LACAG ABUURIDA ZAAD IYO E-DAHAB:

May sii xumanaysaa xaalada sicir bararka?

May caawinaysa xaalada sicir bararka?

Mise xumayna mayso caawina mayso xaalada sicir bararka?

Labadan shirkadood waa laba shirkadood oo aad u waawayn waxbadan oo faa`iidooyin dhaqaale ah ayey dalka ku soo kordhiyeen haday noqo shaqa abuurka, haday noqo adeegyo iyo waxyaalaha kale ee ay qabtaan.

Lacag abuur

Waxaynu lafa guri doonaa sadex xaaladood ooย  suur gal ah oo si kale duwan u saamayna xaalada sicirbarar ee ka taagan wadanka maanta inaga oo eegayna lacag abuurida Zaad iyo E- dahab.

  1. Waxaynu ka soo qaadaynaa labadan shirkadood inay yihiin meesha qudha ee dadku lacagta ay dhigtaan
  2. Waxaynu kale o aynu kasoo qaadaynaa labadan shirkadood inay yihiin meesha ay maraan is dhaafsi oo dhami- hadaan wax lagu leeyahay wixii aad bixinayo zaad iyo E- dahab ayaan ku bixinayaa, hadaan wax iibsanayo zaad iyo E- dahab yaan ku iibsanayaa, hadii wax la iga iibinayo zaad iyo E โ€“ dahab ayaan ku bixinayaa.

Xaalada koowaad: lacag abuuridani waxna udhimimayso xaalada sicir bararka waxna ka qabanmayso xaalada sicir bararka.

 

Hadiiย  dhigitskii la ina siiyeyย  kaashkii u dhigmayey yaalo khasnadaha labada shirkadood oo ay lacagtaasi siย  buuxda ay amaano u tahay wax saamayn ah kuma leh sicir bararka, laakin kaliya xaaladani la dagaalanka doolaraynta dhaqaalaha Somaliland ayey caqabad ku tahay, laakin doolar nooodh ka ah ee wadanka yaala waxba ku kordhinmayso oo sidiisa ayuu ahaanayaa, markaa lacag abuur dhicimaayo.

Xaalada labaad: lacag abuuridani way caawinaysa xaalada sicir bararka?

Hadii dhigitska la ina siiyey qayb ka mid ah kaashkii u dhignaa hadana uu suuqaย  soo galo iyada oo shirkadahani lacagtaas ku shaqaysanayaan ayna aaminsanyihiin lacagtani inay tahay dayn oo ayย  ka manaafacaadsan karaan hadii la waayana ay iyagu mag dhabayaaan. Markan oo kale lacag doolar ah ayey abuurayaan. Tusaale ahaan boqol doolar ayaad dhigatay shirkadahan waxay ku siiyeenย  boqol doolar oo dhigit ah, haday isla boqolkaa suuqa wax kaga iibsadaan waxaย  hada suuqa ku jira laba boqol o doolar mid dhigit ah iyo mid noodha. xaaladani way u fiicantahay sicir bararka maanta oo doolar yaraantii ayey si dadban dhibkeeda u yaraynaysaa maadaama ooย  ay doolarkii badinayso. Laakin wali waa sharci daro in lacag amaanaha ah lagu muraadsado.

Xaalada sadexaad: lacag abuuridani waxay sii xumanaysaa xaalada sicir bararka.

Hadii dhigitskii la ina siiyey qayb ka mid ah kaash kii u dhignaa ay labadan shirkadood dibada wax kaga soo iibsadaan iyagoo aaminsan inay tahay lacagta loo dhiibtay dayn. Tani aad bay xaalada jirta ee sicir bararka ugu xuntahay waayo waxay keenaysaa inuu doolarkii ย ka baxo wadanka markaana uu suuqyadeena ku yaraado doolarkii noodhka ahaa markaana sicir bararku sii xumaado.

Cida arimaha lacagta ku shaqada lihi waa inay xaqiijin karaan in lacagtaas amaanada ah ee ay hayaan labadan shirkadood ay hayso cid u dhaxaysa shirkadahan iyo cida wax dhigata.

Maxamuud Faarax Warsame- Dhaqaaleyahan – Boorama