Ma xor baad tahay mise xayirane? (WQ: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Adoonsi iyo adoonimo waxay si cad oo aan caad saarneyn u jireen wakhtiyadii hore ee lasoo dhaafay, imika way tirtirmeen oo wax aad odhanaysid waa hebel adoonkiisi amaba adoontiisi ma jirto oo sheekona kuma maqal, shaahidna kuma arag suuq lagu kala iibsado adoomaha wakhti xaadirkan oo laysla aqoonsan yahay way dhacdaa in suuq madaw jiro.

Taa badalkeeda waxa yimi adoonsi siyaasadeysan oo aanay duul-badani dhaadaneyn, qaaradiba qaaradbay adoonsata amaba guumeysataa, waddanba waddanbuu adoonsadaa, qofba qofbuu adoonsadaa, miyaad yaabtey aan kuu faah-faahiyee bal hadda u fiirso oo bal adna ka dheego in aad ciduun u xidhan tahay.

Asalkeedaba aadamuhu wuxuu dhashaa isagoo xor ah balse deegaanka ku gadaaman ayaa ka dhiga mid la adoonsado/gumeysto amaba isagu wax adoonsada/guumeysta, waxa laysku adeegsada maskax iyo qorshe dadka quluubtooda, caqliyadooda iyo jidhkoodaba lagu hanto ilaa ay gaadhay heer aad amarada kasoo baxaya hadba cidda aad u xadhko xidhan tahay aad ugu dhago nuglaatid.

Adduunyada horumartey sida ay ku andacoonayaan weeyaane, waxay guud ahaanba saameeyeeen adduunyooyinka saddexaad amaba waddamadda soo koraya waa siday iyagu wax u kala qaad qaadane, waxay u sameysteen godad badan oo ay subixii mudh soo yidhaahdaba ka soo abaabulaan kagana baqaan wixii ay doonistoodu tahay. Waxay maxkamadeeyaan madaxdooda waa dunida saddexaade, kii kayara leexda ujeedadoodana xabsiyabay u taxaabaan, waxay ay yagleeleen barnaamijyo iyo aalado ciddaa iyo camaarka ka badan oo qofka ka ilaalinaya in uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo tusaale dhallinyartii waxa kala goostey kubbad, faceboog, whatsapp, musasalo, filimaan iyo taar-gacmeedka looyaqaan xariifka (Smart-Phones) oo aan marnaba fooda laga qaadeyn cajaaib!!!, waa heer ay gaadheene waxba yaanan ku fogaan duulkaase aan ujeedada abaaro.

Waxa foolxumo iyo wax laga wiswiso ah in aad u rarnaato amaba aad dabaqableeye u ahaato ruux kale oo kula siman oo maskaxdaadi iyo jihadaadiiba isagu gacanta ku dhigay oo sidii uu rimuud kugu wad-wado ama kombiyuuter wax lagu shubtay hadba siduu doono iyo dhankuu doono kuu leex-leexsado, markaan taa leeyahay uma jeedo in gabi ahaanba in aanay habooneyn in qof aad la aragti noqoto, oo halka aad mabda’aaga u garato in aad ku hirgalineysid haybtiisa inaad raadiso way kula gudboon tahay.

Waa inaad xor u ahaata cid aad dooranaysid iyo cidda aad diidaysid, maankana aad ku haysaa sidii aad ugaadhi laheyd hankaaga, afkaaguna waa in uu intaanu wax aanad kasoo kabsan ku dhawaaqin aad ka fiirsata waxkasta oo uu ereyga afkaaga dhaafayaa ku jihaysan yahay iyo xikmada u xambaarsan yahay ileen watii horeba laynooga digey midhaase, “hadal afdhaafey albaab dhaaf” oo daaraduu doonu iyo kambal doonu ka caweynayaaye.

Hoos ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Eed ha qaadin

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”

hibafaakhir@gmail.com