Ma Gahayr oo kale!….W/Q:(Sheekh Rakuub)

Siciid Maxamuud Gahayr wuxuu ahaa shakhsi ka tilmaaman asaaggii. Wuxu lahaa sifooyin badan oo ay adag tahay in qof meel isugu keeno. Siciid mar qoraa ayuu ahaa qallinkiisu cuddoonaa, mawaadiic kala geddisanna ka hadla: mar suugaanta ayuu wax ka qori jiray, marna si farshaxannimo leh ayuu sooyaal qofeed u tebin jiray.

Intaasi waa hibadiisii qoraal ee wuxu lahaa sifo bani’aadannimo dhammaystiran: waa Siciidkii diranaha ahaa ee qof dhibaataysan caawinayey, carroogga u ahaa qofkaan codkiisa la maqlayn, maddaalaha ahaa ee isagoo irbad ku socda hawl kasta isku xilqaamayey ee qallinkiisa ku soo bandhigayey. Mar kale waxa xusid mudan Siciid oo bare arday badan soosaaray in aynu diiwaankiisa ka xusno. Saaka wuxu waaguu baryey geerida xanuun ka badan ee adeegihi bulsho ee Hargaysaawiga ahaa oo magaaladiisii weyday iyo dhammaan Soomaalidii dulmiga necbayd. Ilaahow jannee oo marti la jecelyahay ka dhig. Abti godku kuu jannoo.

 

 

Qore :Cabdirisaaq xasan rakuub

Bandhige@gmail.com