Godey iyo jahawareerkii siyaasadeed ee ku dhacey kililka 5aad
Waxaa maalmo yar ka dib loo guurey magaalada Godey oo ku taala dooxada wabiga Shabeele dhul beereed aad u baaxad balaadhana leh cimiladeeduna aad u kulashahay, Cabdilaahi Maxamed Sacad inkasta oo uu ahaa xubin ka tirsan ururka ONLF hadana mudo dheer ma sii joogin maamulkii kililka, waxaana lagu badaley Xasan Jire Qalinle waqtigaas waxaa aad u soo shaac baxay ururo Siyaasadeed sheeganaya oo magacyo kala duwan leh dhamaana ah ururo beeleed ama qabyaaladeed, iyo laba urur diimeed oo kala ahaa Alitaxaad Alislaami iyo Al tadaamun Al-islaami.
Waqtigaas waxaa kale oo soo shaac baxay niman siyaasiyiin waaweyn ah oo u jandheedha dhinaca EPRDF ( pro- EPDRF) waxaanan ka xusi karnaa Dr. Cabdimajiid Xuseen, Shamshadiin Axmed,Ciid Daahir Xasan Jire iyo rag kale kuwaas oo uu waqtigaas ugu tun weynaa Cabdi majiid waxaana iska caadi noqotey in mar walba isku dhac siyaasadeed yimaado kaasi oo sababa in mar walba qof madaxda ah xilka laga qaado.
Waxaan halka ku soo tabinayaa arin dhacdey oo aan markaa goob joog u ahaa gaar ahaana magaalada Godey ka dhacdey, waxaanay ahayd waxaa halkaa safar ku tagey Sheekh Nuur Baaruud, Maxamuud Sh. Faarax ( Akhi) iyo Aniga oo waqtigaas xubno sare ay labada sheekh ka ahaayeen xisbigii Tadaamun ana aan golaha dhexe xubin ka ahaa,waxaan la kulanay khilaaf ba’an oo u dhaxeeya ururka ONLF iyo madaxweynihii xiligaas Xasan jire.
Waxa ay labada sheekh isku dayeen in ay dhex dhexaadiyaan waxaana la kulanay gudoomiyihii ONLF Sheekh Ibraahim Cabdale wuxuu ahaa nin cad oo dheer aadna u dhuuban si wacan ayuu noo soo dhaweeyey markii ay waydiiyeen sababta khilaaf ururkiisa iyo madaxweynaha waxaa uu ku jawaabey waxaa goliisa wasiirada ku jira nin aan Soomaali ahayn oo uu ka dhigey maaliyad waana ninkii caruurta iyo shacabka Soomaaliyeed ku gumaadey diyaaradaha magaalada Boorama sanadkii 1984kii taasina ma ah buu yidhi mid aan aqbali karno.
Runtii waxaan u arkey hadalkaas gudoomiyaha mid Soomaalinimo ah oo daacad ah walow aanan markaa waxba ka garneyn wasiirka u sheegayo.
Maalinkii danbe xili makhrib dabadii ah waxaan la kulanay Xasan Jire oo ah madaxweynihii soo dhaweyn iyo salaam ka dib waxa ay wareysteen waxa uu khilaafku ku salaysan yahay, waxaanu ku jawaabay anu waxaan u haystey ururka ONLF niman halgamaa ah oo dadkooda wax u taraya laakiin waxaan uga maara la’ahay wasaarada maaliyada cid aan iyaga ahayn looma dhiibi karo ayey aamisan yihiin taasina wax liita ayaan u arkaa ayuu yidhi madaxeynihii.
Markii ay waydiiyeen wasiirkiisu in uu Soomali yahay iyo in kale waxa uu ku jawaabey in uu Soomaali yahay laakiin hadii la leeyahay afkiisu Soomaali ma ah ninku afka aad uma yaqaano, waxaa halkaa ka muuqatey in hadalkii sheekh Ibraahim wax ka jiraan.
Magaalada Godey markaa waxa ay ahayd magaalo aad u yar inkasta oo ay dhismayaal dawladeed oo waaweyn iyo garoon caalami ah lahayd, waxyaabaha aan aad ula yaabey waxaa ka mid ahaa masaajidka magaalada ku yaaley oo aan filayo in markaa uu kaligii ahaa oo u u dhisnaa qaab afar gees ah oo safba safka uu ka danbeeyo ayaa dheeraanayey ka horana waa yaraanayey mixraab la’aanta iyo sida uu u qaabaysan yahay.
Markii waxaa dhibaato ka jirtey sanadihii hore ee maamulka Soomaalida in mar walba miisaniyada maamulka waxba lagu qaban waayo oo ay la noqoto goor walba dawlada dhexe ( federaalka) taasina waa baraha uu ka unkamey musuq maasuqii ragaadiyey xukuumada Soomaalida oo ay ku macaasheen kolba koox yar oo maamulka joogta iyo saraakiil sar sare oo Ciidanka dawlada dhexe ka mid ah kuwaas oo qaarkood milyaneero noqdeen, halka shacabkiina ka oomana kana gaajeysnaa hantidaas sida xaq darada ah loo bur burinaayey.
la soco qayb kale…
Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed- Jigjiga