Maamul (Gabay, Waxa curiyey: Khadar Faarah Siciid)

Tixdan curinteeda waxa aan u holladay mar aan ku hamiyay qoridda dhigane ka hadlaya aqoonta maamulka. Waxaan dhex jibaaxay sugaanta Soomaalida, badkasta oo ay tahayba si aan uga soo dheegto tuducyo tilmaamaya muhiimadda maamulku u leeyahay nolosha. Hase ahaatee waan waayay gabay ama maanso kale oo si toos ah u abbaaraysa dhookhayga, sidaa darteed aniga oo ka duulaya marin baxsan haddaad waydo mid baa la banaystaa, ayaa gabaygan gaaban abuuray  26/1/2016.

Maansadan magaceedu waa “Maamul” dulucdeeduna waxa ay ku wareegaysaa uun waxtarka maamulku u leeyahay keli iyo ka badanba.

Hal magac maamuuseed oo ku jiraa  tixdan ayaa ah  “Oday” oo aan ula jeedo “Maxamuud Axmed oday”. Waa bare sare oo aqoonta maamulka ka dhiga jaamacadda Burco.

Maansadii Maamul wuxuu tidhi,

 

Isku duubni wadarnimo aboor kaa u aayoo

Aqal baaxad wayn buu ku ebyaa ayaamoo

Awooddiisa muruq buu ku igdhaa aqoontoo

Intuu maamul adag diro cidba meel ku aadshaa


Kuwo iilal jeexoo oo soo qufa awaaraha

Kuwo ayda xulayoo u kalaha arsaaq dalab

Kuwo urusha dhooboo loo igmaday walaaqiyo

Kuwo amara bixintiyo u astaysan jeedaal

Intaas oo ordaayo itaalkooda isu ulay

Nolol aaya tiin lay ibaheed salaaxaan

Umalkiyo darxumaday illinkeeda awdaan

Ubadkooda korayay aayo u yagleelaan

Madi iyo irmaanbay tacab ugu abuuraan.

 

Is dhexyaaca waxa fala ummaddii tirmaysa e

Amar kala sarrayn ixtiraamis wadatiyo

Wayeel iftiinshoo dedanaha ogaankara

Aafada qarsoon iyo siraa awdan fagi kara

Ifafaalayaashiyo akhrinkara ayaamaha

Ooshuu ka maqanyahay ama aan adeecini

Arrad iyo ibaar iyo eedba way mudan

Filanwaayo uguba na aragoodu wuu qaban.

  

Idilkiiba noolahu awood wuxuu ku yeeshaa

Ayaamaha qadhaadh iyo aafada ku jidhaa

Belaayada olkaysiyo ku afwaajiyaa nacab

Orogob maata qaadiyo aadumada ku joojaa

Omoskiyo qayoodkana aqal kaga samystaa

Anfaacigiyo dheeftana firigeeda aastaa

Marka uu iskaashiga samihiisa aamino

Itaalka iyo dadaalkana isasudho karaan kii

Ujeedada wadaagga ah  idil loo ruqaansado.

 

Askartaba dagaalada abbaaduul horkacayoo

Awooddooda cariyoo, adkaysiiya beerkoo

Marka la is abbaarna, erey dhiirri gelineed

hoy aarso wiiloow, haw nuglaan asaagaa

 dhegta kaga afuufoo kolba dib u abaabula

Aleen dhiilla gelineed hadba kaga ibriiqiya

Aahdiyo baroortiyo oohintiyo jibaadada

 Kuwa uurku hoos yaal, fara inay illaawwaan.

Geesigaa ammaanta le ku astaysan dhiirida

Aarkaa maqnaantii arrin fulay bal faallee?.

 

Odayoow oowoow, dawlinimada unugeed

Maaraayn adayg iyo maamul iin la’ inay tahay

Eexda oo la laaliyo iilashada fogaynteeda

Mataanayn itaaleed ku axadhan qorashay iyo

Habaynta oo abbaar sugan ku astaysa aadmiga

 Adigaa akhriya oo dhaaxa nagu afuufee

Dawgii irmaanaa illinkaad na tidhi mara

Adimadu dhankiibay tallabada ku aadaan

Ubaxaad abqaashiyo soo fufe iniinyii

Awoodaha ilaahay ku ilaashe odayoow.

 

Curin: khadar Faarax Siciid

Email: dalmartogdheer@gmail.com