynay dhabihii nagaa keeni lahaa, wax shaqo u jarmaadayo mooyee dad iyo gaadiid kaga oo socdaa ma jirin, waxaan imid halkan mise waa adiga oo meel danbe kasoo socda iyo  caro maayadii oo biyuhu si fiican u simeen, wax raad ahna laheen oo si wanaagsan iisoo dhaweeyneeysaan.

Meel danbe oo adiga iyo dhulka aad isaga jirteen ayeey qoraxdu dhinac kalasoo baxeysay, oo gaduudka waabari kasoo direysay, waxaa is helay gaduudka waabari iyo adiga oo galalac leh, doomo kuwa yaryar(huuri) u badanna dhankaa bari ayeey ka muuqdeen ayaga oo gudaha ku sii jeeda,  si ay usoo kaluumeystaan, shimbiro codod halaasi ah ku heesayana dushaada ayeey heehaabayeen ayaga oo mararka qaar baalka galinayay biyaha.

Waxaan xasilooni iyo farxad xoog leh kadareemayay gunta hoose ee qalbiga iyo guud ahaan oogada jirka, waxaan dhoolacadeynayay dhoolacadeen aan iska keen-keen aheen oo aan kala joogsi laheen, dhoolacadeen mararka qaar banaanka keeneysay gooskeeyga ugu danbeeya goosaha.

Badda: Waan ka xumahay in aan kaa xasuusan dadka badan ee xiliyadaa nasoo boqda, laakiin mudnaan Gaar ah  ayaan siinaa kuwa na soo booqda marka  aan soo dhaweeynayo ama aan sagootinayo qoraxda, maxaa yeelay waxaa aniga iyo jaalkeyga qorax istusnay  in xiliyadaa ay tahay marar ay mudantahay  in aan taabano qalbiyada kuwa nasoo booqda, tusnana muuqaalo iyo midabo ay ku indha daraan-daraan, waa abaal marin aan ku abaal marino kuwa u bareera in ay na jeclaadaan.

Aniga: waan ka xumahay in aan ka dhaxgalay adigoo war ii wada, maxaa tiri? Ganacsiga aduunka ayaan marin u ahayaa?

Badda: haa, waliba waxaan u sahlaa in ay ka gaashaantaan luminta waqti iyo xoolo  badan oo ay ku beerdareen lahaayeen  ku gooshida marino kale.

Aniga: waaw! maxaa kale?

Badda: Waxaan ku dabiibaa guuxa aan soo saaro dhawaqa uu sameeyo, kuwo badan oo ciil, caloolyow iyo caro bestood la,ahaa, waxaan ku sooora leer macaan oo aan soo neefsado, taas oo qaar badan ku qasabta in ay soo laasimaan booqasheyda.

Aniga: Sug sug. waxaan xasuustaa mar xiligu ahaa badcal casar meel u dhaw dakadda muqdisho, waxaan fadhiyay jalbeebka jabal ku yaal qarka badda, waxeey aheed salka jabalka, sida caadiga ahna jaballadu ma toostoosna, mana sinna, qalqalooc badan ayeey leeyihiin, gurtunno iyo ganogano  fiiqfiiqanna waa leeyihiin, dhanka aan fadhiyay waa meel jabalku usoo qaloocday dhanka badda, foolkeygu waxa uu ku jeeday  dhanka bari, dhabarkeygana waxaa xigay  galbeed, halka aan fadhiyay o aheed salka jabalka waxaa ku dherersanaa jaballo gaagaaban oo meel qarka iyo badweynta u dhaxeeysa ku yaala, dusha jaballadaas waxaa ceegaagay biyo dabeyshu hadba dhinac isugu duweyso, jaballada dhaxdoodana waxaa ka muuqday cagaar ay biyuju sameeyeen.

Dabeeylaha xagaaga waxeey keenayeen hirar xoog badan o isdaba joog ah, waxeey garaacayeen jabalada ayaga oo sameynayo guux iyo dhawaq mararka qaar i cabsi galinayay, waxaan dhageysanayay hees uu qaaday xasan wado oo ereyadeedii kamid yihiin

“Daruuraha bilaha gugaa dabashadey

kasoo kacay ba\’a hoosteed galabtii

wadada ku dagay dharoor ka toogay” jabalada gudaha ku yaalla waxeey sameynayeen biyo dhacyo daawashada uroon oo cajiib ah, ayaga oo hadba dhan u shubayay biyaha soo buuxiya dushooda.

 

Jawiga sidaas ah waxuu ahaa mid kugu qasbaya in aad la dheygagto abuurista iyo awoodda ilaahey sareeyay oo kor ahaayay e, waa uun fikir iyo dhabanno hays, waa isxisaabi o nafta la faq, waa maskaxda ka shaqeysii oo timaatada qaabeey, waa nafta nafisi oo isku buuqa yaree.

 

Badda:  tamarta ayaa la iiga dhaliyaa dheef kale oo badan oo dhaqaalana waan leeyahay.

Aniga: bes, intaa iigu sin. ka sheegeentaada ayaa bad ah, waqti ku qaadashaada ayaa iyadana bad kale ah,waa ku miriq, maqal, muuq mug leh iyo muunad, neecaw macaan muudso, maan maallid iyo maan mirir ka meerid. Waxaan ka baqayaa in aan iskagala ilaawo macluumadii badneed ee aad iii sheegtay, ee si kooban isugu kee sheeg fadlan.

Badda: waxaan ahay bad, waxaan ahay curadda dabiicadda.

FG: isma aqoon curaddaa dabiicadda ka hor 2012, markii ugu horeeysay ee aan arkay si xoog leh ayaan u naxay, waxaa ii hoosaasiyay guryaha qadiimka ah ee xamarweyne ee luuqyada badan leh, markii aan ku dhacnay jidkii ku abaarnaa ayaan indhaha ku dhuftay meel ka hooseysa halkii aan ku soconay oo biyo badan oo buluug ah ay isku baacsanayaan, aad ayaan u naxay runtii.