Ma Shir Garxajis Ayuu Ahaa Mise Shir Waddani? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Beesha Garxajis xaq bay u leedahay inay shirto sidii ay beelaha kale u shireen, hasayeeshee marka la eego qoddobada shirka ka soo baxay, qaarkood ayaa calaamad suโ€™aal weyni saartan tahay. Waxaana meesha soo galaysa in shakigii hore shirka looga qabay ee ahaa inay majaraha u hayaan koox odayaal ah oo xisbiga Waddani ka shidaal qaato.

= Qoddobka koowaad ee shirka ka soo baxay waa mid caam ah oo inta badan beelihii shirarka qabsan jirtay ay xagga hore soo dhigi jireen. Waana qoddob mudan in la bogaadiyo. Hasayeeshee qoddobadda 2-aad, 3-aad, 4-aad iyo 6-aad dhammaantood waa luuqaddii ay hore ugu hadli jireen xisbiga Waddani, mana aha wax cusub. Markaad eegto qoddobadaasi afarta ah waxa kuu soo baxaya inay shirka saameyn weyn ku lahaayeen odayaashii musdambeedka u ahaa xisbiga Waddani.

= 7 qoddob ee shirka ka soo baxay markaad eegto oo afar qoddob ay yihiin afkaartii xisbiga Waddani waxa ku soo baxaysa qiimeyn odhanaysa in shirku ahaa shir Waddani oo magaca shirka beesha Garxajis la huwiyey.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com