Maamul daadejinta iyo dawladdaha hoose (WQ: Saddaam Xuseen Carab)

Hordhac

Si kooban maamul daadejintu waa awood siinta maamul  ee dawladda dhexe u daadejiso dawladaha hoose ee degmooyinka. Si kale waa igmashada maamullada degmooyinka ee u dhow bulshada si dawladda dhexe uga jawaabto baahiyaha bulshada ee rasmiga ah.

Sida dalalka horumaray, adeegyada aasaasiga ah ee muwaadinka sida, biyo, waxbarasho, caafimaad iwm. ah ee dawladdu u qabato shacabkeeda, dawladaha hoose ee degmooyinka iyo xaafadaha ayaa fuliya oo maamula. Waayo, dawladaha hoose iyaga ayaa dawladda dhexe uga dhow bulshadana ugana dhuun dalool shacabka. Maamuldaadejintu waa qaab hoos ka bilow ah oo dadku ay ku dhisi karaan dawladnimo iyaga u adeegta oo baahiyahooda asaasiga ah daboosha.

Doorka Dawladda Dhexe

Dawladda dhexe ayaa fure u ah maamul daadejinta. In dawladda dhexe ku dhiirrato samaynta maamul daadejin ilaa heer degmo ah waxa keena laba arrin; 1. kalsoonida lagu qabi karo awoodda dawladaha hoose ee ay ku maamuli karaan awoodahaas iyo 2. kal-baxsanaan(transparency) ay dawladda dhexe leedahay kuna oggolaato in maamulidda adeeygyada dawladaha hoose u daadejiso.

Laga soo bilaabo kolkii Somaliland dib ugu dhawaaqday gooni isutaagga, ee la bilaabay dhismaha dawladnimo, awoodda iyo dhaqaaluhu waxa ay ku koobanyihiin dawladda dhexe. Taas tu la mid ah nidaamka cashuur ururinta, maamulidda iyo guud ahaan dawladnimadu waxa ay noqotay  mid ku kooban meelo cayiman sida caasimadda iyo magaalooyin kale oo waaweyn. Taas oo keensatay in bulsho badan oo reer Somaliland ahi aanay helin adeeg dawladeed oo ku gaadha degaannadooda iyo mararka qaar in laga soo hayaamo oo dadku isugu yimaaddaan magaalooyinka waweyn.

Waxa iyana yaab leh in  xataa magaalooyinkaas waaweyn ee dawladnimada loo tuhmayaa aanay haysan adeegyadii aasaasiga ahaa ee dawladi bixinaysay.

Doorka Dawladdaha Hoose

In kasta oo hadda uu jiro dhaqdhaqaaq ku aaddan maamul daadejinta oo ay dabada ka riixayaan hay’ado caalami ahi, haddana ma muuqato awood hay’adeed oo dawladaha hoose ee magaalooyinku u leeyihiin hirgalintiisa.

Hal-abuurka ah in maamul daadejin la abuuraa maaddaama oo uu cirka ka soo dhac yahay (cid aan masuuliyiinta la doortay ahayni riixayso), iyana waa ay adagtahay sida uu dhab ahaan u hirgeli karo iyo sida uu baahiyaheenna u dabooli karo.

Sida xaqiiqadu tahay adeegyada ay hadda dawladda hoose ku koobantahay ee ahaa bilicda, qashingurka, qorsheynta iwm. ayaa ilaa hadda ay dawladihii hoose u taag iyo talo la’yihiin. Taas oo bulshadana ka sii fogeynaysa helidda adeegyada dawladda dhexe hadda fuliso isla jeerkaasna dawladda hoose ku soo ururinaysa dhul la sharciyeeyo iyo cashuur la uruuriyo oo aan baahida bulshada u dhug lahayn.

Talo soo jeedin

Ka hor inta aan dawladda dhexe lagala hawlgelin daadejinta maamulka adeegyada, waxa qumman:

  1. In xafiisyada degmooyinka/xaafadaha ee magaalada la xoojiyo dhisme ahaan iyo qalab ahaan ba.
  2. In shaqaalaha heer degmo iyo xaafadeedba la dhiso tayadooda xirfadeed ee ay ku gudan karaan shaqada si gaar ah xoogga loo saaro aqoonyahanka iyo dhallinyarada wax baratay ee jaamacadaha ka baxday in ay hawlgalaan xarumahaas.
  3. In degmooyinku awood u yeeshaan qorsheynta, maamulidda iyo fulinta mashaariicda degmada/xaafadaha oo aan wax waliba ku xidhnaan xarunta dhexe.
  4. In shaqaalaha degmada/xaafadda loo abuuro degaan shaqeed ay ku faraxsanyihiin oo ka imanaya in la daboolo ama la dhadhaweeeyo baahiyaha aasaasiga ah sid in mushahar ku filan la siiyo, in fasaxyada ay xaqa u leeyihiin qaataan, in gaadiid shaqada keena/rawixiya iwm.
  5. In hoggaanka degmooyinku noqdaan kuwo awood aqooneed iyo karti shaqo u leh in ay maamuli karaan, horumarkaraan una fekeri karaan degmada iyo baahiyeheeda iyo adeegyada loo baahanyhay.

Qodobbadani waxa ay fududeyn karaan in dawladda hoose ka adkaato hawlaha badan ee loo igmaday isla markaasna ay u hanqal taagi karto ama raadiso in loo daadeejiyo adeegyada dawladda dhexe qabato ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iwm.

Gebogebo

Dawladaha hoose ee degmooyinku waa hay’ado halbowle u ah horumarka ama dib-dhaca dalka. Horumarka iyo haqabtirka bulshadeennu waxa uu u baahanyahay dawlad shacabka u dhow oo u si dhab ah ugu shaqeysa. Dawladdaha hoosena iyaga ayaa hormood ka noqon kara haddii hoos ka dhiskaas ay horseed u noqdaan kuna dhiirradaan tayeynta shaqaalohooda, xafiisyadood iyo adeegyadooda. Waa se kolka hoggaan kartideeda, aqoonteeda iyo ku dhiirrashadeeda lihi jiro.

 

Saddaam Xuseen Carab