Ma ogtahay in Madaxweynayaashii & M/ kuxigeenadii JSL (WQ: Xuseen Badhaani)

Ma og tahay in:

1. AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali & Axmed Silaanyo: labada Madaxweyne oo noqday Gudoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha JSL.

2. AHN Maxamed X. I. Cigaal: Madaxweynaha kaliya ee labba Madaxweyne Ku-xigeen yeeshay (Cabdiraxman Awcali & Daahir Rayaale).

3. Daahir Rayaale Kaahin: Madaxweynaha kaliya ee qabtay xillalka Madaxweyne & Madaxweyne Kuxigeen ba ee JSL.

4. Daahir Rayaale, Axmed Silaanyo & Muuse Biixi: seddexda Madaxweyne ee JSL, kuwaas oo ku yimid doorashada dadweyne oo ku dhisan hanaanka hal-qof iyo hal-cod.

5. Xasan Ciise, Cabdiraxmaan Awcali, Rayaale, Axmed Y. Yaasiin & Saylici: shantii Madaxweyne Kuxigeen ee JSL soo maray dhawaantood ay nool yihiin.

6. Daahir Rayaale Kaahin: Madaxweynaha kaliya ee qabtay xilka Madaxweyne JSL ee aan ISAAQ ahayn.

7. Daahir Rayaale & Muuse Biixi Cabdi: labada Madaxweyne JSL ee Askar ah (Sirdoon & Military)

8. Cadiraxmaan Awcali & Xasan Ciise – Labada Madaxweyne Kuxigeen ee SNM ah.

9. Axmed Yuusuf Yasiin – Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee Xidhibaan baarlamaan soo noqday.

10. Axmed M. Silaanyo – Madaxweynaha kaliya ee Xildhibaan baarlamaan ka soo qabtay JSL.

11. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici – Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee laba Madaxweyne lala doortay (Silaanyo & Muuse).

12. Axmed Silaanyo & Muuse Biixi: labada Madaxweyne ee xil Wasiirnimo ka soo qabtay JSL

13. Cabdiraxmaan Awcali: Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee xil Wasiirnimo ka soo qabtay JSL.

14. Daahir Rayaale Kaahin – Madaxweyne 1aad ee lagu doortay doorasho cod dadweyne ah.

16. Xasan Ciise Jaamac – Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee soon noqday Gudoomiye Kuxigeenka SNM.

17. AHN Cabdiraxmaan A. Cali & Xasan Ciise: Madaxweynaha & Kuxigeenka kaliya ee aan lagula tartamin xilka Madaxweynanimo markii u horaysay (May 1991)

18. Cabdiraxmaan Saylici – Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee soo noqday Xildhibaan Gollaha Deegaan ee JSL.

19. Daahir Rayaale Kaahin & Axmed Silaanyo: labada Madaxweyne ee laba doorasho oo dimuqraadi cod dadweyne ah tartamay ( Mid guulaystay midna laba guulaystay)

20. Cabdiraxmaan Awcali: Madaxweyne Kuxigeenka kaliya ee mar wada qabtay Xil Madaxweyne Kuxigeenka iyo Ku Wasiirnimo.

21. AHN Maxamed I. Cigaal – Madaxweynaha kaliya JSL ee laba jeer la doortay. (1993 & 1997).

22. Muuse Biixi: Madaxweynaha kaliya ee halay coddadkii ugu badnaa ee Madaxweyne Ku guulaysto doorasho cod shacab ah (55% Cododka Guud)

22. AHN Cabdiraxmaan A. Cali: Madaxweynaha kaliya ee muddo-kordhin loo samayn, muddoxileed kaliyana Madaxweyne noqday.

23. Axmed Silaanyo: Madaxweynihii 4aad ee JSL iyo Gudoomiyihii 4aad ee SNM.

24. Daahir Rayaale: Madaxweyne kaliya ee soo galay laba seddex doorasho oo kala duwan (Doorasho Shir beeleed & labo doorasho Dimuqraadi iyo cod dadweyne ah).

25. Cabdiraxmaan A. Cali & Daahir Rayaale: labada Madaxweyne ee iyaga oo xilka haya doorashada lagaga guulaystay, so fiicana u hambalyeeyey.

26. Axmed Silaanyo & Muuse Biixi: Laba Madaxweyne ee noqday Gudoomiyeyaasha Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha JSL oo isku xiga.

27. AHN Cigaal & Rayaale: labada Madaxweyne ee noqday Gudoomiyeyaasha Xisbigii UDUB iyo Madaxweyneyaasha JSL oo isku xiga

Akhriste adiguna maxaad Ku daraysaa falaqaytan iyo is-barbardhigan aab qalin-daraaleeyey?