Ma ninkii aan lahaa dayrta u guuri ayaa qodanaya like ! (W.Q. Caydaruus Cismaan Maxamed)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Waddani waxaa ka soo yeedhay hadal ka cadhaysiiyey taageerayaal ku soo biiri lahaa xisbigiisa kadib markii uu ku tiiraabay hadal aad loola yaabay isla markaana uu sheegay in uu yahay ninka kaliya ee la hubo in doorashadan soo socota la dooran doono.

Intaas waxa dheeraa qiiro iyo faan bilaash ah oo uu ku sheegtay in uu ka dhashay beesha ugu badan beelaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay degta gobollada Somaliland oo dhan isla markaana isaga ay ku filantay beeshiisa oo kali ah sidaas daraadeedna aanu uba baahnayn in uu isku mashquuliyo taageero uu ka raadsado dad kale. Guddoomiyuhu wuxu sheegay in uu doonayo oo kaliya in uu dadka kale ee ku soo biiraya qanciyo.

Hadalkan waxa si hoos ahaan ah loogaga duubay moobayl, waxaana ka cadhooday taageerayaashii ku soo biiri lahaa iyagoo qaar ka mid ahina ku gacan-saydheen lacago uu doonayey in uu siiyo.

Taageereyaashaasi waxa ay sheegeen in ay markii hore doonayeen in ay heshiis la galaan Guddoomiye Cirro laakiin markii ay ogaadeen hadallada ka soo baxay iyo fikradda uu aaminsan yahay ee ah in uu yahay hanti qabiil dadkana lacag ku kaxaysan karo way ka noqdeen go’aankoodii, waxayna u sheegeen in aanay ahayn dad lagu kaxaysan karo lacag.Waxan hadalkayga ku soo afmeerayaa “ma ninkii aan lahaa dayrta u guuri ayaa like qodanaya.”

Allaa Mahad leh

Sh. Caydaruus Cismaan Maxamed
Boorama

taxliilbarooma@gmail.com