Maalinta Jacaylka 14 Febarwari Iyo Halista Diimeed Ee ku Ladhan (WQ: Cali Cabdo Coomay)

Sooyaalka Maalinta Jacaylka Adduunka 14 Febarwari.

Boqorkii Roomaanka ee la odhan jiray Claudius-kii Labaad, wuxuu ahaa Boqor awood badan oo kibir awgii kolba dagaal culus oo aan loo baahnayn geliya jiray ciidankiisa. Boqorkani wuxuu dhisay ciidan awood badan, balse wuxuu galay dagaallo qadhaadh oo askari badani kaga dhimatay. Ka dib wuxuu u baahday sidii uu u heli lahaa askar fara badan oo u dagaalanta. Wuxuu abaabul iyo diyaargarow u galay sidii uu maamulkiisa u balaadhin lahaa, waxaanu qaatay go’aan odhanaya “ in askartu ay ka fogaadaan wax kasta oo mashquulinayaa, sida, xaaskooda, dumarka ay saaxiibka la yihiin, carruurtooda iyo qoysaskooda.
Sidoo kale wuxuu mamnuucay guurkii, si meesha looga saaro in kuwa xaaska lihi aanay ku mashquulin, kuwa doobabka ahina aanay u hungurayn wax guur ah.” Ka dib nin Baadari ahaa sidoo kalena ahaa wasiirka Diinta iyo xidhiidhka Kiniisadaha oo la odhan jiray “Valentine” oo ka tirsanaa maamulka Boqorka, markiisii horana ahaa nin dumarka iyo gogol-dhaafkoodu madax maray iyo nin kale oo isna la odhan jiray Saint Marius, ayaa si hoose uga soo horjeestay amarkii Boqorka. Waxa aanay bilaabeen inay shirar qarsoodi ah la yeesheen dhallinyaradii guur-doonka ahayd, waanay isu-guurin jireen. Dhaqdhaqaaqii qarsoodiga ahaa ee ay horkacayeen Badari Valentine iyo kaaliyihiisii Saint wuxuu keenay inay si qarsoodi ah isugu guuriyaan dhalinyar badan, sidoo kale ay sameeyeen xidhiidh saaxiibtinimo dhallinyarta dhexdeedii, iyaga oo jebinayaa xayiraadii uu saaray Boqor Claudius Labaad, ee aan racfaanka laga qaadan karayn.

Hasayeeshee dabayaaqadii sannakii 269-kii ayuu fashilmay qorshihii qarsoodiga ahaa, waxaana la qabtay Baadarigii Valentine iyo Saint, ka dib Boqorkii ayaa amar ku bixiyey in si xun loo ciqaabo, oo jeelkana loo taxaabo. Sidii jeelka loogu dhexqaraacayey ayuu Valentine ku dhexdhintay jeelkii 14/2/270. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa ay mad-habta Kootaliga ee Kiristaanku u aqoonsatay maalinta jacaylka adduunka, ka dibna waxa ku raacay mad-habta Protestanka in la xuso sannad kasta 14 Febarweri, iyada oo la weynaynayo xaqdarada loo diley Baadarigaa Valentine iyo kaalihiisii Saint Marius. sidoo kale waxa ay labadaa mad-habood isku raaceen in la isku-daro labada magaca ee VALENTINE iyo SAINT MARIUS oo laga dhigo “ Saint Valentine’s day”.
14 Febarweri waxa ay noqotay maalin ay si weyn u xusaan dadyowga Kiristaanka ahi, iyaga oo ugu yeedha (Lupercalis) inay ahayd Ilaah u soo halgamay JACAYLKA ADDUUNKA, dartiina loo diley. Maraykanka ayaa ugu horeeyey bilaabida xuska maalinta jacaylka adduunka waxaanu xuska bilaabay horraantii sannadkii 1700-kii, waxaanay noqotay maalin ay dhallinyartu is-weydaarsadaan fariimo jacayl (Valentine’s day of cards). Sidoo kale sannadkii 1840-kii ayaa dalalka reer Yururb bilaabeen isu-dirida fariimaha jacaylka, waxaana lagu qiyaasay in la isu-diray salaamo iyo fariimo jacayl oo gaadhaya in ka badan hal Bilyan oo caar (Cards) sannad kasta. Waxa kale oo jirta inay Haweenku yihiin 80% dadka iibsada Caararka maalintaasi la isu-dirayo.

Halista-Diimeed Ee Maalintan
14 Febarweri sannad kasta waa maalinta ugu gogol-dhaafka badan adduunka, marka la eego xafladaha iyo kulanka dhexmara dhalliyarada isugu jirta wiilasha iyo gabdhaha. Waa maalinta ugu badan ee ay dhacaan, Sinada, Faaxishada iyo fusuqu. Marka laga qiyaas qaato sinada habeenkaasi dhacda, waxa calool gala carruur ilma-sino ah, markuu sannad ka soo wareego, waxa bata carruur garac ah, oo meelahaasi lagu daadiyo. Diinta Islaamku waxa ay inaga reebaysaa in aynu dabagalno dhaqamada xun ee ay leeyihiin ummadaha Kiristaanku. Wuxuu Rasuulku “SCW” yidhi” Ciddii cid isku shabbahadaa iyaga ayey ka mid yihiin.” Xuskua maalintani wuxuu ku salaysan yahay Baadari dhaqan xun u horseeday Kiristaanka, balse aanay ahayn in muslimiintu ay ugu daydaan si indho la’aan ah.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa , Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com