Maahmaahaha laga yidhi Hadalka (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)

1. Hadal nin badiyey mawada odhan nin yareeyeyna kama wada tagin.

2. Anigaa hadhay looma hadlo ee maxaa hadhay ayaa loo hadlaa.

3. Hadalow nin si kuu yidhi Hawraarayna ninaba si kuu qaaday.

4. Hadalka maalintii.geedka igu dhaafaa habeenkii isagoo gurdan faras leh ayuu ii yimaadaa.

4. Aan wada hadalo waa aan heshiino

5. Hadalku inta uu uur kaaga ku jiro ayuu ammaanadaada yahay.

6. Hoos waliba Hadal leh.

7. Hadal dheeri waa abaar.

8. Nimaan hadlin hooyadiina qadisay.

9. Hadalku hadduu mid yahay laba lagama dhigo

10. Hadalka haddaan runta laga sheegin wax ka xun ayaa laga sheegaa oo been ah.

11. Hadal dabadii iyo Hambo dabadeed midna lama maro.

12. Wax beerka lagu dhufto oo markiiba bogsada hadalka ayaa jire.

13. Hadal iyo Hilbaba kala qalan.

14.Hadal waayeel waa guud mar.

15. Hadal waa margi.

16. Goor gaaban Hadalkeedna gaaban.

17. Dhagax baa la tuuraaye Hadal lama tuuro.

18. Hadal badani haan ma buuxsho.

19.Hadal lama wadaago ee caanaa la wadaagaa.

20. Hadal murti leh iyo Hilib midi leh midna laguma margado

21. Nin wayn oo Hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.

22.Hadalku waa dheh ama dhagayso.

23. Hadal afdhaafay Afaf dhaaf.

24. Afkeenu waa isu ammaan.

25. Hal-maan Hadal kuma jiro.

26.Hadal baden Dan baa dhaanta.

Yuusuf shaacir