Laba doodood oon suuqa ka maqlay iyamaa Somaliland u badan tahay tolow? (WQ: Cabdillaahi Jaamac Cismaan “Geel-jire”)

Laba doodood oon suuqa ka maqlay iyamaa Somaliland u badan tahay tolow?

 

Kursiga Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ha la siiyo:

1. Djibouti. Waayo waa dawlad aynu jaar nahay. Isku jinsi nahay. Xidhiidh dal iyo mid dadba inaga dhexeeyo oo ehel aynu nahay. Waa dawlad muslim ah. Kenya haddii la siiyo oo ay golaha gasho baddii Somalia ayay qaadanayaaa. IWM

 

2. Kenya. Waa dawlad African ah oo xidhiidh weyn la leh dawladaha caalamka gaar ahaan reer Galbeedka dunida maamula marka wax wayn bay Africa taraysaa.

Inaga haddaynu Somaliland nahay qaddiyaddeena kama soo horjeesanayso ama Somalia ayay xurkufi ka dhaxaysaa oo inay ina taageerto waa suurogal.  Halka ay Djibouti inaga soo hor jeeddo oo ay ina curyaamin karto hadday Golahaa inoo fadhiisato.

Kenya dad muslim ah iyo Somaliyiba waa ku nooshahay.