Laascaanood ilaa Hargaysa Q. 2aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

“Adeer Cismaan Ibraahim aw adaa innoogu weynne, ducada Eebbe innooga durraamo, saa jidku toobiye haynoo noqdo e, Rabbigeen gargaar iyo gacan qabasho innoo wayddii” Xasan-Burco, oo ka mid ahaa asxaabtayda rakaabka ayaa sidaas abwaan Hurre Walanwal ku yidhi. Hurre ayaa isna si hagar la’aan ah ducada noogu bantookhay, intayadii soo hadhawna Eebbaw aamiin–taas ayaannu gurnay. “Eebbaw abtiyaashay waa gobe, gobanimadooda u siyaadi” ayaa ducadii abwaan Hurre ka mid ahayd. Qaad, biyo, sharaab iyo shaah ninba wuxu calmaday hadduu sii gatay, ayaannu wadada bari cagta saarnay. Laga yaabee qaarkayo in ay ku heesayeen: “Waddada bariyeey ku weheshadayee, Warkiyo hayga goyn waraaqa”

1:44 daqiiqo, ayaannu kaantaroolka Burco waydaaranay. Dhulku waa naq. Geed walba inta uu dhalankiisii doorsamay, ayaa kaad aragtaba ku halmaamaysaa curubta iyo caleenta uu bixiyay awgeed. Saan filaayo, kolkaannu deegaanka Beer waydaaranay, ayaannu ayax ciiddaas ah oo geeddi iyo nagaansho mid uu ahaa aanaan u kala saxayn u galnay. Laamida intii gawaadhidu ku jiidhay ayaa midabkii laamida dufan iyo madaw u rogay. Qadhmuun subaggiisu sababay ayaa neecawdii udgoonayd naga khalkhaliyay. Hal mar ayaannu daaqadaha gacmaha la boobnay si aan urta qadhmuun iskaga xidhno. In door ah ka dib, ayaannu ka baxnay urtii iyo ayaxiiba.

Wax aannu aashi-socod ahaanaba, meel dhexe oo dixda iyo dareemadu is qabatay ku yar nasanay. Kumaannu sii raagine socodkayagii ku sii aguugnay. Badanaa tuulooyinka yaryar eennu dhaafayno maan xisaabsanayne, haddana waxa indhahaygu qabanayeen jirkaamada caanaha ah ee jidka lala taaganyahay. Saa Xasan oo safrahayaga ka mid ahi yidhi “walee reer barigii mar hadday caanihii waddada la soo istaageen ilbaxe” saa hadalka aan ku darsadayoo, ‘walee may ilbixine noloshii saboolka ahayd ayay waddadeedii soo qabteen’ ayaan ugu jawaabbay: taas oon uga jeeday (haddii ay caano-diiq noqdeen, xoolahana tuulooyinka ayay ku soo dhawayn, dhulkuna beeruu noqon, dadkuna dux iyo dufanba waa ay ka soomi doonaan)

3:34 daqiiqo ayaannu Waadaamagoo is dhex taagnay. Gaadhiga inta aannu dhiganay, ayaannu ka shaahaynay, ragga qaarna salaadkii casar halkaas ku tukadeen. Muddo aan dheerayn ka dib ka soo dhaqaajinay. Caynaba ayaanu 4:03 daqiiqo soo joogsanay, qof naga sii raaci lahaa ayaa laga naadinaayay magaalada e, qofkiina weynay. Shaahii biyaha adag ee Caynabo lagu balbaliyay ayaannu mar kale afka ku qabanay. Makhaadda aannu ka shaahayno annaka oo wada fadhina, ayuu nin makhaayadda joogay Hurre ku yidhi: “Hurraw Canbaro way imanaysaa baa la yidhi bandhigga e, bal yaan lagula soo kicine wax innaga soo celi” Hurre oo kaftankaas ka jawaabbaya ayaa ugu halceliyay: “Adeer aniga waatay iga badisay Canbaro e, Habarjeclo qof kale ha iska soo xusho oo wax ka celiya….” Kaftan gaaban iyo shaah ka dib haddana ka dhaqaajinay Caynaba. 5:45 daqiiqo ayaannu Yagoori tuulada la yidhaahdo aannu sii jeexnay.

Wali dhulka meelba meel ayay ka sii barwaaqaysantahay, Alle amarkii, geelu haw badnaado e, heeshiga wada cabdho-karay ayaa meel walba ishaadu ka qabanaysaa. 6:29 daqiiqo ayaannu Laascaanood kaantarool keeda soo joogsanay. Soo soconay. Cali- Dhanaaniye oo ay wada haayeen asxaabta na martigelisay ayaa loo sheegay in aannu Masjid-jaamaca soo horjoogsano. Kolkii aannu soo horjoogsanayna, Hotel Taleex oo aan kaba durugsanayn u soo weeco lagu yidhi darawalkii. Asxaab tiro badan, oo ka tirsan Naadiga akhriska Ismaaciil Mire, ayaa halkii nagu soo dhaweeyay. Wiilal iyo gabdhaba waa lahaayeen. C/Raxmaan Nadiif oo guddoomiye iyo hormood ba u ahaa, ahna nin gobba oo Eebbe garashana u dhammeeyay ayaa na wada gacan qabtay. “Taleex” hotelka la yidhaahdo oo aad u qurux iyo qalabba san ayuu midkaayaba qol dejiyay.

Soo maydhmaydhanay, nin walibana iska soo lebbisay. Aniga iyo ninka la yidhaahdo Kayse-Galaydh ayaa isa soo raacnay. Jidka dheer oo ilaa xarunta shirkadda Golis loo gaadho ayaannu ku mijo baxsanay. Magaaladu waa mid aad iyo aad u camiran. Makhaayad kastaba dhalinyar iyo waayeel ayaa laysku cidhiidhsaday. Jidkeedu waa mid aan qaladu ku yarayn, oo gaadhi nooc walba oo leeyahay uu maraayo. Rag ay Kayse asxaab ahaayeen oo ay hore u wada hadleen na soo wace. Makhaayad aannu fadhiisanayna noogu yimaade. Nin la yidhaahdo C/Risaaq C/Laahi Axmed, oo “Cadceed Cadeysay” ku magac dheer, ayaa noogu yimid makhaayaddii aannu fadhiisanay. Na soo kaxee, wax yar ba haddii aannu soo lugaynay, ayuu na keenay makhaayad “Gobsoor” la yidhaahdo, oo dul iyo daafba cimidh ah. Haddii aannu soo dhex marnay dadka gudaha jooga, ayaannu u soo baxnay dushii sare. Rag asxaab ah oo dhawr ah, meeshana fadhiyay ayaa dhammaantoodba noo sare kacay. Mid mid intaannu isku gacan qaadnay, laabtana is gelinay ayaannu fadhiga ballaadhsanay, halkiina is barasho qaarkayo ah iyo kaftan ku wadaagnay. Iyaba waa xiiso kale e, nin asxaabta ka mid ah ayaa intuu kacay noo soo qaaday “Xalwo Kismaayo” shabaggii shelledka ahaa sida koofiyadda oo kale loogu sameeyay. Weligay ‘Xalwo Kismaayo’ waan maqlaayay uune, hore umana cunin umana arag. Laysku tuurtuur, “hebelaw fur, hebel kalaw fur, adigu fur…” Ugu danbayntii markay soo wareegtay wiilkii noo keenay ayaa furay. Cajiib!! Ala dhadhan wanaagsanaydaa!! Intaas ka dib cashaynay, oo shaahnay.

Rag door ah ayaa madashu kulmisaye, aan idin baro magacyadoodii, in kaste oo muuqaalladooda in idiin sawirraa ka qurxoonayd, haddana ma wada suurawdo e; Ragga waxa ka mid ahaa: C/Samed Tallaabo, Cadceed Cadeysey, C/Samed C/Laahi Cali,
Maxamed Cabdilaahi iyo Cumar Maxamed C/Laahi. Aniga iyo Kayse-Gallaydh na ha naga ilaawin fadhiga. Intaas ka dib, wiil ayaa lagu yidhi: “Waar abwaannada qaadoo, gee meeshay rabaan, ama hayska seexdaane Hotelkoodii ku celi. Na soo qaad. Kayse-Gallaydh ayaa yidhi: “Ninyaw Khaliifkii aynnu soo salaanno e, halkaas ayuu fadhiyaaye innoo geeya” soo baxnay. Cismaan-Khaliifka, oo ah qoraaga buugga “Afdhaab” ayaannu makhaayad isaga iyo rag kale fadhiyeen ugu tagnay. Ala amarkii ninkaas dad jacayl wuxu ka qabo waa noo sare joogsaday, oo dhunkasho, soo dhawayn iyo laabgelin qiimo leh ayuu nagu qaabilay.

Kolkaannu soo laabanay, ayaannu Kayse hotelkii dhignay. Aniga iyo wiilkii kalena waxaannu aadnay Nuuradiin Dalab, iyo Nuuradiin Axmed -qoraaga buugga ‘Guusha Ganacsiga’ – oo ila soo hadlaayay ayaannu ugu tagnay makhaayad la yidhaahdo “Kulmis” muddo aan badnayn ayaannu halkii wada joognay, ka dibna way i qaadeen oo hotelkan deggenaa ayay i geeyeen: saasna ku seexday.

Maxaa dhici doona?

La soco qaybaha hadhay.

W/Q: Cabdikariin Xikmaawi

Fg: Sawirrada bidix ka bilaw: Kayse-Gallaydh, Cali-Dhanaaniye, Hurre Walanwal, iyo Aniga.
Goobtu waa Caynaba, 09-12-2019, Casar.