Laba Arrimood ayaa keenay in la laalo cafiskii loo fidiyey shuftadii Oof-Wareen. W/ Q: Cali Cabdi Coomay

= In aan la bixin magtii raggii kibirka ay ku laayeen shuftadii Buurta Gacan Libaax. Guddigii heshiiska keenay ayaa kaalintoodii gabay oo waxa ay ahayd in haddii ay dadkii dilka geystay ay ka cagajiidayaan bixinta magta inay sheegaan, si heshiiskii wax looga beddelo.
= In goob kasta ay xubno ka tirsan xisbiga Waddani iyo kuwa taageerayaashooda ahi ay halyeyo ka dhigaan hogaamiyihii shuftada Oof-Wareen. Halkii ay ka qarin lahaayeen dhagarqabayaasha. Raggaa halyeylo laga dhigayo waxa daawanaya dadkii raggooda laga laayey, muxuu dareenkoodu noqan karaa?