La Xidhiidh Dareenada! W/Q:Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

habdhaqankani waa ka lafdhabarta u ah xidhiidhada ugu wanaagsan ee bani’aadamka dhexmara.

Kulan kasta oo aad cid la yeelaneyso, qaado go’aan ah inaad noqoto qof togan. Wixii doonaaba ha dhacaane, hore kasii go’aanso in aanad weligaa cidna ka aargoosaneyn, cambaarayneyn ama aanad ka cabaneyn. Haddii aanad odhan karin wax wanaagsan, waxnaba ha odhan. Dhanka kale, waanaaji muuqaaga sarre. Muuq ahaan habka aad u labisan tahay wuu ku saacidi karaa ama wuu ku carqaladayn karaa. Muuqaalkaaga duleed waa qodob muhiim ah oo door ku leh guushaada. Mararka qaar, muuqaalkaaga duleed waxa uu dhisi karaa ama burburin karaa xidhiidh ganacsi oo muhiim ah.

Inta badan dadku waa indho ku garaadle. Fursada mar ku soo martaa lagama yaabo in ay weligaa ku soo marto, si aad xusuus ugu reebto indhaha kuwa kale. Dadku badanaaba dadka cusub ee ay la kulmaan way shaandheeyaan; waxna way ka aaminaan, iyaga oo kala hubsanaya in ay muhiim yihiin iyo in kale. Habkani waxa uu u dhacaa si lama filaan ah; waxana laga yaabaa in aynaan kuba baraarugsaneyn. Laakiin marar badan sida dhacda waxa aynu samaynaa go’aan degdeg ah marka ugu horreysa ee aynu qof la kulanno. Laakiin Wixii intaa ka dambeeya, is aragaas koowaad wuxuu fikiradeena iyo dareenadeenaba ku reebaa raadayn xeeldheer oo ku aadan qofka aynu la kulanay.

Cilmi-baadhis arrintaas laga sameeyay waxa ay muujineysaa, in dadku ay kaa qaadan karaan sawir guud isla afarta ilbidhiqsi ee ugu horreeyaba. Dadka maskaxdoodu waa sida sibidh engagaya; afarta sikin ee ugu horreeyaana waxa ay reebaan xusuus. Sibidhku wuxuu ku adkaadaa ku dhawaad 30 ilbidhiqsi, intaa kadib, ku-qiimeeyuhu waxa uu raadin doonaa waxyaabaha kugu saabsan si uu u sababeeyo aragtida koowaad ee uu kaa aaminay. Hanaanka aadanaha caqligiisu u qaabaysan yahay darteed, dadku waxay isticmaalaan hab gaar ahaaneed oo ay wax u qiimeeyaan; waanay iska indho-tiri doonaan ama diidi doonaan qodobada ama cadaynta aan waafaqaynin wax ay hore u go’aansadeen rumeyntiisa.

Dadka meelmarka ahi inta badan waa kuwo muuqaalkooda duleed wacan yahay. Marka ugu horeysa ee ay cid la kulmaan ma aha kuwo jaanis laga heli karo. Waa kuwo muuqaalkooda duleed aad uga taxadara. Waa kuwo si taxadar leh u daraaseeya dadyawga kale ee meelmaray; sidooda oo kalena u labista. Waa kuwo si joogto ah u dhugta kuwa ka sarreeya shaqo ahaan; waxana ay u halgamaan sidooda oo kale in ay u muuq wacnaadaan.

Waxa xaqiiqo ah in aad raaxo badan dareemi doonto marka aad la tacaamulayso dad aan wax badan kaaga duwaneyn; waana sidaas xaalka qof waliba. Haddii aad dooneyso dadka muhimka ahi in ay ku raaxaystaan la macaamilkaaga, u labiso sida ay u labistaan; una horumari naftaada habka ay nafahooda u horumariyaan. Haddii aad dooneyso in aad noqoto qof si mug leh loo qadariyo, waa in aad u muuqato sida qofka ay tahay in si mug leh loo qadariyo.

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

 

Bandhige@gmail.com