Ma doonaysaa in aad qof Soomaali ah alaab ka qariso? Buug dhex dhig.

Nin magaciisa la yidhaa Qoraa Ismaaciil Cabdillaahi Ubax ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook-ga ku soo bandhigay sawir aad u qosol badan, wuxuna ku dul qoray “Ma doonaysaa in aad qof Soomaali ah alaab ka qariso? Buug dhex dhig.”

Sida muuqata, Qoraa Ismaaciil xikmadda uu uga jeedo sawirkani waa in qofka Soomaaliga ah iyo buuggu aanay isku fiicnayn oo xiisaha ay Soomaalidu akhriska u qabtaa uu yaryahay.

Buug dhex dhig

Cilmi-baadhayaal wakhtiyo hore Soomaalida daaradeeyey ayaa ku tilmaantay in ay yihiin bulsho afka uun ka hadasha “oral society” laakiin inta ay qoraan yar tahay.

Waa dhab sida uu muujinayo sawirka Ismaaciil in wax badani inagaga qarsoon yihiin bugaagta aynu jaldiyadooda kala furi waynay.

By: Ina Siciid

bandhige@gmail.com