Lacagtii meeday? (WQ: Cabdirisaaq Xasan Rakuub)

Tiro ahaan waxay ka koobnaayeen shan qof, labada waalid, inan iyo laba wiil, da’ ahaan sagaal bilood ayey kala roon yihiin saddexdoodu. Kooga ugu rooni hadda ayuu toban jirsaday. Waalidkood xirfadda qudha ee ay bareen ubadkaasi waa dawarsi. Maryo duug ah oo uskuga ayaa loogu labisa, si isha wax haysa ugu dabacdo.

Waalidkood waligood hadal naxariis leh kamay helin, dabacsanaan ha joogte. Markay si baxayaan waxa lagu sii canaanta, “hadda shalay waxa aad keenteen waad is ogaydeen.”  Markay soo galaanna inta laga tirsanayo waxay soo shaqeeyeen indhaha lama siiyo. Mar walba waa u canaan, waxay garan laa’yihiin goorta wax lagu farxo ay keeni donaan.

Inta badan curad ku-xigeenku wuxu is waydiiya sababta abbahood oo caafimad qabaa msaajidka iyo goobaha bulshadu joogto ugu diro si ay lacag u soo dawarsadaan. Se kuma dhaco inu su’aalaha waydiiyo aabbihii, sababta oo ah waayadan isagu lacagtii laga rabay ma keeno, walow uu garan laa’yahay lacagta laga rabaa inta ay xaddidan tahay.

Habeen ayey saddexdoodii jaanta isla soo heleen, xilli aan ahayn xilligay soo hoyan jireen ayaa ay socdaan oo waxa ay ku soo habsaameen fidyowga. Iyaga oo iftiinka iyo laamida weheshanaya ayaa ay ku soo bexeen wiilaal da’ ahaan iyaga ka rooni, kolkii ay sinnaadeen ayaa wiilashii daranyadooda eegeen, oo jeebka gacanta galiyeen.

Mid ka mid ah wiilashii ayaa inantii eegay, isaga oo la yaaban da’da ay jirto iyo xilliga ay suuqa dhex socoto. Kii yaraa labada walaalaha ah ayaa kii inantooda eegayey daymada ku gubay, kii waynaa ayaa koogi soo jeediyey innamadiina ka raali geliyey daymadiisa.

Xaafaddooda xagga looga leexda waa mugdi haddii isha farta lagaa gelinayo aanad waxba arkayn, waana laag tuugta hoy u ah, waanay ogyihiin walow aanay amintan oo kale soo marin. Waxa cabbaar ay sugeen cid dhaafisa. Hadday muddo taagnayeen waxa ay waayeen cid soo marta ayey kun calool adaygeen inay maraan.

Badhtanka kolkay dooxi ugu jiraan ayaa waxa ku soo baxay dhowr nin oo meesha cid soo marta u joogay, saddexdii ba cagaha ayey wax ka dayeen, nimankii ayaa inantii ku dhagay, markay arkeen in walaashood lala hadhay ayaa labadoodi ba halmar ay inay shiitamaan naf bideen. Bage, inantoodi ka ride nimankii.

Gurigii ayay orod ku galeen iyaga oo hiin-raagaya, aabbahood dudada guriga ayuu ku qayleyey, markay arkeen ayaa ay ku qayliyeen, “Alla aabbooy nimanka naga reeb, alla aabbo nimanka naga reeb.” Inta uu qoslay ayuu ku yidhi, “Lacagtii meeday?.”

 

Dhammaad

 

Tallo iyo tusaale ba waa xaggiina.

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub

Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Rakuub.wordpress.com