Ma Ogsajiin la’aan ba loo dhimanayaa mise neefsasho caawiye la’aan? (WQ: Mohamed A. Sheikh)

Ma Hawo (oxygen ) la’aan ba loo dhimanaya mise neefsasho caawiye (ventilator mechine)  la’aan?

Sidan la wada socono dhawanahan Corona virus epidemics (xanuunku aduunka ku faafay)  ku jiro, waxa soo badanaya dad badan oo u dhimanaya riiqda ama dhibato uu viruskaasi keenay.

 

Wxa ugu badan ee dadka corona virus qaba u dhimanaya wa acute respiratory distress syndrome(ARDs )oo ah neef qabatow, cilmi baadhis lagu sameyey China Wuhan oo u qorey journal “THE LANCETt” dadka xaaladodu culustahay neeftuna qabato 71% waxay u baahden ventilator machine.

 

Hadaba waa maxay neef caawiye (ventilator mechine)? Muxu qabta?

 

Ventilator machine wa aalad u saamaxaysa qofku samababadisu naqasku qaadan karin soona celin karin inu caawiyo oxygena siiyo carbon dioxide na kaso saaro.

 

Waa machine leh saacad ku sheegaysa xadiga, qulqulka neefsashada qofka.

 

Hadaba waxa dhacay intan Corona virus uu dunidi ku faafay in uu yarado helista ama iibsiga ventilator mechine ku. sida ay sheegtay health-management organisation dhibka ugu wayn wxu noqdey ventilators la’aan. Riix linkigan si ad uga bogato

 

https://healthmanagement.org/c/icu/news/allocating-ventilators-in-a-pandemic

 

United state

2006 dii madaxwayne George w. Bush iyo Biomedical Advanced Research and Development Authority (BARDA) wxy xaqiiqsaden inu dalka maraykan ka so gaadhi doono xanun sanbabada ku dhaca caalamkana wada gaadhi kara sida darted loo baahan yahay ventilators.

 

Waxa 3 million ku guuleystey company la idha ‘Newport medical instruments’  Lkn may suurto galin in shaqadaa bilaaban  contract kina 2012 aya laga noqdey kharashki ku baxayey oo aad u batey awgii.

 

Isla sanadkas waxay BRDA heshiis kale la gashay company kale oo la idha Philips isla 2019 horantisi wxa approve gareyey US food and drug administration (FDA) 10,000 oo ventilators ba waxa loso saarey sanadkan 2020 warbaxinta wxa ciwaan looga dhigay ”The U.S. Tried to Build a New Fleet of Ventilators. The Mission Failed” (New York Times)

 

United Kingdom 🇬🇧

Si loo garab istaago haayadaha caafimadka wuxu wadanka ingrisku kaashaday isugu teedhey warshadahi technologyga, engineero , warshadahi baaburta , warshadahi qalabka caafimadka waxaynu sameyey “ventilator challenge uk consortium “ wxa kamid aha Rolls Royce, BAE Systems, Airbus, Siemens, and GKN Aerospace, waxay soo saaren oo ku caawiyan haayadaha caafimadka 10,000 oo ventilators ah.

 

https://www.autodesk.com/redshift/ventilator-production/

 

Italy 🇮🇹

Shirkadaha soo saara gawadhida ugu qaalisan, raaxo badan ee Ferrari, Lamborghini wxy bilaaben inay sameyan ventilators si ay gurmadka caafimad uga qayb qaatan waxanay wax wayn ka gaysten baahidi ventilator la’aaned

 

https://europe.autonews.com/automakers/ferrari-and-fiat-look-helping-italy-make-ventilators-virus-crisis

 

Markad eegto baahida Loo qabo ventilator sida wadamadi soo saareyey u joojiyen in la dhoofiyo la iibiyo waxay ku tuseysaa in machine kaasi yahay kan ugu wanagsan qofkana caawin kara inta lagu xidhi laaha ‘Nasal oxygen’

 

hadaba waxan uga socda qofku oxygen kaliya wax ma u tareysa marku yeesho Acute respiratory distress u keenay covid19?

 

si aad uga jawabi karto aynu isla fahamno sidu u shaqeeyo habdhiska neefsashada qofka caafimadka qaba;

 

marku  qofku qaato hawada waxay maraysa sanka waxay uga sii daadagaysa hunguriga cad (trachea or windpipe) , hunguriga cad waxa uu u kala qaybsamaya laba dhuumod(main bronchi) taga sambabka midig iyo ka bidix, main bronchi markay so galaan sanbabada waxay u sii kala baxaan dhuumo yar yar oo la idhaa(bronchioles) dhamadka dhuumaha yar yar waxay leeyahin sacs ama walxo qaabka biibiilaha oo kale ah oo hawadu gasho oxygenta halka gasha waxa nuuga unugyada dhiiga ugu yar yar ee tiftaaf(capillaries) dhiigana raaciya Carbon diaxode kana so celiya.waxana habka loo yaqaan isu badalka hawada (Gas exchange )

 

haddaba haddi ay timaad neefsashada oo ad u xumaata  (severe respiratory problems) waxa timada in gas Exchange kii qaldamo oxygen level kii hoos u dhaco carbon diaxode level kiina kor u kaco taaso keenaysa in dhaawac gaadho maskaxda iyo wadnaha oo oxygen u baahna. haddaba xaaladas severe ARD uu jiro qofku uma baahna oxygen kaliya lakin waxu u baahan yahay mechine u saxi kara Gas exchange ka lagula socon karo xadiga qul qulka iyo pressure kaba hawada.

NB. ma lahi oxygen mashinku ma wacna ama looma dhimanayo lakin waxan xoojinaya faa’iidada u leeyahay ventilators ku. in dadka oxygen haysta u dhiman doonan bilaa ventilators dhacdayna dhici doonta. inta qof ee ku dhimatey Hargeisa Group hospital iyo @Atu-Daryeel Hospital oxygen ku filan way hayten

wa bilaahi tawfiiq.