Maalinta Suuliga adduunka / maalinta faraxalka iyo mashaariicda la midka ahi..W/Q:(Kamaal Marjaan)

Maalinta Suuliga adduunka / maalinta faraxalka iyo mashaariicda la midka ahi waa bahdil iyo dhaqan xumo.

Ma jirto foolxumo ka weyn in kuwii aynnu innagu barnay in nijaasta ay iska dhaqaan, (Reer galbeedka) ay maanta lacago iska soo ururiyaan, si ay Suuliga iyo fara xalka inoo baraan.

Waa caqligeenna oo la caayayo, innaga oo og in aanay hawlaha noocan ah ka samayn karin dalalka Yurub iyo kuwo sheegta ilbaxnimada. Waa se ayaankeen, kol Haddii kuwo innaga mid ah oo madax iyo aqoonyahan aynnu u naqaannaa ay hawlahaas inoo keenaan weliba ku sheegaan samafal iyo hawlo bani’adaamnimo.

Nadaafadda waxa uu islaamku ku daray in ay caqiidada ka mid tahay (Waa iimaanka badhkii). Nadaafadda jidhka, labbiska, hoyga, deegaanka iyo ilaalinta fayadhowrka guud waxa ay ka mid tahay tiirarka ugu horreeya ee lagu barbaariyo qofka muslimka ah.

Islaamku waxa uu waalid kasta faray in ilmihiisa uu 7 jirka ku baro salaadda. Salaaddana waxaa shardi u ah in nijaasta la iska basriyo, la iskana nadiifyo kaddibna la weyso qaato.

Waxa kale oo uu islaamku ina baray in toddobaad kasta aynnu mar jidhka dhaqno, in aynnu waddada ka ilaalinno waxa dadka socotada ah dhibta ku keenaya, sida qashinka. In gacmaha aynnu maydhno hurdada kaddib, in aynnu iska maydhno jinaabada iyo xaaladaha kale ee maydhashada ragga ama Haweenka waajibinaya, in aynnu istijaysanno Suuliga, iyada oo weliba sida fiicani tahay in aynnu biyo isticmaalno, iwm.

Dawladii Islaamka ee Cabbaasiyiinta ayaa ahayd ciddii ugu horreysay ee qarnigii siddeedaad dhulkii ay ka talinaysay ka dhistay Suuliyo iyo xamaamyo dadweynaha u furan.

Qarnigii 15-naad ka hor (Qarnigii shanaad wixii ka dambeeyey), reer yurub ma ay maydhan jirin, markii urtii gaadhay heer ay xitaa iyagii isu adkaysan waayaan, ayaa la soo saaray cadarro jidheed iyo udugyo kale si urtu u yaraato. Muslimiintii ganacsiga, diin faafinta iyo dawladnimada u tagtay ayaana ahayd ciddii mar kale ku soo celisay dhaqanka ah in ay jidhkooda biyo ku dhaqaan.

Dawladda Cusmanaiyiintuna iyada ayaa Yurub badankeeda ku faafisay dhaqanka suuli isticmaalka iyo dhismaha Suuliyada / xamaamyada.

Tirakoob ay 2018 kii samaysay xarunta Gallup ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday shacabka ugu nadaafadda badan qaaradda Yurub, gaar ahaan fara dhaqashada Suuliga kaddib, in ay yihiin Boosniyiinta oo boqolkiiba 96 nadaafadda dhowra, kaddibna ay ku xigaan Turkiga, 94%, iyo Kosovo 85%. Dalalkan kaalmaha hore galay oo muslimiin ah a ayaa xarunta Gallup ay caadadooda nadaafadda la xidhiidhisay dhaqanka salaad tukasho ee Muslimiinta oo baray in ay weysaystaan, nadaafaddana dhowrtaan.

Dhowaan koobkii kubadda cagta adduunka ee Qatar ka dhacay 2022, waa ugu yaabka badan ee dadkii reer galbeedku ay ku arkeen, aadna ugu ammaaneen, waxa uu ahaa dhaqanka Muslimiinta ee ah in Suuliyada laga helo biyo lagu istijoodo, taas oo la ogyahay in ay tahay habka ugu fiican ee wasakhda la iskaga nadiifin karo si ka fiican waraaqaha Suuliga iyo wax kale oo kasta.

Marka aynnu innagu gaar isaga hadlno, Soomaaligu in kasta oo uu ahaa reer guuraa aan Suuli dhisan, haddana mar kasta in uu saxarada basriyo iyo in uu weysadiisa garabka ku sitaa waxa ay ahaan jirtay dhaqan aad loo yaqaanno.

Haddii dhibaatooyinka Soomaalida helay ay sababeen in Suuli qodashadu ku yaraato dadka deegaanka ah, taas oo dabcan aynnu ognahay in aanay gaadhsiisnayn heer gurmad bani’aadamnimo loo baahdo, haddana waxa ay ahayd in dadkeenna dhaqanka, aqoonyahanka iyo diintu ay arrintaas ka hawl galaan, balse aan looga dhigin samafal caalamiya oo boqollaal kun oo doolar lagu cuno.