Laba arrimood oo aynu ugu gargaari karno shaqaalaha caafimaadka (Aadam Haybe Faarax)

Shaqaalaha caafimaadku waxay ugu horreeyaan dadka shaqadoodu ku qasbayso inay khatar geliyaan naftooda iyo qoyskooda si ay Allah Idamkii u badbaadiyaan dadkooda. Bilihii u danbeeyey,  shaqaale caafimaad oo badan ayaa u le’day  COVID19. In badan oo ka mid ah ma haystaan qalabka (PPE) ay iskaga ilaaliyaan inuu fayraska Korona u soo gudbo. Halka in badan oo innaga mid ah lagu kari la’yahay gurigiinna jooga ama ka fogaada ururka dadka aanaydin wada degganayn, shaqaalaha caafimaadka iyo kuwo kale oo badan oo innoo haya hawlaha aasaasiga ah way ku qasban yihiin inay maalin walba baxaan. Halka aad adigu ka ordayso qofka qufacaya iyagu way ku qasban yihiin inay u dhawaadaan ama ay taabtaan. Waxaa inna saaran inaynu laba arrimood ugu gargaarno dadkaas naftooda innoo huray. Dhamaanteen waxaa la innooga baahan yahay inaynu iska dhawrno inuu xanuunku innoo soo gudbo intii karaankeena ah iyo inaynu u ducaynno inuu iyagana Allah ka ilaaliyo xanuunka.

Waxaan beryahan arkayey in caawimooyin badan oo kala duwan oo qalab caafimaad ah meelo kala duwan innaga soo gaadhay. Alaabahaas (PPE) waxaa waajib ah in mudnaanta koowaad la siiyo shaqaalaha caafimaadka iyo kuwo kale ee haya shaqooyinka la midka ah. Wararka aan helayaa waxay sheegayaan inaan qalabkaas dadkii u baahnaa sidii loogu baahnaa loo gaadhsiin.  Shaqaalaha qaar waxay ii sheegeen inay baryo (tuugsi) ku helaan halka kuwo kalena yidhaahdeen namaba soo gaadhin. Allah innagu cadaabi maayo wixii aynaan karayn laakiin wuu innagala xisaabtamayaa wixii agteenna yaal sida aynu u wadaagno. Kumanaanka shaqaale caafimaad ah ee khatarta naftooda geliyaa, waxay ku soo rawaxayaan guryahoodii oo ay celcelis ahaan joogaan 6 iyo ka badan oo qof.

 

Waxaan si naxariisle uga codsanayaa masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo cid kasta oo ay khusayso farriintani, inay si degdeg ah u gaadhsiiyaan shaqaalaha u baahan qalabka difaaca (PPE). Waxaa kale oo muhiim ah inay madaxdu si dhaw ula socota xaaladda ay ku shaqeeyaan waqtigan xanuunku faraha baas innagu hayo.

 

Allah ha inna bedbaadiyo.