Labadii sababood ee ka dambeeyey abuuritaankii SNM (SNM: Somali National Movement) WQ: Maxamuud Faarax Warsame “Ruush”

 

1.Islawayni qabiil- Hadiiba qabiilka Majeerteen oo waqtigaa wax awooda aan lahayn uu gilglay xukuumadii Siyaad bare, maxaa naga horjooga anagana? anaga oo ka xoogwayn oo haysana Hargaysa iyo Burco oo dhaqaale fiican leh maxanaan u gilgili Karin Siyaad Bare xukuumadiisa?

2.Inay noqdaan qabiilka ugu xooga wayn ee ugu awooda badan soomaaliya sidaas awgeedna ay maamulaan inta kale.

Laakin kuwa iyagu isugu yeedha mujaahidiin, waxay dadka u sheegaan been marka ay noqoto sababihii ka danbeeyey abuuritaankii SNM.

Inta badana waxay ku andacoodaan xukuumadii Siyaad Bare namay siin waxaan xaqa ugu lahayn saami ahaan iyo dhaqaaleba ?sababtaas awgeedna aan dagaal uga qaadnay dawladii Siyaad Bare, ka dibna waxa dhacay xasuuqii loo gaystay dadka ka soo jeeda Hargaysa iyo Burco oo ahaa dadkay SNM kasoo baxday.

ABUURIDA SNM MAY AHAYN:

Dirir Saami Qaybsi: Sida taariikha lagu hayo waqtiyada qaar iyagaaba ugu badnaa saraakiisha ciidamada, waxay xukuumadii ay rideen ku lahaayeen wasiiro shilshilis sida aad ku arki doontaan maqaalka qoraalkan marjica u ah.

Dirir Dhaqaale: Sida taariikhda lagu hayo dhaqaale ahaan dadkii SNM sameeyey ee saluugay maamulkii Siyaad Bare waxay ahaayeen dhaqaale ahaan dadkii xiligaa ugu sareeyey.

Sidaan taariikhda ku hayno burco waxay ahayd saylada xooluhu soomaraan marka xoolaha laga dhoofinayo dekada berbera .

Inta badan dadka reer waqooyiga ahaa oo ay ugu horeeyaan beesha Isaaq waxay la siin jiray laysamo soodajineed waxaana dekada berbera loogu samayn jiray cashuur dhaaf waxayaalaha ay halkaa kala soo degaan halka uu Muqdisho ka shaqayn jiray nidaamkii hantiwadaaga ahaa ee waxa loo adeegsado in wax lagu soo saaro ay dawlad gacanta ku haysay sida la sheegayna dad yar ayaa lahaa awood ganacsi waqtigaas.

Dirir Xaga Horyaalnimada Suugaanta : Inta la ogyahay xaga suugaanta haday noqoto abwaaniin iyo fanaaniinba iyaga ayaa ka horeeyey dadka into kale o dhan.

Dib Ula Soo Noqoshada Madaxbanaanida: Tan waxa kaaga filan magaca uu lahaa dhaqdhaqaaqani oo ahaa Somali National Movement, sidaad wada ogtihiin haday goosasho ahaan lahayd waxa loo bixinlahaa dhaqdhaqaaqaas: Somaliland liberalization Movement (SLLM).

UGU DANBAYN SNM WAXAY DHASHAY JAMHUURIYADA SOMALILAND

Dadka inta badan Somaliland soo maamulay waa dadkii dhiiga u daadiyey inay talada iyo awooda wadankii soomaaliya gacanta ku dhigaan, markay taasi u suuro galiwaydayna waxa lagu dhawaaqay Somaliland inay ka go`day soomaaliya inteeda kale.

QORSHAHA AWOODA IYO TALO HAYSIGA SOMALILAND EE BEESHA DHEXE

Madaama oo ay dagaal adag u galeen inay awooda iyo talada dalkan gacanta ku hayaan waxa samaysteen qorshayaal qarsoon oo ay iyaga ka midaysanyihiin oo kala ah:

1.Ta koobaad, in talada iyo awooda dalka ayna cid kale gacanta ku dhigin
a)Madaxwaynaha
b)Aqlabiyada Baarlamaanka

Tani markaad eegto dhamaan way ka simanyihiin haday noqoto madaxda xisbiyada iyo siyaasiyiintooda waawayniba oo inta badan waxaad maqli markay hadlayaan waar dadka inala degan wax siiyaa, marnaba ka maqalimaysid iyaga oo ka hadlaya talada iyo awood qaybsiga dadkan Ilaahay wadanka kuwada beeray, qolo iyaga ka midiina ma rabaan inay ka tanaasulaan waxay haystaan sida hada qadiyada taagan ee saami qaybsiga baarlamaanka.

Waxayna ku heshiiyeen oo ay raali isaga yihiin in talada dalka kolba qolo qabato, inta badana qolada talada qabataana waxay wadanka ka yeelaaan hadba sida ay rabaan inta kalena way daawataa oo markooda ayey sugaan.

Waayo haday aaminsanyihiin in awooda iyo talada dalku ka dhaxayso dadka soomaliland ku wada nool ,waxay ka muuqanlahayd habdhaqan kooda, tusaale ahaan, hadaad xisbiga Garxajiska u fiirsato uma hadlaan si awooda dalka ay maroorsatay jeegaantu ,laakin waxay u hadlaan si ay uga jeedan markani waxay ahayd markayagii aan hasha maalaynay ee sida kale raali bay ku yihiin inay talada Isaaq mar walba hayaan.

Waxa mar jirtay markuu ina Rayaale madaxwaynaha ahaa ay raga qaarkii odhanjireen: ulbaanu madaxtoodyada kaaga soo saaraynaa sababtoo ah umaad soo dagaalamin kursiga!

2.Talabaad, Wax u tuurida laadheerayaasha qaabi`ilka kale ee degan Somaliland.

Si nidaamkan awood maroorsiga halka qabiil ku dhisani u shaqeeyo , u hirgalo ,waxa kale oo qorshaha ugu jirta in hadba la naasnuujiyo laandheerayaasha qabiilada kale ee la dagan iyaga oo ahna kuwa ugu xooga wayn ee ugu saamaynta badan degaanadooda.

Tusaale ahaan, Wasiirka Horumarinta biyuhu wuxuu hayaa shaqadii wasiirka gaashaandhiga, tii ka warwaafinta iyo tii wasiirka arimaha dibada.

Tusaale ahaan, beesha Gadabuuri waxa loo qaybiyaa sadex qolo oo siman ,qolo walbana waxa hormuud u ah kuwa ugu tirada badan ugu hantibadan uguna dhulka badan uguna saamaynta badan ,waxaana kuwaas loo tuuraa wax aan u qalmin si ay inta kale uga horjoogsadaan inay buuq ku kiciyaan nidaamkan awood maroorsiga beesha qudha ku dhinsan ugana difaacaan had iyo jeer inta kale maamulkaa ay u shaqeeyaan.

3.Ta, sadexaad,ku tumashada sharciga iyo kala danbaynta

Hadii inta badan la fuliyo waxa dalkan shuruucda u ah ,waxa is khilaafaya danaha hadba inta wada socota markaas sababtaa awgeedna waa in sharciga indhaha laga laliyo marka uu qabto qof ka mid ah inta wada socota ee talada dalka haysa, laakin sharciga waxa lagu dabaqayaa inta markaa awooda dibada ka joogta ee aan saamaynta ku lahayn sidii lagu yimiday awooda.

SUUROGAL MA TAHAY AWOODA IYO TALADA DALKAN IN LOO SINAADO?

Aragtidayda Maya hada ahaan!

XALALKA

1.Inaad u hogaansanto xaaladaas jirta ood faraha ka laabato wax sixid iyo inaad qaadato waxa lagu siiyo aadna aad u guulwadayso, marar qaarna hadii lagugu qabsado waxaad leedahayna inaad ka tagto oo ah sidaa kuu dhib yar.

2.In nimankan sidaa u fikiraya soomaaliya lagu celiyo awooda iyo talada dalkaana loo dhiibo lagulana xisaabtamo laguna dul ilaaliyo, laakin nasiib daro tani inay shaqaynayso aad bay u adagtahay, waayo labadaa halkaa joogaana sidan oo kale ayey u fikiraan ma ogola in ay cidi ku sadaxayso awood iyo talada dalka. Waxay is dhaafdhaafsadan madaxwayne iyo raysal wasaare.

3.In si fiican la isku dilo!

Anigu waan aaminsanahay in talada iyo awooda dal la jeclaado laakin ujeedadu tahay anaa idinkaga wada fiican masuuliyada dadkan in laga shaqeeyo wixii u dana.

https://www.somaliaonline.com/…/71933-do-you-know-why-snm-…/.
https://www.youtube.com/watch?v=q2KhsRB2Q-g