Liiska Argagaxisada ee reer galbeedka ma sabab amniga la xidhiidha ayaa lagu galaa, mise siyaasad?..W/Q:(KamaalMarjaan)

Nelson Mandella, waa halyeeygii madoobaa ee halganka qadhaadh la galay dawladdii midabtakoor ee dunida ugu xumayd casrigan, laakiin Maraykanku waxa uu u aqoonsanaa argagaxiso.

Takoor, bahdil, xadhig, khaarajin iyo xasuuq midab ku salaysan, ayaa dawladdii Caddaanka oo boqolkiiba 7 soogalayti u badan ka ahaa Koonfur Afrika, ay kula kacday madowgii asalka u lahaa dhulka.

Mandella halgankiisa waxa uu ku mutaystay 27 sanno oo ah xabsi iyo shaqo culus ah, waxaas oo dhan oo jira, haddana 1989 kii ayaa Maraykanku uu Mandella oo xabsiga ku jira u aqoonsaday argagaxiso.

1990 kii ayaa Mandella la soo daayey, afar sanno kaddib, 1994 kii waxa uu madaxweyne ka noqday dalkiisa uu ka xoreeyey nidaamka midab takoorka. Waxa aanu qaatay go’aan aanay duniduba filayn oo ahaa in la iska cafiyo wixii hore u dhacay, muwaadiniintu caddaan iyo madow xuquuq siman yeeshaan, si hore looga socdo dhibtii laga soo gudbay.

Waxaas oo dhami kama ay saarin liiskii argagaxisada, balse isaga oo madaxweyne dal awood badan ah ayaa uu weli ku sii jiray.

Mandella xilka madaxweynenimo waxa uu ka degey 1999, sagaal sanno kaddib oo ahayd 2008 ayaanu Maraykanku ka saaray liiska argagaxisada.