Laba Jeer ba Ciddii Xadgudubtay: Somaliya iyo Somaliland! (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Dadka Somalida ahi guud ahaan (average) in aanay mudakar ahayn  waxa kuu caddaynaysa ma awoodaan dhacdooyinka taariikhiga ah in ay xaqiiqada ka sheegaan; qolo kasta sida ay doonto ayay u warisaa dhacdooyin ay wali nool yihiin dadkii soo taagnaa, iska daa taariikh hore oo waayo hore dhacday e. Waa laga yaabaa in aad ila yaabto ama aad tidhaa fagadh buu isla yidhi, laakiin anigu Cabdi ahaan waxay dadkeenu ila yihiin caruur oo kale macal hogaamiyayaasha Somalida soo martay ilaa kuw immika jooga marka laga reebo in yar oo faro ku tiris ah!; waa fikir iyo aragti wali aanan dhamaystirin oo wali igu dhex bislaanaysa!! Dadka aan run ka sheegayn taariikhdii dhawayd, maxay wadaagi karaan waqti xaadirka, mustaqbalka laftiisana ma ku heshiin karaan!!

Aan hoos u soo dego; immika waxan rabaa in aan wariyo laba dhacdo oo aan u soo taagnaa, anigoo waqtigaa ahaa nin wayn oo caqli leh; sida aan u warin doono, anigu waxan is leeyaha waa sidii wax ahaayeen; laakiin marka aan qoro immika dadka qaar baan ka baqayaa in ay iyaguna isla sheekadaa si kale u hayaan, gaar ahaan dadka reer Koonfureedka Somalida; waxana laga yaabaa in ay u qaataan in aan u xaglinayo dhinaca la ii tirin karo. Laakiin anigu aragti kuma darayo ee dhacdada ayuun baan sheegayaa iyo sababteeda; markaa qofka beeninayaa waa in uu keenaa xaqiiqo kale; illaa hadda inoo ma kala soocna Facts and Views; waa mid ka mid ah calaamadaha caruurnimada ee aan dadkayga ku eedaynayo!

Beri dhawayd ayaa waxan is idhi malaha Somalidu waxay u baahan tahay in dawladnimada loo tabobaro markii aan arkay in ay maamulka u wadaan sidii caruur yar yar oo bariis wadaagaysa; bal in uu gumaysigii inoo keenay dawladnimda uu waxoogaa ina yara gacan qabto; Haddaba, waa yaabee, taariikhdana malaha waxaynu u baahanahay cid aan Somali ahayn oo inta ay qolo walba dhegaysato, su’aalona waydiiso, ka dibna inoo qorta wixii taarikhiyan sugma cilmi ahaan!! Horta, sidaa u garta mustawaheena caqli iyo dadnimo; maahmaah Carabiya ayaa tidhaa Ilaahay ha u naxariisto cid garatay halka ay joogto mustawe ahaan.

labada sheeko ee aan rabo in aan idinla wadaago midi waa dhacdadii iyo sababtii keentay in SNM dalka soo galaan 1988, midina waa dhacdadii iyo sababtii ay Somaliland u goosatay!!

La soco..