Laascaanood shalay iyo manta (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Magaalo qayrkeed dhaaftay

Waa side muqaalka guud ee magaalada  dhaqdhaqaaqa ganacsiga?koboca dhaq aalaha?nabadgelyada ,Beeraha.waxbar ashada?dhalinyarta iyo Ciraayaha mash aariicda Horumarinta?waxa ka jawaabi doona maqaalka wixii ka danbeeyay      2007 kii.

Laas-caanood(laagta caanaha ama Milk valley) caasimadda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku naaloonaysa Xasilooni iyo Horumar dhiinac kasta ah tan iyo intii maamul fidinta Somaliland oo ku beegnayd 2007dii xilligaas oo mal eeshiyo Puntland ah oo xoog ku qabsatay laga caydhiyay.

Maleeshiyaadka Puntland oo mabadgel yo darro budhcadnimo,iyo dilal aan kala joogis lahayn ku haysay magaalada iyado haba yaraatee wax adeeg bulsho ah oo halkaas ka jiray aanu jirin,waxayna ahayd magaalada iyo guud ahaan Gobolka Sool Xilli gabal u dumay.

Hase ahaatee Xukuumadda Somaliland oo u hagar baxday magaalada laas caanood ayaa ka fulisay mashaariic wax qabad oo aan kala joogsi lahayn Sida dhinaca caafimaadka,waddooyin Town plain qoshysan,Saldhigyo police.Dugsiyo faro oo noocy badan,Jaamacado,Gegida Diyaaradaha,IWM

DHINACA WAX BARASHADA

In ka badan 22 school ayaa hadda ka furan magaalada oo isugu jira Hoose/dhexe/iyo sare.waxa kaloo furan 14 school oo ah nooca private loo yaqaan oo lagu barto luqadaha kala duwan sida English,Arabic iyo French.

Schoolada lagu barto farsamada Gacanta ayaa gaadhay illa 6 iskuul waxana lagu bartaa  Dhismaha,Electeric.dhartolista,maacuun samaynta,Computerka iyo farsamooyin kaloo badan.

Waxa kaloo magaalada ka furan saddex Machado o Diini ah oo lagu barto Quranka.

Waxa kaloo magaalada ka jira Sadex jaamacadood Nugaal.Ilays.iyo Golis.

Dhinaca caafimaadka

Cusbitalka Laascanod oo La dhisay Xilligii Ingriiska ayaan waxba laga qaban tan iyo wixii xilligaas ka danbeyay hase ahaatee hadda

Waxa dib u habayn lagu sameeyay Cusbitalka Guud Laas canod waxa kaloo laga hirgeliyay Xarun lagu dar yeelo dadka Dhimirka wax ka qaba,Waxa la keenay Qalab casriya iyo shaqaalahi oo tayadooda kor loo qaaday,waxa kaloo lagu camiray dawooyin Sidas ayaan fari ka qodnayn qaybaha kale ee lagu kordhinayo Cisbitalka oo hadda gacanta lagu hayo mashariic badan.

DHINACA KOBOCA DHAQAALAHA

Waxa kor u kacay ganacsatada iskood u shaqaysta(Enterpreneurship)shirkadaha  waxana magaalada aad ka dheehan kartaa dhinac kastaba Dhismayaasha dabaqyada casriga ah adigoo u malaynaya inaad Hargeisa dhex joogto waxad halkaas ka garanaysaa Xasiloonida iyo nabadda ka muuqatta magaalada waxanad garan kartaa inay magaaladu qayrkeed la tallaabsatay, waxa indhahaaga soo jiidanaya meheradha ganacsiga.Supermarketka, bacadlayaasha,bakhaarada IWM

KAABAYAASHA DHAQAALAHA

Waxa magaalada laga hirgeliyay waddooyin badan iyadoo kolka hore laamida keliya ee Somaliya ka dhaxaysaa dhex mari jirtay,magaalada inteeda kalena isku raran ahayd waxana jiho kasta isu dhaafay waddooyinka taas oo kor u qaadday bilicda magaalada iyo adeegyada bulshada dabcan sidoo kale waxa dib u habayn lagu sameeyay Gegida Diyaaradaha waxana (Contribution)ka qayb qaattay Mulkiilaha shirkadda  jaadka ee (INA JABUUTAAWI) oo Runtii ah shakhsi heegan ugu jira Horumarka Gobolkiisa waxa kaloo ku bar bar jira ganacsato kale oo badan sida shirkadda (HASS Petroleum)oo haatan wada in la sii balaadhiyo Airportka iyagoo gacan ka helaya Xukuumadda.

DHINACA ISGAADHSIINTA

Xagga is gaadhsiinta ayaa iyaduna xusid mudan waxana magaalada hadda ka shaqeeya afar shirkadood oo is gaadhsiineed shan idaacadood oo ah nooca la shaqeeya Internetka iyo idaacad caadi ah radio (Las-Anod) iyo hal TV (Las-Anod TV).

DHINACA BIYAHA

Mashariic dhowr ah oo xagga biyaha ah ayaa magaalada iyo guud ahaan Gobolka laga fuliyay iyadoo qaar kalena gacanta lagu hayo.

DHINACA ISBORTIGA IYO DHALINYARADA

Waxa magaalada ka jira dhow iyo toban naadi oo sport oo qalabaysan iyagoo gacan tos ah ka hela Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaraha waxana u goglan garoonka kumadda cagta halkaas dhalinyar fir fircoon ayaa ka soo baxaysa iyo dhalin Moralkoodu sarreeyo

XAGGA WAX SOO SAARKA IYO KHAYRADKA DABIICIGA AH.

Wuxuu guud ahaan gobolka sool caan ku yaha Dhinaca Xoolaha nool Sida gobolka Togdheer oo kale xagga Beeraha ayaanu iyada dab yar shidaynin oo waxa ka baxa khudaar kala duwan.

Guud ahaan hal maqaal laguma soo koobi karo horumarka magaaladan iyo guud ahaan gobolka Sool waxanu se leenahay  masha allah ilaahow u siyaadi nimacada.

Ramadaan mubarak

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213