Labada ilma Biixi iyo loollankii Sabtidii (W.Q. Maxamed Cali Yuusuf)

Sida muuqata waxa dib u istaadhmay tartankii xamaasadda lahaa ee ka dhex socon jiray xisbul-xaakimka Kulmiye.

Waxay u eg tahay in wejigii koowaad ee tartanka oo u dhaxeeyey Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo guddoomiyaha hadda xilka xisbiga haya Muuse Biixi uu soo af-jarmay kadib markii uu Cabdicasiis iska casilay xukuumadda Kulmiye sidaasna uu gacanta sare ku helay guddoomiye Muuse.

Nasasho kooban kadib waxa hadda bilaabmay wejigii labaad ee tartanka oo u dhaxeeya guddoomiye Muuse Biixi iyo iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo bishii November 2014-kii xaflad  isaga iyo Cabdicasiis Samaale ay wada qabteen kaga dhawaaqay in uu u tartamayo sidii uu u hanan lahaa murashaxnimada madaxweynenimo ee xisbul-xaakimka.

Tartankan cusubi wuxu bilaabmay kadib markii 22-kii September ay hoggaanka xisbiga Kulmiye oo ka kooban guddoomiyaha, ku-xigeenka, xoghayaha guud iyo guddoomiyaha golaha dhexe ay madaxweynaha u geeyeen qorshe ay ugu talo-galeen qabashada Shirka Golaha Dhexe isla markaana ay soo jeediyeen in uu shirku qabsoomo 10-ka November 2015-ka, qorshahaas oo madaxweynuhu sidiisii ku qaatay. Kadibna hoggaanka xisbiga iyo madaxweyne-xigeenka ayaa madaxtooyada dhexdeeda wada-jir ugu qabtay shir-jaraa’id ay kaas oo ay kaga dhawaaqeen maalinta shirka golaha dhexe ee Kulmiye qabsoomayo.

Madashaas waxa ka maqnaa Maxamed Biixi Yoonis iyo siyaasiyiinta loo arko in ay is-kaashi leeyihiin. Taasi waxa ay keentay in ay dad badan ugu muuqato in uu madaxweynuhu si dadban u taageeray guddoomiye Muuse Biixi falcelintii ka soo noqotayna waxa ay noqotay in Maxamed Biixi uu Jimcihii Madaxweynaha ka soo qabto ballan ay ku kulmaan  Madaxweyneha iyo beesha guud ee galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa, si ay ugu gudbiyaan cabasho ay ka qabeen nidaamka uu u bilaabmay abaabulka Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo shaki ay ka qaadeen war la isla dhex marayey oo sheegayey in madaxweynuhu taageerayo Muuse Biixi.

Sida ay qortay Waaheen,  waxa kale oo uu Maxamed Biixi shir-doceed jufadiisa hoose ah u ku qabtay Crown Hotel Jimcihii kaas oo sababay in ay gacanta isula tagaan laba xubnood oo isla beeshan ka soo jeeda, Xujaale oo Muuse taageersan iyo Bakayle oo Maxamed Biixi taageersan.

Haseyeeshee taageerayaasha Muuse Biixi ayaa si hoose u ogaaday in cidda Madaxweynaha u imanaysaa aanay ahayn beeshii guud balse ay ku kooban tahay odayaal iyo xubno kale oo ka tirsan jufada hoose ee Maxamed Biixi, kadbina waxa ay abaabuleen beeshii guud si ay isla habeenkii ballantu ahayd (Sabtidii, habeenkii Axaddu soo galaysay) ay iyaguna ula kulmaan Madaxweynaha una caabiyaan aragtida dhinaca kale.

Sida aan bawsaday, madaxweynuhu wuxu yidhi “xalaal dharaar cad baa la qashaaye labadiina dhinac oo isku dhan aan mar la wada kulmo si aan qarsoodi ahayna aan tabashooyinkiina uga jawaabo.” Laakiin kooxdii Maxamed Biixi taageersanayd ayaa ku adkaysatay in kulankoodu uu noqdo mid gaar ah.

Madaxweynuhu wuxu horraysiiyey kulankii kooxda taageersan Muuse Biixi oo ka koobnaa ku dhawaad 50 xubnood, waxana goobjoog ka ahaa ugu yaraan shan wasiir oo beeshan ka soo jeeda oo kala ah Maxamed Biixi, Samsam, Maxamed Aw Daahir, Muuse Qaasim, Shucayb.

Goor dambe oo isla Sabtidii ahna wuxu qaabilay kooxdii ballanta asalkeeda lahayd ee ka socotay Maxamed Biixi oo ka koobnayd ilaa 15 xubnood. Dhinaca xukuumadda waxa Madaxweynaha kala qayb galay Maxamed Biixi Yoonis oo kali ah.

In kastoo ay adag tahay sida lagu helo warar aad u sugan maadaama dhinac waliba sida ay jecel yihiin ay warka u gudbinayaan, haddana warar la isku hallayn karo ayaa tibaaxaya in madaxweynuhu labada dhinacba u sheegay in uu aragtidoodii fahmay isaguna aanu ahayn qofka murashaxiinta kala saaraya laakiin uu jeclaan lahaa in uu arko beeshan oo isku raacay hal murashax. Waxa kale oo uu u sheegay in shirku uu ku qabsoomayo wakhtigii la muddeeyey oo ah 10-ka November laakiin wixii farsamo ah talo la iskula soo noqon doono marka uu ka soo laabto Ireland.

Dhacdadan ayaa ahayd tii loogu hadal-haynta badnaa Axaddii. Dadka siyaasadda falanqeeyaana waxa ay aaminsan yihiin in dhaqdhaqaaqyadii maalmihii u dambeeyey socday ay dabaysha u kaxeeyeen dhinaca Muuse laakiin aanay weli fari ka qodnayn tartanka Kulmiye sidii horeba looga bartay.

Iyada oo ay 42 maalmood oo kali ahi innaga xigaan wakhtigii shirku qabsoomayey, waxan filannaaba waa xamaasadda oo intan ka sii korodha iyo tartanka oo laga yaabo sida aan xansannay in ay cagaha soo geliyaan murashaxiin hor leh laakiin iyagu u socda gorgortan iyo xeelado siyaasadeed oo kali ah.

Maxamed Cali Yuusuf

Hargeisa, Somaliland