Qormadeenan la magac baxday “Ma caalim mise Cilmaani ” waxaynu kusoo qaadan doonaa arimo baryahan danbe ku soo badanaya bulshada ku hadasha afka Soomaaliga dhexdeeda, arrintani ayaa ahayd mid markii hore naadir ku ahayd bulshada Soommaalida dhexdeeda balse haatan soo if –baxday oo mudh ka soo dhex tidhi in badan oo qarsanaysay.
Maahana markii koowaad amaba labaad ee arrin noocan oo kale ahi ay dhacdo laakiin se marar badan oo hore ayay arrintani dhacday waxaana sabab u ah wax kale ma ahee waa niman reer galbeed ah oo raba dadka in ay Diinta iyo wada saxda ah ee Islaamku u jideeyay ka leexiyaan oo ay marin habaab ku ridaan, sunnaha nebigana suubanna (n.n.k..h) isna ka leexiyaan.
Arrintu iyadoo saasa ayaa waxay bilaabeen in ay adeegsadaan qayb ka mida dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan waddamada dibedda kuwaas oo aan odhan karno waa calooshooda u shaqeystayaal aan Diinta iyo dadka mid toonna waxba ugu filneyn Allihii abuurtayna aan ka xishoonayn.
Haddaba yaanan hadalka waxba ku sii dheeraanine aan dulucda qoraalkayga hoos ugu daadego waxa jira niman yaryaroo Diinta la qalad fahansiiyey oo maskaxdana laga badashoo lagu yidhi dadka inta Diinta aan aqoon badan u lahayn, dhallinyarta yaryar ee dhanxiirka u badan, dadka aqoon-laaweyaasha ah ee lacag raaca ah iyo weliba ku caamada ah soo ururiya oo Diinta iyo aayadka iyo weliba axaadiista u qalad fasira, Diinta iyo noloshana u kala qaada oo laba shay oo kala gaara oon shaqo isku lahayn uga dhiga ilayn waxaynu ognahay in Diintu nolosheena tahay, nolosheenuna Diinta ay ku dhisan tahay waxay ina fartayna aan qaadano wixii ay inaga reebtayna ka tagno e.
Taasina waxay sababtay in aayaadkii Qur’aanka ahaa laga been sheego, axaadiistana la qalad fasiro , Nebigeenii suubanaana wax laga sheego am qaar ay af-lagaado u geystaan ba, keliya intaa uun mahee xitaa Diintii ayay arragti ku saleeyeen oo kolba waxaan jirin ay ku soo darayaan Illaahayna wuxuu kitaabkiisa ku yidhi:
” أولئك الذين كفروا وكذبوا بآياتنا – أولئك هم أصحاب النار|”
Oo macnaheedu yahay:
“Kuwa Gaaloobay ee beeniyey Aayaadkayaga – kuwaasi waa asaxaabu naar.”
Inaga oo wali taa ku sii jirna ayaa mar kale waxa uu Illaahay kitaabkiisa Qur’aanka ah ku sheeg in Diintiisu ay dhammaystiran tahay oo wax danbe oo lagu daro amaba ibni-aadam xaga danbe kagasoo daro u baahnayn waatan aayada cadaynaysaa:
“……نِعْمَتِي عَلَيْكُمْ وَأَتْمَمْتُ دِينَكُمْ لَكُمْ أَكْمَلْتُ الْيَوْمَ”
wallow ay aayadu sii socoto hadana intaa ayaynu kasoo qaadanaynaaye su’aashu hadaba waxay tahay akhiste.
- Ninka falalka noocna samaynayaa haddaba ma caalimbaa aqoon leh mise waa cilmaani dadka luminaya oo bohol ku ridaya?
Qalinkii:Cabdimajiid Iid Aaden (Dhimbiil)