Ma xal baa in COVID-19 dartii xuduudaha Somaliland loo xidho? (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Dood ayaa odhaneysa haddii Ethiopian Airline la joojin lahaa COVID-19 ma soo galeen Somaliland, ama haddii haddaba la joojiyo si weyn ayaa loo ga nabad gali doonaa cudurkan. Dood kale oo taa xoojinaysa ayaa iyana ku dacwiyeysa in bad, bari iyo cirba la xidho muddada COVID-19 uu dunida galalafayo. Dooddaasi ma saxan tahay, mase tahay mid lugo adag ku taagan oo garowshiyaheeda leh?

 

Doodaha noocan oo kale ah, ka hor inta aan la is waajihin waxa ay u baahan yihiin saddex shay; deganaanshiyo, caadifad la’aan iyo xog helis. Waa sidaa sida ay jawaab sax ahi ku soo bixi kartaa (synthesis). Doodda labo shay ayaa dila’ cadho iyo caadifad wada socda. Labadaa aan ka ilaalinno dooddeenna.

 

Aan ku noqonno jawaabaha su’aalahan labada ah; Waa su’aasha hore e, haddii Ethiopian Airline la joojin lahaa COVID-19 isna ma la joojin lahaa? Jawaabta hore aniga waa i ga sidan;

 

Somaliland waxa ay xad dhulka ah la wadaagtaa saddex waddan oo saddexdaba cudurku ku jiro (Ethiopia, Djibouti & Somalia). Dalka ay dooddu ka taagan yahay waa dalka ay diyaaraddiisu innoo timaaddo ee ganacsiga ugu weyni innaga dhexeeyo. Dalkan waa Ethiopia e, waxa aynnu wadaagnaa xad dhererkiisu dhan 748 km. Waa xaduud aad u dheer, isla markaana 98% furan. Xadkaasi waa Itoobiya, waana isla xadka aan rabo in dooddayda cagaha dhulka ugu joojiyo.

 

Ka soo qaad in aan diyaaradda joojinnay oo aynnu Soomaaliya amarkeeda raacnay siyaasad ahaan na la innoo ga adkaaday innaga oo eegayna khatarta cudurka. Marka xaal sidaa yahay COVID-19 ma ka guuleysan karaynay? Jawaabtu waa maya kama aynaan guuleysan karayn COVID-19. Waa marka hore e, dadka reer Somaliland ee ka imanaya Yurub, Maraykan iyo qaybo Aasiya ka mid ah la ma joojin karo.

 

Waayo ma jiro ma na dhici karto in qof muwaaddin ah dalkiisa la ga hor istaago. Dhammaan 200 ee dal ee adduunka muwaaddiniintoodu waxa ay ku soo qulqulayaan waddamadooda iyaga oo ka kala imanaya daafaha adduunka. Waxa keliya ee la gu sameyn karaa waa karantimayn 14 cisho ah. Waa marka labaad, haddii diyaaradda Ethiopian Airline la ga joojiyo madaarka Cigaal, waxa u furan oo ay ka soo degi kartaa Jigjiga oo xuduuddeenna u jirta 69 km iyada oo sida muwaaddiniinta reer Somaliland ah.

 

Muwaaddiniintaas Jigjiga ka soo degay waxa u furan xad dhan 748 km oo meel walba ah. Iyaga oo aan cidna cabbirin xumaddooda, karintimada 14 cisho ah ee Hargeysa taalna ka baaqsaday ayey dalka xuduudaha furan ka soo gali karaan. Tusaale ahaan, Burco dhanka Buuhoodle ayey ka soo gali karaan, Boorama aagga Awbarre, Hargeysa xadka ugu dheer ayaa u furan.

 

Marka ay sidaa tahay iyama ayaa khasaare yar in diyaaraddu ay Hargeysa timaaddo si ay  karantimada 14 cisho ahi u shaqayso? Aniga waxa ay ila tahay in ay khatartu yar tahay marka la ogyahay cidda kuu imanaysa, halka ay ka imanayso karintimayntuna ay diyaar u tahay. Dhanka kale rakaabka diyaaradda la socdaa waxa uu mar walba ka yar yahay 70 ruux, halka xuduudda dhulka maalintii ay innaga soo galaan in ku dhaw 1,000 oo intooda badani yihiin muwaaddiniin.

 

Doodda kale ee ku dacwiyeysa in Somaliland bad, bar iyo cirba la ga xidho waa dood aad u jaban oo aan sinaba ku suuroobi karin duruufaha dalkeenna yaal awgii. Somaliland waa dal 98% maceeshadda iyo agabka nolosha kale oo dhan Dibadda kala soo dega. Sidaa si la mid ah, waxsoosaarka waddanka oo yar awgii ganacsatada Somaliland 82% waxa ay la soo degaan waxa ay dib ugu dhoofiyaan dalalka jaarka, waana halka dhaqaalaheenna ugu weyni ku tiirsan yahay. Haddii bad iyo bari dawladdu xidho Somaliland dhaqaalaheedu waa uu dumi.

 

Marka xaal sidaa yahay miyaaney habbooneyn in dooddeenna si miyir qabta oo aan lahayn caaddifad, cadho iyo cid kale ku xumee u waajahno? Miyaaney ahayn inta aynaan doodda bilaabin ka hor in aynnu daraasayno dhibka ka iman kara ficilka la qaadayo? Miyeynaan iswayddiineyn tusaalayaal, sida waa dalkee dalka joojiyey dhammaan diyaaradihiii adduunka u ga imanayey oo dhan? Waa dalkee dalka xidhay bad iyo bari xuduudihiisa ee haddana nool?

Fiiro gaar ah, diyaaradaha adduunka ee dalalka ka joogsaday 98% waxa y u joogsadeen labo xaalo mid; rakaab yaraan ay keentay cabsi safarka kaga timi COVID-19. Duwalka adduunka oo xannibay diyaarado badan oo dalkooda u ga imanayey meelo gaar ah oo COVID-19 ku badan yahay. Ilaa iyo hadda ma jiro dal dhammaan diyaaradihii u imanayey 100% xannibay. Ugu dambeyn, xannibaadahan Somaliland waa ay sameysay waana la gu sameeyey. Waxa la joojiyey diyaarado dhawr ah oo isugu jira qaar ay Somaliland joojisay iyo qaar iskood u joogsaday.

Mohamed O. Hagi Mohamoud