Ma jaamacadaa mise waa dukaamo waddamada jaarka loogu magacdaro (W.Q: Cabdi Caawiye)

Yaab iyo amakaag wali ma aragteen arday fasalka 7aad ah oo hadana jaamacad dhameeyey! Waa aa waxbarashadeenii haddii aynu u dambamqanayno dalkeen!.

Waa maxay jaamacaddi?

Waa su’aal aan wali laysba weydiinin shacab iyo da’yarta dalka ku hadhayba.

Jaamacaddi waa aqoon sare oo gaadhsiisan fasalka 12aad wixii ka sareeya,  mana aha mid lagu galo dhayal iyo westayn, mana aha mid lagu gali karo aqoon ka hoosaysa fasalka 12aad. Haddaba iyadoo sidaasi ah, bal aynu soo qaadano jaamcaddo ku sheega loogu magac-daray collegeyo ku yaala waddamo dariskeena siiba Itoobiya iyo Kiiniya.

Waxaan la yaabay arrimo badan oo dhinaca waxbarashada iyo hab-dhaqanka jaamacaddo ku sheega dalalka dariska laga soo waaridey waxaana ka mid ah arrimahan kula yaabay:

Iyadoon ardeyga loo eegin heerkiisa wax-barasho

Iyadoo macalimiin ay ka yihiin niman Ethiopian ama Swahili ah oo aan iyaguba dugsi sare dhamaysanin

Waqtiga wax la baranaayo oo kaba yar 2 saacadood.

Ardey aan xitaa magaciisa luqada Ingiriiska ku qori kereyn oo haddana ku odhanaaya jaamacad heblaayo ayaan dhigtaa.

Run ahaantii haddii aad dadkeena eegto qofkasta oo Af-qalaad ku hadla waynu jecel nahay waxaynu moodnaa in uu aqoonyahan tegey yahay.

Abwaan Cali Sugulle Alle Naxariistii jano ha ka waraabiye wuxuu yidhi:

 “Af qalaad aqoontu miyaa?

 Maya, Maya!                                        

 Maahee af qalaad, aqoontu miyaa?

 Maya, maya!

 Mahee, waa intuu qofba Eebbe gashaa

 Ayey nala tahay anagee, ma ogtahay

 Dib looma abuuro dadkee..

Sideedaba aqoontu maaha Af-qalaad oo lagu hadlo ama nin isaguba waddankiisii wax aqoona ku dhex joogi keri waayey oo ogaaday in Soomaalida bariiska lagaga cuni karo luqada uu u dhashay ee Itoobiyaanka ama Sawaaxiliga ah.

Wasaaradeena waxbarashaduna ma jecla qof reer Somaliland ah oo karti leh in uu jaamacad ka furto Somaliland.

Waxay ka doorbidaan kuwa carruurteena beenta iyo shahaado aan jirin kaga cunaaya lacago fara badan ee hadana aan aqoon baray ee ardeyga fasalka 7aad in oo fadhiisanaaya jaamacada.

Jaamacaddaha Itoobiyaanka ha la inaga qabto waa kuwa waddankeenii qishka iyo fadhatada waxbarashada geliyey, waxaana ka mid ah Jaamacadda Admas University, Alpha University, Addis Ababa University iyo New Generation University.

Dhammaan jaamacaddahan ajaanibka ah waxa ka mudan kuwa muwaadiniintu furanayaan, waayo iyagaa mustaqbalka waddanka iyo dhallintaba ka talinaaya.

Qalinkii:  Cabdi Caawiye