Ma la cuntay jidiin wali? Q1aad (WQ: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf “Zaciimka”)

 

Gacanteeda bidix ayey naaska hoosteeda ku haysay, gacanteeda midigna mararka qaar ayey ku yara taageeraysay, isna dulsaaraysay, labadeeda curcur iyada oo aad moodo in ay ku yara xajinayso. si goob damqanaysa oo kale, lana illaalinaayo, gacantana laga dhawrayo Aax! Aax! si taxadir leh ayey u socotay burarka, godadka, dhagxaanta iyo goobkastoo hantaaqo ah waa iska dhawraysay, sidii ruux da’ah, nabar kama muuqan, hase yeeshee waa dareemaysay in ay qalbiga uu qalan yahay.

Qoon amma nabar damqasho badan in uu kuyaal waad dareemaysay, sidii ruux lagu yidhi: “malihid daa’wo iyo bogsiin daa’ma”, indheheeda waxaad ka dheehanaysay in ay ka timid dhakhtarkii waynaa ee caanka ahaa ee Bukaan jacayl, Kaas oo sheedaal dheer ka muuqanayey.

Bukaan jacayl waa goob lagu baxnaansho, noocyada bukaanada. bukaan socdka iyo bukaan jiifka, iyadu waa bujaan socod, bukaan jiifka iyaga Caabuqa nabarada gunaad ka leh ee ay ka bogsan waayaan ee kolba ku soo laba kwcleeya ayaa lagu dhayaa.

Xanuunka ay u liidato caabuq iyo barar toona malahan, sidoo kale maahan mid ay ka bogsan karto.laakiin damqashadu waa mid dareen, waxaa dareemi kara uun ruux mar uun la noolaa noloshaa, dhakhaatiirta goobta joogtaa ee wax dawaysaa waa bukaano hadda uun ka soo kabanaya dhibta iyo xanuunka jacayl. Waxa ay wax ku daaweeyaan maaha irbado iyo daawooyin dhakhaatiiri soo qortay waa khibradihii ay nolosh iyo jacaylkii Qadhaadha xanuunkiisa heleen khibradiisii ayuu midba meel kaga yahay Khabiir aan lwgaga daba dhigan taladiisa guunka ah ee dharyarnimo jacayl.

Marka qaar faraxti ayey ku nooshahay aan daa’im ahayn, mararka qaar naxdin joogto ah, marka qaar warwar xad dhaaf ah, mararka qaar ididiilo nafeed oo aan mijo bira ku taagnayn, mararka qaar rejo aan rumoobayn iyo baqdin joogto ah.in ay waydo waxay rabto, niyadda ayey iska tidhaa: “Armuu iga doorsadaayoo dawaafaa meelo kale.

Waa ruux buka hadana fayaw oo hadana caafimaad qaba, socodkeedu waa dhaqaaq-joogsi, hugeeda saaran oogadeeda jidheed marka aad gurada ka eegto halka ku aadan wadnaheeda garaaca wadnaha ayuu kor u soo qaadayaa marada iyo shayga ay xidhan tahay xadiga xooga garaaca wadnaha. waxaabad moodaa in dabayl xoogani dhaqajinayso, hase ahaatee maaha waa qaraaca wadnaheeda.

Habeenka kulanku waxa uu ugu astaysanyahay todobaadkii hal habeen waa habeenka Axadda, ee maalinimada Sabtidu dhamaato Axadduna soo galayso.

Maalinta oo dhan si gaar ah ayey niyadda ugu haysaa, booqashada, hawlaheeda gaarka ah way ka ilaalisaa, si ayan uga baaqan habeenkaa wayn, way taqaannaa meesha ay ku kulmaan, goobta ay fadhiistaan, cuntada fudud ee ay cunaan, udugga uu soo marsado ayey ka taqaan kun cadar hadii lagu soo dhex darrro carafkiisa, qaab labiskiisa iyo dharkiisa ayey midhmidh u taqaan, xataa jaqaf jaqafta socodkiisa ayey la qabatintay marka uu ku soo socdo meesha ay fadhido, cunada urteeda marka ay meelahaa kula kulanto ayey u muhataa oo xasuusataa goobtii dareenka iyo kalgacalka.

Inanka mudalbka ah magaciisa oo afran ayey taqaan, xiliga kulanka mirir kama habsaaanto, kursiga maalintii ugu horaysay ee ay hudheelka ku kulmeen ku aan ahayn ma fadhiisato, mooji wax ku ijbaarinya, toloow ma jinbaa? bal adba!! isna sidoo kale kam dib dhaco xiliga kulanka huduu kun shir iyo jawlood leeyahay kama maqnaan karo, cadceeddu marka ay wareegto ee saacadiba saacad ay sii daba marto aminta balanka ku soo dhawaado shabax dhabadka garaaca wadnaheeda ayaa sii siyaada, garaaca saayidka ah ee wadnaha, waxaa weheliya faraxti iyo hamuun saayid ah.

Maalintii dhawr goor haddii uu la soo hadli waayo, culays iyo diiq badan oo nafsi ayey dareentaa, maalin maalinta shaqadu ku badantahay ee uu Mobile ka xidho amma uu qaban waayo waa maalinta ay ugu daran tahay, maalintaas oo kale waxa Ifka joogo waxay ugu necebtahay in ay dhagaheegu maqlaan “lambarka aad garaacday wuu xidhan yahay” amma “lambarka aad garaacday lama qabanayo” ax!! ax!! noloshu diiq badnaa, inta ay kala hadlayso sal dhul ma saarto maalintaas oo dhan illaa ay codkiisa maqasho, hadalka dadka kale ayaa dhiba, hadalka badan ee uu ruux la wadaago ayay karaahiyaysataa.

Maalinta ay Wada hadli waayaan iyada waxa u gasiin ah oo ay qalbigeeda ku cushaa heesaha halaasiga ah una badan jacaylka, gaar ahaan iyada ayaa taqaan beesha balbalaysee heesiba heesta iyada khusaysa ayey hablaha iyo kolba ciddii ka og dhaw ku boodaa oo tidhaa: ” Naa heestaa noodaa” iyaguna waa dareemaan in ay qoomo bogsan la’ ki dhayanayso.

labxada qabaw iyo damqasho yar oo aan nabur iyo caabuq midna la’hayn ayey ka dareentaa haba u sii badnaato babasho iyo big! big! big yar, mararka qaar ayey u qaadataa in xanuun riixiyii hayo, Ma xanuusato inta ay niyada ku hayso xabiibkeeda, mararka aanay muddo is arag ayey dhaktarka ama cilaajka tagtaa iyada oo moodaysa in qaab xanuun ah loo hayo, cuntada iyo Oomatiba way yaraysatay hadal isaga hadalkiiba daa! marka ay dhalshaw waa dayawga jacaylka shaw, mobile haday ku hadlayso, haday Aabbeheed iyo hooyadeed la joogto, mararka qaar ayey si kama’a ugu dhawaaqdaa magaca xabiibkeeda haq!! waa naxdaa tolow malugu maqlayey ayey todhaa ?, kow maaha, oo laba maaha, inta ay isku aragtay arinkan.

 

La soco