Loollanka U dhexeeya Warbaahinta Casriga ah (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Tobankii sanno ee ugu dambeeyey waxa ay suxufiyiinta adduunka ugu qadarinta badani ka doodayeen sidii ay warbaahintii asalka ahayd ay isaga dhicin karto warbaahinta casriga ah ee SOCIAL MEDIA. Waxa aragtiyo kala duwan laga qaaday dhawr suxufi oo qaarkood ay haatan shaqeeyaan, halka kuwa kalena ay hawlgab noqdeen oo talo la weydiiyey. Aragti-wadaaga waxa laga eegay dhawr dhinac oo ay ugu mihiimsan tahay sida loola tartami lahaa warbaahinta bulshada (Social Media) oo farabaas ku haysa warbaahintii adduunku ku xidhnaan jiray ee lahayd Wargayso, Tilifiishanno iyo Idaacado. Doodda ayaa badhi-taageeraysay aragtidii hore looga qabay in SOCIAL MEDIA uu xeradooda bi’in doona dhammaan warbaahintii ay dunidu hore ugu xidhnayd.

Waa miiska la soo saaray sida aan la isaga indhatiri Karin ee uu warkii adduunka ula wareegay FACEBOOK iyo TWITTER oo ku abtirsada Social Media. Suxufiyiinta qaarkood waxa ay doodda bulshada kula wadaageen sida ay wargaysyadoodu isaga dhiciyeen warbaahinta bulshada ee ay weli u haystaan kaalintii ay ku lahaayeen suuqyada iibka adduunka iyo sida ay dhulka ula dhaceen wargaysyaddii aan waxba iska weydiin is-beddelka hawliga ku socda ee adduunka ka socda. Kuwa aan la jaan qaadin tartanka socda waxa uu xaalkoodu ku soo ururay halhayskii ahaa ‘Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana’.

Ugu horrayn waxa mikarfoonka qaadatay suxufi Martin Baron oo ka mid ah tiirarka uu ku taagan yahay wargayska afka dheer ee WASHINGTON POST, hasayeeshee da’da hawlgabka galay sannadkii 2012. Wuxuu soo bandhigay siday ay ka wargays ahaan uga fal-celiyeen tartanka ay warbaahintii asalka ahayd ku hayso Social Media. Wuxuu sheegay inay dib-u-habeyn gun iyo baarba ah  ku sameeyeen laamaha wargayska, oo ay meesha ka saareen in la iska aamino inay bulshada adduunku iyaga ku xidhan tahay uun. Wuxuu yidhi waxaanu libinlaabnay suxufiyiintii wargayska ee adduunka ku kala sugnaa, si aanu u helno war aanay haynin Social Media. Waxaanu meesha ka saarnay in aanaan waxba ka qaadan wararka la inooga horreeyey ee ku jira Social Media. Waxa isna hadalka qaatay suxufi Alan Rusbridger oo reer Ingiriis ah horena tifaftiraha ugu sarreeya ka ahaa wargayska THE GUARDIAN, sidoo kalena ah ragga mus-dambeedka u ah wargayska, ayaa dhiniciisa soo bandhigay aragti aan aad uga fogeyn tan Baron. Waxaanu sheegay in wargayskoodu uu adeegsado Barnmaamij (Soft ware) lagu ogaanayo warka ku jira warbaahinta bulshada (Social Media) ee suuqyada ka horgalay ee aan mudnayn inay mar labaad baahiyaan.

Ka dibna waxaanu suxufiyiintayada u dirnaa war aan ahayn ka ku jira Social Media, si aanu u haysano indhaha iyo dhegaha akhristayaasha. Wuxuu soo bandhigay sida aan wakhti xaadirkan loogu baahnayn in wararka iyo warbixinaha aan looga dhigin kuwa dhaadheer sidii toban sanno ka hor ay ahayd. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in sida keliya ee lagula tartami karo SOCIAL MEDIA ay tahay in loola dhaqmo siday u dhaqmayaan oo ah wixii ummadda loo baahinaayo laga dhigo ‘Short and Sharp’, waa laga tegay wakhtigii dadku ay ku khasbanayeen inay sugaan warka wargayska ee soo gucleynaya.

Daniel Okrent oo ka mid ah suxufiyiinta aan dabadood la hadal marka loo yimaado wargaysa saameynta badan ee NEW YORK TIMES ayaa aragtidiisa ku bilaabay sida uu Social Media bulshadii ula wareegay ee ummaddii u dareersaday. Waxaanu hoosta ka xariiqay in dadkii loo soo dhexmaray Tilifoonadda gacanta (Smart phone), oo wararkii oo la soo rifay iyo sawirradii laga haqabtiray. Wuxuu sheegay inay Social Media ay geliyaan wararka oo kooban, isaga oo faahfaahsana ay ku qoraan wargayska, si aanay farahooda uga bixin akhristayaashii wargaysku. Wuxuu sheegay in dagaalkii ugu horreeyey ee uu Social Media ku soo qaado wargaysyada uu ka faramaroojiyey dhammaan xayeysiisyadii ay ku noolaayeen. Dunida  maanta xayeysiiskii wuxuu galay gacanta Social Media. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in wargaysyadu ay albaabada laaban doonaan haddii aanay ku baraarugsanaan khatarta kaga soo fool leh Social Media, oo ay suurtagal tahay in suuqyada adduunka laga cidhibtiro.

Wargaysyadii Soomaalidu Halkay Taagan yihiin?

Waxa aanu shaki ku jirin in wargaysyada Soomaalidu aanay la socon tartanka xawliga ku socda ee adduunka ka taagan. Dhammaan wargaysyada ka soo baxa Hargaysa waxaad aroor kasta ku arkaysa wararkii xalay ama shalay ay qorayeen Social Media oo aan biyo is-marin. Shaki kuma jiro inuu iibkoodi hoos u dhacay waayo tartankii ayey dib uga dhaceen. Haddii ay soo qoraan war ka baxsan kan Social Media-ha ku jiray xalay ama shalay shaki kuma jiro inay suuq iib heli lahaayeen. Waxa ay u baahan yihiin inay shaqaalaysiistaan suxufiyiin badan oo u soo dira warar aan ahayn kuwan ku jira Social Media. Haddii ay sidan ku socdaan beri dhaw way is-waayi doonaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com