maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga (WQ: Prof-Abdi Ali Jama)

Looma Baahna Tiradii Badnayd, ee Aynu Moodaynay!!!

Afeef: Gaal dil gartiisana sii, oo aan is idhaa waxay la macno tahay aayadda Quraanka kariimka ah ee يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ; Innaga oo taas ka duulayna, arrinka aynu ka cabanayno ee habdhaqanka warbaahinta, gaar uma aha xukuumad ka mid ah xukuumadihii soo maray Somaliland oo ay ku jirto tan maanta joogta; dhammaantood sidan bay ku wadeen warbaahinta dawladda; in ay ka sii daayaan kaliya fikirka xukuumadda iyo xisbiga talada haya.

Sidaa darteed, eedda way ka siman yihiin madaxweynayaashii iyo wasiiradii soo maray Wasaaradda Warfaafintu; gaar uma aha M/weynaha immika jooga, Muse, iyo Wasiir Mohamed. Haddaba maxaa keenay cabashada immika?; waxa keenay immika cabashada, wax kale ma ahee, waa xukuumaddan oo noqotay tii ugu kacan kululayd saxaafadda iyo saxafiyiinta; markaas ayaa loo baahday in la yidhaa idinkuba Tvgii Qaranka ee cashuurta dadweynaha ku soconayay ayaad maqaaxi aad leedihiin ka dhigateen; markii taas la idinkula hadli waayay ayaad soo xad-gudteen, oo aad rabtaan in saxaafadda oo dhami noqoto meel aan sii dayn karin fikir khilaafsan kiina sida TV-ga qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, sharci-yaqaanadii waxay inoo sheegeen in tiro yari ku filan tahay mar haddii aynaan wadin mooshin sharci oo cusub ama kaabis iyo wax ka beddel; innagu waxaynu rabnaa in warbaahinta dawladda la waafajiyo nidaamka dimuqraadiyadda iyo asxaabta badan ee aynu qaadanay ee Dastuurka ku xardhan, innaga oo og in ay maanta u shaqayso sidii Siyad Barre, oo aan la ogolayn in waraysi laga qaado qof xukuumadda aan la aragti ahayn!!!

Haddaba, immika waxaynu haynaa oo is diiwaan galiyay tiro fiican, sidaa darteed waynu dhaqaajin karnaa; kaliya waxaynu rabnaa in Golaha Wakiiladu u sheegaan warbaahinta dawladda in qaabka ay u shaqeeyaan warbaahinta dawladdu yahay hannaanka ay u shaqeeyaan waddamada aan dimuqraadiga ahayn, ee xisbi kaliya ama qof kaliyaati u taliyo. Sidoo kale, haddii aynu khaldanahayna ay innaga runta inoo sheegaan.

Walaalayaal aynu doodda Qaranka ka dhex socota beddelno oo ka dhigno mid sharci iyo maamul wanaag; may la socotaa?…dood ma aha reer hebel; qof kastaa reer buu ka soo jeedaa, ma muwaadin baa muwaadin ka wanaagsan!!!

Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.